Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur uu Sulaymaan tiriyey.
72 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii,
Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
2 Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo,
Oo masaakiintaadana caddaalad.
3 Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad,
Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.
4 Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa,
Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa,
Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
5 Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto,
Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab.
6 Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora,
Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.
7 Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa,
Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.
8 Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad,
Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.
9 Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan;
Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro,
Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.
11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan,
Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo,
Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan,
Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi,
Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
15 Oo isagu wuu noolaan doonaa, oo waxaa la siin doonaa dahabka Shebaa;
Had iyo goorba dadku way u ducayn doonaan,
Oo weliba maalinta oo dhan isagay ammaani doonaan.
16 Oo dhulka waxaa jiri doona hadhuudh badan xagga buuraha dushooda,
Oo midhihiisuna waxay u soo ruxmi doonaan sida Lubnaan oo kale,
Oo kuwa magaalada joogaana waxay u barwaaqoobi doonaan sida doogga dhulka.
17 Magiciisu weligiis buu waari doonaa,
Magiciisu waa sii jiri doonaa in alla intay qorraxdu jirto;
Oo dadku way ku barakoobi doonaan isaga,
Quruumaha oo dhammuna waxay ugu yeedhi doonaan farxaan.
18 Mahad waxaa leh Rabbiga Ilaahaa oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
Oo keligiis sameeya waxyaalo yaab badan,
19 Magiciisa ammaanta badanu mahad ha lahaado weligiisba,
Oo dhulka oo dhanna ammaantiisu ha ka buuxsanto.
Aamiin iyo Aamiin.
20 Daa'uud ina Yesay baryootannadiisii way dhammaadeen.
2 Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis. 3 Haddaba sidaas daraaddeed iyaguu gacangelin doonaa jeeray tan foolanaysa umusho, dabadeedna kuwa walaalihiis ka hadhay waxay ku noqon doonaan dadka Israa'iil. 4 Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa. 5 Oo kanu wuxuu noqon doonaa nabaddeenna.
Samatabbixin Iyo Baabba'
Markii kan reer Ashuur uu dalkeenna soo galo, oo uu ku dhex socdo daaraheenna waaweyn, markaasaynu isaga ku kicin doonnaa toddoba adhijir iyo siddeed nin oo madax ah. 6 Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro. 7 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay dadyow badan ku dhex ahaan doonaan sidii sayax xagga Rabbiga ka yimid, iyo sidii shuxshux caws ku kor da'ay, kaasoo aan ninna dhawrin, oo aan binu-aadmiga sugin. 8 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya. 9 Gacantiinnu ha ka sarrayso cadaawayaashiinna, oo colkiinna oo dhanna ha wada baabbo'o.
Herodos Cadownimadiisii
31 Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo. 32 Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinku u taga oo dawacaas u sheega, Bal eeg, maanta iyo berriba ayaan jinniyo saarayaa oo dad bogsiinayaa, maalinta saddexaadna ayaan kaamilmayaa. 33 Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda.
Ciise Waa U Ooyay Yeruusaalem(A)
34 Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 35 Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya