Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 7:10-16

10 Oo weliba Rabbigu mar kaluu Aaxaas la sii hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 11 Rabbiga Ilaahaaga ah calaamad weyddiiso, oo waxaad ka weyddiisataa meelaha hoose ama meelaha sare. 12 Oo Aaxaasna wuxuu yidhi, Anigu waxba weyddiisan maayo, oo Rabbigana innaba jirrabi maayo. 13 Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan? 14 Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel. 15 Wuxuu cuni doonaa subag iyo malab, ilaa uu aqoonsado inuu sharka diido oo wanaagga doorto. 16 Waayo, intaan yarku aqoonsan inuu diido sharka oo uu wanaagga doorto ayaa dalka aad labadiisa boqor karaahiyaysatoba laga tegi doonaa.

Sabuurradii 80:1-7

Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim Ceduud.

80 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow,
Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow,
Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici,
Oo kaalay oo na badbaadi.
Ilaahow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
Rabbiyow Ilaaha ciidammadow,
Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?
Waxaad ku quudisay kibistii ilmada,
Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.
Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada,
Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.
Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

Sabuurradii 80:17-19

17 Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga,
Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.
18 Markaas dib kaaga noqon mayno,
Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.
19 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

Rooma 1:1-7

WARQADDII RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
ROOMA

Salaan

Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah addoonkii Ciise Masiix, oo loogu yeedhay inuu rasuul ahaado, oo gooni looga dhigay injiilka Ilaah. Injiilkaas ayuu Ilaah markii hore nebiyadii ku ballanqaaday xagga Qorniinka quduuska ah, oo wuxuu ku saabsan yahay Wiilkiisa, kii ka dhashay farcankii Daa'uud xagga jidhka, oo sarakiciddii uu ka sara kacay kuwii dhintay ay ku caddaysay inuu xagga ruuxa quduusnimada yahay Wiilka Ilaah oo xoog leh oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aannu ku helnay nimco iyo rasuulnimo, inaannu addeecidda rumaysadka magiciisa daraaddiis ugu geeyno quruumaha oo dhan. Idinkuna kuwaas dhexdooda aad ku jirtaan oo ah kuwii loo yeedhay oo Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa kuwa Rooma jooga oo dhan oo uu Ilaah jeclaaday, oo loogu yeedhay quduusiin. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

Matayos 1:18-25

Dhalashadii Ciise Masiix(A)

18 Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Quduuskaa ka uuraysatay. 19 Ninkeedii Yuusuf wuxuu ahaa nin xaq ah oo aan doonayn inuu dadka tuso, wuxuuse doonayay inuu si qarsoon u eryo. 20 Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid. 21 Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa. 22 Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

23 Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta,
Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel;

kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga. 24 Markaasaa Yuusuf hurdadii ka kacay oo yeelay sidii malaa'igtii Rabbigu ku amartay, oo naagtiisii ayuu qaatay; 25 uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magiciisa u baxshay Ciise.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya