Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 78:17-20

17 Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan,
Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.
18 Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda
Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.
19 Oo Ilaah bay wax ka sheegeen,
Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?
20 Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen
Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay,
Haddaba miyuu kibisna bixin karaa?
Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?

Sabuurradii 78:52-55

52 Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay,
Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.
53 Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin,
Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.
54 Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah,
Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.
55 Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha,
Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey.
Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.

Boqorradii Kowaad 19:9-18

Oo intuu halkaas yimid ayuu god iska galay, oo halkaasuu baryay, oo bal eeg, waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?

Rabbiga Oo U Muuqday Eliiyaah

10 Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay; waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan. 11 Oo isna wuxuu ku yidhi, Ka bax, oo buurta fuul oo Rabbiga hortiisa istaag. Oo bal eeg, waxaa meeshaas soo maray Rabbiga, oo hortiisa ayaa dabayl weyn oo xoog badan buurihii kala jejebisay, dhagxantiina burburisay; laakiinse Rabbigu kuma jirin dabaysha; oo dabayshii dabadeedna waxaa jiray dhulgariir, oo Rabbiguna kuma jirin dhulgariirka. 12 Oo dhulgariirkii dabadiisna waxaa jiray dab, laakiinse Rabbigu kuma jirin dabka, oo dabkii dabadiisna waxaa jiray cod yar oo gaaban. 13 Oo markuu Eliiyaah taas maqlay, ayuu go'iisii wejiga ku duudduubtay oo dibadda u baxay, oo wuxuu istaagay meeshii godka laga soo geliyey. Oo bal eeg, markaasaa waxaa isagii u yimid cod leh, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa? 14 Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay, waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan. 15 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Tag, oo ku noqo jidkaagii cidlada Dimishaq; oo markaad Dimishaq gaadhid waa inaad Xasaa'eel u boqortaa dalka Suuriya. 16 Oo Yeehuu ina Nimshiina waxaad u boqortaa dalka Israa'iil; oo Eliishaa ina Shaafaad oo ah reer Aabeel Mehoolaahna waa inaad u subagtaa inuu meeshaadii nebi ka ahaado. 17 Oo markaasay waxay noqon doontaa in ninkii ka baxsada seefta Xasaa'eel uu Yeehuu dili doono; oo kii Yeehuu seeftiisa ka baxsadana waxaa dili doona Eliishaa. 18 Laakiinse weliba waxaan daynayaa toddoba kun oo qof oo dalka Israa'iil ku jirta oo aan kulligood Bacal u jilbo joogsan oo aan midkoodna afkiisu Bacal dhunkan.

Rooma 11:1-6

Diidniinta Ilaah Israa'iil Diiday Ma Dhamma

11 De waxaan leeyahay, Ilaah miyuu xooray dadkiisii? Ma suurtowdo. Waayo, anba waxaan ahay mid reer binu Israa'iil ah, oo farcankii Ibraahim ah, oo qabiilkii Benyaamiin ah. Ilaah dadkiisii uu hore u yiqiin ma xoorin. Mise ma waydaan aqoon waxa Qorniinku ka sheegayo Eliyaas? siduu Ilaah ugu cawday isagoo reer binu Israa'iil ka cabanaya oo leh, Rabbow, nebiyadaadii way dileen, meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo keligay baa hadhay, oo naftayday doondoonayaan. Laakiinse jawaabtii Ilaah oo u timid isaga maxay leedahay? Waxaan nafahaantayda ula hadhay toddoba kun oo nin oo aan Bacal u jilba joogsan. Sidaas oo kale wakhtigan la joogona waxaa jira kuwo hadhay oo nimco lagu doortay. Laakiinse haddii nimco lagu doortay, de haddaba ma aha mar dambe xagga shuqullada, haddii kalese nimcadu mar dambe nimco ma aha.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya