Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:57-64

KHED.

57 Rabbigu waa qaybtayda,
Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
58 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato,
Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
59 Waxaan ka fikiray jidadkayga,
Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
60 Waan u degdegay, oo kama aan raagin
Inaan amarradaada dhawro.
61 Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh,
Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
62 Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo,
Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
63 Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan,
Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
64 Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.

Bilowgii 31:1-3

Yacquub Oo Ka Cararaya Laabaan

31 Wuxuu maqlay hadalkii Laabaan wiilashiisii, iyagoo leh, Yacquub baa wixii aabbeheen oo dhan wada qaatay, oo xoolahan oo dhan wuxuu ku helay wixii aabbeheen. Yacquubna wuxuu fiiriyey wejigii Laabaan, oo wuxuu arkay inuusan sidii hore u ahayn. Rabbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa.

Bilowgii 31:17-50

17 Markaasuu Yacquub kacay, carruurtiisii iyo naagihiisiina wuxuu fuushiiyey awrtii; 18 wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan. 19 Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa. 20 Markaasaa Yacquub si qarsoon uga tegey Laabaankii reer Suuriya oo aan ogayn, umana uu sheegin inuu cararayo. 21 Oo sidaasuu ula cararay wixii uu haystay oo dhan, oo intuu kacay, ayuu webigii ka gudbay, oo wejigiisii ku toosiyey buurtii Gilecaad.

Laabaan Oo Raacdaynaya Yacquub

22 Maalintii saddexaad baa Laabaan loo sheegay in Yacquub cararay. 23 Markaasuu walaalihiis kaxaystay, oo wuxuu raacdaynayay toddoba maalinsocod, wuxuuna ku gaadhay buurtii Gilecaad. 24 Markaasaa Ilaah riyo habeennimo ugu yimid Laabaankii reer Suuriya, oo ku yidhi, Iska jir oo Yacquub xumaan iyo wanaag toona ha kula hadlin. 25 Laabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad. 26 Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay, oo maxaad si qarsoon iiga soo tagtay anoo aan ogayn, oo aad gabdhahayga ula soo carartay sidii iyagoo ah maxaabiis seef lagu soo dhacay? 27 Maxaad qarsoodiga ugu soo carartay, oo aad si qarsoon iiga soo tagtay? Oo maxaad iigu sheegi weyday, si aan kuugu soo ambabbixiyo rayrayn iyo gabayo iyo daf iyo kataarad? 28 Oo maxaad iigu oggolaan weyday inaan dhunkado wiilashayda iyo gabdhahayga? De taas nacasnimaad u yeeshay. 29 De xoog aan wax kugu yeelo waan leeyahay, laakiinse Ilaaha aabbahaa baa xalay ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Iska jir oo Yacquub ha kula hadlin xumaan iyo wanaag toona. 30 Oo haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday? 31 Yacquubna waa u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Maxaa yeelay, waan cabsaday; waayo, waxaan is-idhi, Wuu kaa xoogi doonaa gabdhihiisa. 32 Qofkii aad ilaahyadaadii ka hesho waa inuusan noolaan. Walaalahayo hortooda ku fiiri wixii aan kaa haysto, oo iska qaado. Waayo, Yacquub ma uu ogayn inay Raaxeel soo xadday. 33 Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel. 34 Raaxeelna way qaadday sanamyadii, oo waxay gelisay heeryadii awrta, wayna ku fadhiisatay. Laabaanna wuu ka wada baadhay teendhadii oo dhan, mana uu helin. 35 Oo waxay aabbeheed ku tidhi, Sayidkaygiiyow, ha u cadhoon inaanan istaagi karin, waayo, caadadii dumarku heli jiray baan qabaa. Isna wuu baadhay, laakiinse sanamyadii ma uu helin. 36 Yacquubna wuu cadhooday, oo Laabaan wuu la murmay; Yacquubna wuu u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay xadgudubkaygu? Waa maxay dembigayga aad aawadiis aad iigu soo raacdaysatay? 37 Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan. 38 Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin. 39 Kuwii dugaagu ka cunayna kuuma aan keenin; laakiinse anaa kuu magdhabay, anaad i weyddiisan jirtay, ha ahaadeen wixii maalin lagaa xado ama wixii habeen lagaa xado ee. 40 Maalintii kulayl baa i dili jiray, habeenkiina dhaxan; hurdadiina waa iga tagtay. Oo sidaasaan ahaan jiray. 41 Labaatan sannadood baan gurigaaga joogay; afar iyo toban sannadood waxaan kuugu shaqeeyey labadaada gabdhood aawadood, lix sannadoodna adhigaaga aawadiis. Mushahaaradaydiina waxaad beddeshay toban goor. 42 Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay. 43 Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen? 44 Haddaba kaalay, aan aniga iyo adigu axdi dhigannee, hana noqdo markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. 45 Markaasaa Yacquub dhagax soo qaaday, oo sidii tiir u qotomiyey. 46 Yacquubna wuxuu walaalihiis ku yidhi, Dhagaxyo soo ururiya; kolkaasay dhagaxyo soo gureen, oo meel taalleeyeen; kolkaasay taallada agteedii wax ku cuneen. 47 Laabaanna wuxuu meeshaas u bixiyey Yegar Sahaduta; Yacquubse wuxuu u bixiyey Galceed. 48 Laabaanna wuxuu yidhi, Maanta taalladanu waa markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. Sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Galceed, iyo Misfaah, 49 waayo, wuxuu yidhi, Rabbigu ha dhawro aniga iyo adiga dhexdeenna markaynu kala maqan nahay. 50 Haddaad gabdhahayga dhibtid, ama aad naago kale gabdhahayga la guursatid, ninna inalama joogo, balse ogow, Ilaah baa markhaati dhexdeenna ka ah aniga iyo adiga.

Cibraaniyada 12:14-16

Digidda

14 Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin. 15 Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaane, 16 si aan dhillay u jirin ama qof cibaado la' sidii Ceesaw oo ahaa kii curadnimadiisii kala baxay waxoogaa cunto ah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya