Revised Common Lectionary (Complementary)
NUN.
105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad,
Waddooyinkaygana iftiin.
106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey
Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
107 Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay,
Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
108 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga,
Xukummadaadana i bar.
109 Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar,
Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
110 Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin,
Laakiinse amarradaada kama aan amban.
111 Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya,
Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
112 Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo,
Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
6 Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag,
Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo,
7 Iyadoo aan lahayn madaxweyne,
Sirkaal iyo taliye toona,
8 Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa,
Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.
9 Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa?
Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?
10 Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa,
Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,
11 Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca,
Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
12 Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba,
Wuxuu ku socdaa af qalloocan;
13 Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa,
Oo faruhuu wax ku baraa;
14 Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar,
Oo wuxuu beeraa muran.
15 Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa,
Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
16 Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay,
Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
17 Waana indho kibir badan, carrab been sheega,
Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
18 Qalbi male shar ah hindisa,
Iyo cago xumaan ku degdega,
19 Markhaati been ah oo been sheega,
Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
Digniin Ku Saabsan Sinada
20 Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji,
Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
21 Had iyo goorba qalbiga ku sido,
Oo qoortana ku xidho.
22 Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa,
Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa,
Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
23 Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin,
Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
Nuurka Dunida
12 Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha. 13 Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha. 14 Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo. 15 Idinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo. 16 Haddaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray. 17 Sharcigiinna waxaa ku qoran, Laba nin maraggoodu waa run. 18 Anigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura. 19 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen. 20 Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
Digidda Ku Saabsan Xukunka Imanaya
21 Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan. 22 Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan. 23 Wuxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan. 24 Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan. 25 Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay. 26 Waxaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa. 27 Ma ayna garan inuu iyaga kala hadlay Aabbaha. 28 Sidaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa. 29 Oo kii i soo diray ayaa ila jira, keligay igama uu tegin, waayo, mar kasta waxaan sameeyaa waxa ka farxiya isaga. 30 Intuu waxyaalahaas ku hadlayay, dad badan ayaa rumaystay isaga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya