Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:33-40

HE.

33 Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar,
Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
34 Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa,
Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
35 Igu kexee waddada amarradaada,
Waayo, kaasaan ku farxaa.
36 Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga,
Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
37 Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi,
Oo jidadkaaga igu noolee.
38 Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah
Oo doonaya inaan kaa cabsado.
39 Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi,
Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
40 Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada,
Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

Laawiyiintii 24:10-23

Nin Caytamay Oo La Dhagxiyey

10 Oo naag reer binu Israa'iil ah wiilkeed, oo aabbihiis uu Masri ahaa ayaa reer binu Israa'iil dhex galay, oo wiilkii naagta reer binu Israa'iil iyo nin reer binu Israa'iil ah ayaa xerada dhexdeedii ku diriray. 11 Markaasaa naagtii reer binu Israa'iil wiilkeedii magicii Rabbiga caayay oo habaaray, oo isagii waxaa loo keenay Muuse. Oo wiilkaas hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Shelomiid ina Dibrii, waxayna ahayd qabiilka Daan. 12 Oo isagiina way xidheen ilaa xukunkiisu ka soo baxo afka Rabbiga.

13 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 14 Kii caytamay xerada ka soo bixi, oo intii isaga maqashay oo dhammu gacmahooda madaxiisa ha kor saareen, oo dabadeedna ururka oo dhammu ha dhagxiyeen. 15 Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa. 16 Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa. 17 Oo ku alla kii qof kale dila, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. 18 Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef neef ku gudaa. 19 Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa. 20 Jabniin jabniin ha ku mago, ilna il ha ku mago, iligna ilig ha ku mago, oo isagu siduu qofka wax u yeelay, saasoo kale isagana ha loo yeelo. 21 Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa. 22 Oo waa inaad sharci qudha u haysataan shisheeyaha iyo waddanigaba, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 23 Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil, oo iyana waxay xerada ka soo bixiyeen kii caytamay, oo way dhagxiyeen. Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.

Matayos 7:1-12

Xukunka Dadka Kale Lagu Xukumo(A)

Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin. Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa. Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa? Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree? Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.

Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.

Dhiirrigelinta Tukashada(B)

Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa; waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa. Ninkiinnee baa haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? 10 Ama hadduu kalluun weyddiisto, abeeso siinaya? 11 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

Qaynuunka Dahabka Ah(C)

12 Haddaba wax kasta oo aad doonaysaan in laydinku sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya