Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 141

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

141 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso,
Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.
Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay,
Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.
Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji,
Oo albaabka bushimahaygana dhawr.
Qalbigayga ha u duwin wax shar ah,
Yaanu falimo xumaan ah la gelin
Dadka xumaanta ka shaqeeya,
Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.
Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa,
Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto,
Madaxayguna yaanu diidin,
Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.
Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa,
Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.
Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo
Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.
Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan,
Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.
Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen,
Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.
10 Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda
Markaan anigu ka baxsado.

Yexesqeel 39:21-40:4

21 Oo ammaantaydana waxaan dhex dhigi doonaa quruumaha, oo quruumaha oo dhammuna waxay wada arki doonaan xukunkayga aan sameeyey iyo gacantayda aan iyaga dul saaray. 22 Oo maalintaas iyo wixii ka dambeeyaba reer binu Israa'iil sidaasay u ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah. 23 Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in reer binu Israa'iil ay maxaabiis u noqdeen xumaantooda aawadeed, iyo in xadgudubkii ay igu sameeyeen aawadiis aan wejigayga uga qariyey, oo aan iyaga gacantii cadaawayaashooda ugu riday, oo ay kulligood seef ugu le'deen. 24 Waxaan iyaga ku sameeyey oo aan wejigayga uga qariyey sidii ay wasakhdoodu ahayd iyo sidii ay xadgudubyadoodu ahaayeen.

25 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa. 26 Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin, 27 markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan. 28 Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin. 29 Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.

Daarta Weyn Ee Cusub Iyo Goobteeda

40 Sannaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay. Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen. Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay. Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg.

1 Korintos 10:23-11:1

23 Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba ma roona. Wax waliba waa xalaal, laakiin wax waliba wax ma dhisaan. 24 Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon. 25 Wax kasta oo suuqa lagu iibiyo cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 26 Waayo, Rabbigaa leh dhulka iyo waxa ku jira oo dhanba. 27 Mid ka mid ah kuwa aan rumaysnayn hadduu diyaafad idiinku yeedho oo aad doonaysaan inaad tagtaan, wax kasto oo laydin hor dhigoba cuna, idinkoo aan waxba weyddiinaynin niyada aawadeed. 28 Laakiin haddii laydinku yidhaahdo, Tanu waa wax sanam loo sadqeeyey, ha cunina, kan idiin sheegay aawadiis iyo niyada aawadeed. 29 Waxaan leeyahay, niyada kan kale, ee ma aha taada. Waayo, xoriyaddayda maxaa loogu xukumaa mid kale niyadiis? 30 Haddaan mahad kaga qayb galo, maxaa la iigu caayaa wixii aan ku mahadnaqo? 31 Haddaba haddaad wax cuntaan, ama wax cabtaan, ama wax kastaad samaysaan, dhammaan u wada sameeya Ilaah ammaantiisa. 32 Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah, 33 sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.

11 Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya