Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:33-40

HE.

33 Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar,
Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
34 Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa,
Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
35 Igu kexee waddada amarradaada,
Waayo, kaasaan ku farxaa.
36 Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga,
Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
37 Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi,
Oo jidadkaaga igu noolee.
38 Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah
Oo doonaya inaan kaa cabsado.
39 Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi,
Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
40 Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada,
Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

Baxniintii 22:21-27

21 Oo qariib waa inaadan xumayn, ama waa inaadan dulmin, waayo, idinba qariib baad ku ahaydeen dalkii Masar. 22 Waa inaydnaan dhibin carmal, ama ilmo agoon ah. 23 Oo si kasta ha noqotee haddii aad iyaga dhibtid, oo ay ii qayshadaan hubaal qayladooda waan maqli doonaa, 24 oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.

25 Oo haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin. 26 Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin, 27 waayo, kaasu waa kan qudh ah oo uu isa saari jiray, oo waa dharkii uu huwan jiray, oo muxuu ku seexan doonaa? Oo waxaa dhici doonta in markuu ii qayshado, aan maqli doono, waayo, anigu waan raxmad badnahay.

1 Korintos 10:23-11:1

23 Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan. 24 Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon. 25 Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 26 Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba. 27 Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hor dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 28 Laakiin haddii laydinku yidhaahdo, Tanu waa wax sanam loo sadqeeyey, ha cunina, kan idiin sheegay aawadiis iyo niyada aawadeed. 29 Waxaan leeyahay, niyada kan kale, ee ma aha taada. Waayo, xoriyaddayda maxaa loogu xukumaa mid kale niyadiis? 30 Haddaan mahad kaga qayb galo, maxaa la iigu caayaa wixii aan ku mahadnaqo? 31 Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa. 32 Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah, 33 sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.

11 Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya