Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 21

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

21 Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga,
Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay,
Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga,
Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga,
Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada,
Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan,
Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga,
Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan,
Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah.
Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa,
Oo dab baa gubi doona.
10 Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa,
Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
11 Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan,
Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
12 Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan,
Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.
13 Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree,
Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.

Ishacyaah 24:1-16

Rabbiga Oo Dhulka Baabbi'inayaa

24 Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa. Oo waxay noqon doontaa in wixii dadka ku dhaca ay wadaadkana ku dhacaan, oo wixii addoonka hela, sayidkana way heli doonaan, oo wixii iibiyaha helana, iibsadahana way heli doonaan, oo wixii amaahiyaha helana amaahsadahana way heli doonaan, oo wixii korsaarqaataha helana, korsaarbixiyahana way heli doonaan. Oo dalkana dhammaantiis waa la madhin doonaa oo la kharribi doonaa, waayo, Rabbiga ayaa eraygaas ku hadlay. Dhulku wuu baroortaa, wuuna qallalaa, dunidu way daashaa, wayna qallashaa, oo dadka sarena way daalaan. Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen. Sidaas daraaddeed dhulkii waxaa baabbi'iyey habaar, oo kuwii dhex degganaana eed baa laga helay, sidaas daraaddeed kuwii dhulka degganaa way gubteen oo wax yar baa ka hadhay. Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan. Farxaddii dafku way joogsatay, oo kuwii rayraynayay buuqoodiina waa dhammaaday, farxaddii kataaradduna way joogsatay. Mar dambe khamri hees kuma ay cabbi doonaan, oo wax lagu sakhraamona wuu u qadhaadhaan doonaa kuwa cabba. 10 Magaalada cidlada ah waa la dumiyey, oo guri kastana waa la xidhay si aan ninna u soo gelin. 11 Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay. 12 Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey. 13 Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed. 14 Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan. 15 Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.

16 Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen.

1 Tesaloniika 4:1-12

Waano

Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan. Waayo, amarradii aan Rabbi Ciise idinku siinnay waad og tihiin. Maxaa yeelay, doonista Ilaah waxaa weeyaan inaad quduus ahaataan oo aad sino ka fogaataan, in midkiin kastaaba garto siduu weelkiisa ugu hayn lahaa quduusnaan iyo maamuus, mana aha inuu hammadda damaca xaaraanta ah ku socdo sida dadka aan Ilaah aqoonin; inaan ninna xadgudbin oo walaalkiis xaalkan ku xumayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa mid ka aarguda waxyaalahan oo dhan sidaannu mar hore idiinku dignay oo idiinku sii sheegnay. Waayo, Ilaah wasakhnimo inooguma yeedhin, laakiinse wuxuu inoogu yeedhay quduusnaan. Sidaas daraaddeed kii diidaa, dad ma diido, wuxuuse diidaa Ilaaha idin siiya Ruuxiisa Quduuska ah.

Laakiinse xagga jacaylka walaalaha loo qabo uma aad baahnidin in wax laydiin soo qoro, maxaa yeelay, idinka qudhiinnaba Ilaah baa idin baray in midkiinba midka kale jeclaado. 10 Waayo, sidaasaad jeceshihiin kulli walaalaha jooga Makedoniya oo dhan. Laakiin waxaannu idinku waaninaynaa, walaalayaalow, inaad intaas aad uga sii badisaan, 11 oo aad u dadaashaan inaad nabdoonaataan, oo aad dantiinna ku joogtaan oo aad gacmihiinna ku shaqaysaan, sidaannu idinkugu amarnay; 12 inaad sida idiin eg ugu socotaan xagga kuwa dibadda jooga, oo aydnaan waxba u baahnaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya