Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 141

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

141 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso,
Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.
Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay,
Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.
Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji,
Oo albaabka bushimahaygana dhawr.
Qalbigayga ha u duwin wax shar ah,
Yaanu falimo xumaan ah la gelin
Dadka xumaanta ka shaqeeya,
Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.
Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa,
Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto,
Madaxayguna yaanu diidin,
Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.
Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa,
Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.
Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo
Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.
Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan,
Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.
Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen,
Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.
10 Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda
Markaan anigu ka baxsado.

Yexesqeel 43:1-12

Ammaantii Daarta Oo Soo Noqotay

43 Oo markaas dabadeedna wuxuu i keenay iriddii xagga bari u sii jeedday. Oo bal eeg, sharaftii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa xagga bari ka timid, oo codkiisuna wuxuu u ekaa sidii biyo badan sanqadhood, oo dhulkuna sharaftiisuu la dhalaalay. Oo waxyaalihii lay tusay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii hore ee aan arkay; sidii waxyaalihii aan arkay markuu u yimid inuu magaalada dumiyo ayay u ekaayeen, oo waxyaalihii aan arkay waxay u ekaayeen sidii waxyaalihii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay oo kale; oo aniguna wejigaan u dhacay. Oo sharaftii Rabbigu waxay daartii ka soo gashay jidkii iriddii xagga bari u sii jeedday. Oo Ruuxii ayaa kor ii soo qaaday, oo wuxuu i geeyey barxaddii gudaha, oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii buuxisay. Oo waxaan maqlay qof daarta igala soo hadlaya, oo nin baa i garab taagnaa. Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, halkanu waa meeshii carshigayga, iyo meeshii cagahayga, iyo meeshii aan reer binu Israa'iil weligay dhex degganaan doono, oo reer binu Israa'iil ama boqorradoodu mar dambe magacayga quduuska ah kuma ay nijaasayn doonaan dhillanimadooda amase meydka boqorradooda oo meelahooda sare yaal. Waxay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey. Haddaba iyagu bal dhillanimadooda iyo meydka boqorradooda ha iga fogeeyeen, oo aniguna weligayba dhexdoodaan degganaan doonaa.

10 Wiilka Aadamow, bal waxaad reer binu Israa'iil tustaa daarta si ay xumaatooyinkooda ugu wada ceeboobaan, oo bal tilmaanta ha qiyaaseen. 11 Oo hadday wixii ay sameeyeen oo dhan ku ceeboobaan, waxaad tustaa daarta qaabkeeda, iyo qabanqaabkeeda, iyo meelaha laga baxo, iyo meelaha laga soo galo, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo qaynuunnadeeda oo dhan, iyo qaabkeeda oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo iyagoo indhaha ku haya qor, si ay qaabkeeda oo dhan u sii dhawraan, oo ay qaynuunnadeeda oo dhan u wada sameeyaan. 12 Kanu waa sharcigii daarta: buurta dhaladeeda hareereheeda oo dhammu wuxuu ahaan doonaa waxa ugu wada quduusan. Bal eeg, kaasu waa sharcigii daarta.

Matayos 23:37-24:14

Ciise Wuu U Ooyay Yeruusaalem(A)

37 Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 38 Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah. 39 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

Ciise Wuxuu Sii Sheegay Dumidda Macbudka(B)

24 Ciise ayaa macbudka ka baxay, oo intuu tegayay ayaa xertiisii u timid inay tusaan dhismaha macbudka. Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

Belaayooyinka Imanaya(C)

Oo goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa? Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn. Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo hadalhayntood. Iska jira, hana baqanina, waayo, waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye. Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo dhulgariir. Waxan oo dhammu waa bilowga hoogagga. Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan. 10 Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan. 11 Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan. 12 Dembigu waa badnaan doonaa, taa aawadeed qaar badan jacaylkoodu waa yaraan doonaa. 13 Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona. 14 Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya