Revised Common Lectionary (Complementary)
6 Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid,
Oo anna dhegahaygii waad ii furtay,
Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.
7 Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid,
Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
8 Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada,
Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
9 Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey,
Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin,
Waad og tahay, Rabbiyow.
10 Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin,
Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay,
Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
11 Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan,
Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
12 Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey,
Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo,
Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.
13 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi,
Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.
14 Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen,
Oo dhammaantood ha wareereen,
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana
Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
15 Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda,
Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.
16 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,
Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen,
Rabbiga ha la weyneeyo!
17 Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan,
Sayidkuse waa i xusuustaa.
Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga,
Haddaba ha iga raagin.
Kormariddii Rabbiga
12 Oo Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun kula hadlay dalka Masar, oo ku yidhi, 2 Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad. 3 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qoys waluba wan ha qaato; 4 oo haddii qoys uusan wada qaadan karin wan, de markaas waa in isaga iyo deriskiisa oo ah kan qoyskiisa ku xiga ay mid wada qaataan oo ay u qaybsadaan sida tirada dadku tahay; nin walba sida cuntadiisu tahay waa inaad u tirisaan kalaqaybinta wanka. 5 Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan, 6 oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan. 7 Oo waa inay dhiigga wax ka qaataan, oo ay mariyaan fayaaradda albaabka labadeeda dhinac iyo meesheeda sare oo ah guryaha ay wax ku dhex cuni doonaan. 8 Oo habeenkaas waa inay cunaan hilibka oo dab lagu dubay, iyo kibis aan khamiir lahayn, oo ha ku cuneen caleemo qadhaadh. 9 Ha cunina isagoo ceedhiin ama biyo lagu kariyey, laakiin waxaad cuntaan isagoo dab lagu dubay, oo qaba madaxiisa iyo mijihiisa iyo waxa gudihiisa ku jira qaba. 10 Oo waa inaydnaan waxba ka reebin ilaa subaxda, laakiin waxa ka hadha markuu waagu beryo waa inaad dab ku gubtaan. 11 Oo sidan waa inaad u cuntaan, idinkoo guntan, oo kabihiinnu cagaha idiinku jiraan, ushiinnuna gacanta idiinku jirto; oo waa inaad degdeg u cuntaan; waayo, waa Rabbiga Kormariddiisa. 12 Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga. 13 Oo dhiiggu wuxuu idiin noqon doonaa calaamo kor taal guryaha aad ku jirtaan; oo markii aan dhiigga arko, waan iska kiin kor mari doonaa, belaayo idin baabbi'isaana idinkuma dhici doonto, markaan wax ku dhufto dhulka Masar.
21 Markaasaa Muuse wuxuu u wada yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, La baxa wanan oo qoys, qoys u qaata, oo qala wanka Kormaridda. 22 Waxaad qaadataan xidhmo geed husob ah, oo waxaad dartaan dhiigga ku jira xeedhada, oo albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ku taabsiiya dhiiga ku jira xeedhada; oo midkiinna ilaa waagu ka beryo yuusan albaabka gurigiisa dibadda uga bixin. 23 Waayo, Rabbigu wuxuu dhex mari doonaa dalka, oo wuxuu layn doonaa Masriyiinta, oo markuu arko dhiigga ku yaal albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ayaa Rabbigu kor mari doona albaabka, oo u oggolaan maayo in baabbi'iyuhu guryihiinna soo galo oo idin laayo. 24 Oo waxan amar ahaan waa inaad weligiin u dhawrtaan idinka iyo carruurtiinnuba. 25 Oo markii aad timaadaan dalka Rabbigu idin siin doono, oo uu idiinku ballanqaaday, waa inaad dhawrtaan u adeegiddan Ilaah. 26 Oo markii carruurtiinnu idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan u-adeegiddan Ilaah? 27 waxaad ku odhan doontaan, Waa allabarigii Rabbiga Kormariddiisii, kii kor maray guryihii reer binu Israa'iil markay Masar joogeen, oo samatabbixiyey reerahayagii, Masriyiintiise laayay. Markaasaa dadku madaxa u foororiyey oo u sujuuday. 28 Markaasaa reer binu Israa'iil tageen oo sidaas yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.
Filibos Iyo Bohonkii Xabashiga Ahaa
26 Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah. 27 Wuuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo. 28 Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos. 29 Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac. 30 Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid? 31 Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto. 32 Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan,
Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey;
Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa,
Isagu afkiisa ma uu furo;
33 Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday;
Farcankiisii yaa sheegi doona?
Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.
34 Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale? 35 Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise. 36 Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso? 37 Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah. 38 Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga. 39 Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan. 40 Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya