Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda.
123 Kaaga samooyinka dhex fadhiyow,
Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.
2 Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda,
Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda
Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah,
Ilaa uu noo naxariisto.
3 Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso,
Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.
4 Naftayadii waxaa aad uga batay
Qosolka kuwa istareexsan
Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.
Soofar
20 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,
2 Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda,
Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.
3 Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa,
Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.
4 Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo
Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray
5 Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay,
Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?
6 In kastoo sarrayntiisu ay samada korto,
Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,
7 Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale.
Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan,
War meeh isagii?
8 Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono,
Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.
9 Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto,
Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.
10 Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta,
Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.
11 Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada,
Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.
Markhaatifuridda Butros Iyo Tan Nebiyada
16 Annagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa. 17 Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. 18 Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay. 19 Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo, 20 idinkoo taas horta garanaya in wixii nebiyadii sii sheegeen oo la qoray ayan lahayn micnayn gooni ah. 21 Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Quduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya