Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:57-64

KHED.

57 Rabbigu waa qaybtayda,
Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
58 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato,
Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
59 Waxaan ka fikiray jidadkayga,
Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
60 Waan u degdegay, oo kama aan raagin
Inaan amarradaada dhawro.
61 Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh,
Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
62 Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo,
Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
63 Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan,
Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
64 Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.

Maahmaahyadii 25:11-22

11 Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa
Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.
12 Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay
Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.
13 Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay
Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska,
Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.
14 Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa
Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.
15 Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan,
Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.
16 Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun,
Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye.
17 Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga,
Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.
18 Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa
Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.
19 In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo
Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.
20 Kii qalbi murugaysan u gabyaa
Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.
21 Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii,
Hadduu harraadsan yahayna waraabi,
22 Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa,
Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.

Rooma 12:9-21

Wixii Masiixiyiinta Lagu Amray

Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada. 10 Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo. 11 Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega. 12 Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta, 13 oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya. 14 U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina. 15 La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya. 16 Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina. 17 Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa. 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan. 19 Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay. 20 Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah. 21 Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya