Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.
122 Waan farxay markay igu yidhaahdeen,
Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
2 Yeruusaalemay, cagahayagu
Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
3 Yeruusaalem waxaa loo dhisay
Sida magaalo isku wada dheggan,
4 Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan
Inay Israa'iil u marag furaan,
Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.
5 Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay,
Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
6 Yeruusaalem nabad ugu duceeya.
Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
7 Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda,
Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
8 Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood
Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.
9 Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis
Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.
15 Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay. 16 Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan. 17 Haddaba Ilaahayow, bal maqal tukashadayda iyo baryadayda anoo ah addoonkaaga, oo aawadaa, Sayidow, uga dhig in wejigaagu ka hor iftiimo meeshaada quduuskaa oo kharribantay. 18 Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa. 19 Sayidow, na maqal; Sayidow, na cafi; Sayidow, na dhegayso oo yeel; ha raagin; aawadaa baan kugu baryaynaa Ilaahayow, maxaa yeelay magaaladaada iyo dadkaagaba waxaa loogu yeedhay magacaaga.
Kadigidda Saaxiibnimada Dunida
4 Dagaallada iyo dirirta idinku dhex jira xaggee bay ka yimaadaan? Miyaanay ka imanin damacyadiinna ku dhex dagaallamaya xubnihiinna? 2 Waad damacdaan, mana lihidin; waad dishaan, waadna xaasiddaan, mana heli kartaan; waad dirirtaan, waadna dagaallantaan, mana lihidin, waayo, ma aad weyddiisataan. 3 Waad weyddiisataan, mana heshaan, waayo, si xun baad u weyddiisataan inaad ku bixisaan damacyadiinna aawadood. 4 Dhillayo iyo dhillooyin yahow, miyeydnaan garanayn inay saaxiibnimada dunidu Ilaah la col tahay? Sidaas daraaddeed kii kasta oo doonaya inuu saaxiib la ahaado dunida, Ilaah buu la col noqdaa. 5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra? 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. 7 Haddaba Ilaah ka dambeeya, laakiin Ibliiska hor joogsada, wuu idinka carari doonaaye. 8 U soo dhowaada Ilaah, isaguna wuu idiin soo dhowaan doonaa. Dembilayaashow, gacmihiinna nadiifiya. Labaqalbiilayaashow, qalbiyadiinna daahiriya. 9 Dhibtooda oo baroorta oo ooya. Qosolkiinnu baroor ha u rogmado, farxaddiinnuna caloolxumo. 10 Is-hoosaysiiya Rabbiga hortiisa, isna wuu idin sarraysiin doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya