Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:9-16

BED

Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa?
Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
10 Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan,
Yaanan amarradaada ka leexan.
11 Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday
Si aanan kuugu dembaabin.
12 Rabbiyow, adigaa mahad leh,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
13 Waxaan bushimahayga ku sheegay
Xukummadii afkaaga oo dhan.
14 Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga,
Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
15 Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada,
Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
16 Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa,
Eraygaagana ma illoobi doono.

Maahmaahyadii 2:1-15

Faa'iidada Xigmadda

Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid,
Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,
Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid,
Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid,
Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;
Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale,
Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,
Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa,
Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.
Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda,
Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa,
Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.
Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta,
Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.
Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta,
Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
10 Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda,
Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
11 Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta,
Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
12 Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah,
Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,
13 Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga,
Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,
14 Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan,
Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;
15 Oo jidadkoodu maroorsan yihiin,
Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,

Matayos 19:1-12

Wax Ku Saabsan Naagfuridda(A)

19 Waxaa dhacay in, goortuu Ciise hadalladan dhammeeyey, uu Galili ka tegey, oo wuxuu yimid soohdimaha Yahuudiya, oo Webi Urdun ka shisheeya. Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.

Markaasaa Farrisiintii u timid, iyagoo jirrabaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in nin sabab kasta naagtiisa ku furo? Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig, oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh? Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin. Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo? Wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, Muuse wuxuu idiinku fasaxay inaad naagihiinna furtaan qalbi engegnaantiinna aawadeed, laakiin bilowgii sidaas ma ay ahayn. Waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa. 10 Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Haddii nin xaalkiisu sidan yahay xagga naagtiisa, in la guursadaaba ma wanaagsana. 11 Laakiin wuxuu ku yidhi, Dadka oo dhammu ereygan ma wada aqbali karaan, kuwii la siiyey mooyaane. 12 Waayo, waxaa jira bohommo sidaas kaga dhashay uurkii hooyadood, oo waxaa jira bohommo dadku dhufaanay, oo waxaa jira bohommo isaga dhigay bohommo boqortooyada jannada aawadeed. Kii hadalkan aqbali karaa, ha aqbalo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya