Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
15 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya?
Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
2 Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya,
Oo qalbigiisa run kaga hadla.
3 Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman,
Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn,
Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan,
Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada,
Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
5 Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod,
Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin.
Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.
Xaakinnada
18 Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah. 19 Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa. 20 Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.
Jixinjixa Masiixiyiinta
8 Ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Kulligiin isku maan ahaada, oo isu jixinjixa, oo sida walaalo isu jeclaada, oo isu naxariista, oo is-hoosaysiiya. 9 Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,
10 Kii doonaya inuu nolol jeclaado,
Oo arko maalmo wanaagsan,
Carrabkiisa shar ha ka joojiyo,
Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.
11 Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo;
Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;
12 Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah,
Dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda;
Laakiin wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya