Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:57-64

KHED.

57 Rabbigu waa qaybtayda,
Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
58 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato,
Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
59 Waxaan ka fikiray jidadkayga,
Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
60 Waan u degdegay, oo kama aan raagin
Inaan amarradaada dhawro.
61 Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh,
Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
62 Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo,
Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
63 Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan,
Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
64 Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.

Maahmaahyadii 3:27-35

27 Wanaag ha u diidin kuwa uu ku habboon yahay in loo sameeyo,
Markaad awood u leedahay inaad u samayso.
28 Deriskaaga ha ku odhan, Tag oo soo noqo,
Berri baan ku siin doonaaye,
Haddii aad markaas haysid.
29 Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin,
Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.
30 Ninna sababla'aan ha kula diririn,
Haddaanu xumaan kugu samayn.
31 Ha ka hinaasin nin dadka dulmiya,
Oo jidadkiisana midnaba ha dooran.
32 Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga,
Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.
33 Rabbigu wuxuu inkaaraa guriga kii shar leh,
Laakiinse rugta kuwa xaqa ah wuu barakeeyaa.
34 Hubaal kuwa wax quudhsada ayuu isagu quudhsadaa,
Kuwa is-hoosaysiiyase nicmuu siiyaa.
35 Kuwa xigmadda leh waxay dhaxli doonaan sharaf,
Laakiinse nacasyadu waxay u dallici doonaan ceeb.

Luukos 18:18-30

Nolosha Weligeed Ah Iyo Ninkii Maalka Jeclaa(A)

18 Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo? 19 Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah. 20 Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus. 21 Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray. 22 Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac. 23 Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa. 24 Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan, 25 waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso. 26 Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 27 Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan. 28 Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay. 29 Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur, 30 oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya