Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:105-112

NUN.

105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad,
Waddooyinkaygana iftiin.
106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey
Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
107 Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay,
Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
108 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga,
Xukummadaadana i bar.
109 Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar,
Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
110 Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin,
Laakiinse amarradaada kama aan amban.
111 Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya,
Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
112 Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo,
Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.

Boqorradii Labaad 23:1-8

Yoosiyaah Oo Cusboonaysiiyey Axdigii

23 Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan. Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay. Markaasaa boqorkii istaagay tiirka agtiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdigan oo kitaabkan ku qornaa, oo dadkii oo dhammuna axdigii bay aqbaleen oo u istaageen. Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday. Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan. Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka. Oo wuxuu dumiyey guryihii makhnuudyada oo ku dhex yiil guriga Rabbiga meeshay naaguhu ku samayn jireen daahyadii geedihii Asheeraah. Oo wadaaddadii oo dhanna wuxuu ka soo kaxeeyey magaalooyinkii dalka Yahuudah, wuuna nijaaseeyey meelihii sarsare oo wadaaddadu fooxa ku shidi jireen, tan iyo Gebac ilaa Bi'ir Shebac; oo haddana wuxuu dumiyey meelihii sarsare oo irdaha, kuwaas oo ku yiil meesha laga soo galo iridda Yashuuca oo ahaa taliyihii magaalada, oo ku yiil xagga bidix ee iridda magaalada.

Boqorradii Labaad 23:21-25

21 Markaasaa boqorkii dadkii oo dhan amray oo ku yidhi, Rabbiga Ilaahiinna ah u dhawra Iidda Kormaridda, siday ugu qoran tahay kitaabkan axdiga. 22 Hubaal Iiddaas Kormaridda oo kale lama dhawrin tan iyo wakhtiyadii xaakinnadu reer binu Israa'iil xukumi jireen, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Israa'iil oo dhan, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Yahuudah toona. 23 Laakiinse sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Yoosiyaah ayaa Iiddaas Kormaridda Rabbiga loogu dhawray Yeruusaalem. 24 Oo weliba Yoosiyaah wuxuu baabbi'iyey kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii, iyo teraafiimtii, iyo sanamyadii, iyo dhammaan karaahiyadii lagu arkay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, si uu u adkeeyo erayadii sharcigii ku qornaa kitaabkii wadaadkii Xilqiyaah ka dhex helay gurigii Rabbiga. 25 Oo isaga hortiis ma jirin boqor la mid ah oo Rabbiga ugu soo jeestay qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan iyo xooggiisa oo dhan siduu ahaa sharcigii Muuse oo dhan, oo isagii dabadiisna ma uu kicin boqor la mid ahu.

2 Korintos 4:1-12

Wacdinta Aan Qalbijab Iyo Ceeb Iyo Sir Toona Lahayn

Sidaas daraaddeed sida lanoogu naxariistay, annagoo haysanna adeegiddan, qalbi jabi mayno; laakiin waxaannu diidnay waxyaalihii qarsoonaa oo ceebta ahaa, annagoo aan sirta ku soconaynin ama aan ereyga Ilaah qalloocinaynin, laakiin muujinta runta ayaannu niyada dadka oo dhan isugu bognaa Ilaah hortiisa. Laakiin injiilkayagu hadduu daboolan yahay, wuxuu ka daboolan yahay kuwa lumaya. Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga. Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis. Waayo, waa Ilaah kan yidhi, Iftiin ha ka ifo gudcur, kan qalbiyadeenna uga ifay inuu iftiinka aqoonta ammaanta Ilaah inaga siiyo Ciise Masiix wejigiisa.

Itaaldarrada Rasuulka Iyo Xoogga Ilaah

Laakiin khasnaddan ayaannu ku haysannaa weelal dhoobo ah in xoogga weynaantiisa ay ka ahaato xaggii Ilaah ee aanay xaggayaga ka ahaan. Wax walba waa lanagu dhibay, laakiin lanama cidhiidhiyin, waannu qalbi walaacnay, laakiin ma aannu quusan, waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabbi'in. 10 Mar walba jidhkaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato. 11 Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya. 12 Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya