Revised Common Lectionary (Complementary)
10 Taliyayaasha Sodomow, Rabbiga eraygiisa maqla, dadka Gomorow, sharciga Ilaahayaga dhegta u dhiga. 11 Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona. 12 Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan? 13 Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi. 14 Bilihiinna cusub iyo ciidihiinnaba naftaydu way neceb tahay, waa ii culays, inaan u adkaysto waan ka daalay. 15 Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan. 16 Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya. 17 Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
18 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. Maskiil.
32 Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
2 Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin,
Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen,
Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd,
Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5 Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin,
Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga,
Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
6 Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo,
Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
7 Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa,
Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
WARQADDII LABAAD EE RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
TESALONIIKA
Salaan
1 Annagoo ah Bawlos iyo Silwanos iyo Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa dadka Tesaloniika kiniisaddooda oo ku jirta Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix. 2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
Xukunka Dhici Doona Markii Ciise Masiix Yimaado
3 Waxaa nagu waajib ah, walaalayaalow, inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahadnaqno, sida noo eg, maxaa yeelay, rumaysadkiinnu aad buu u kordhayaa, jacaylka aad kulligiin isu qabtaanna waa badnaanayaa. 4 Sidaas daraaddeed waxaannu idinku faannaa kiniisadaha Ilaah dhexdooda, waana dulqaadashadiinna iyo rumaysadkiinna aad ku dhex leedihiin silecyada iyo dhibaatooyinka aad u adkaysataan oo dhan.
11 Sababtaas daraaddeed mar walba waannu idiin ducaynaa in Ilaaheen idinka dhigo kuwa istaahila yeedhistiisa oo uu xoog ku dhammeeyo doonis kasta oo wanaag ah iyo shuqulka rumaysadka, 12 in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.
Sakhayos
19 Ciise wuxuu galay oo dhex marayay Yerixoo. 2 Oo bal eeg, waxaa jiray nin Sakhayos la odhan jiray; kan ahaa madaxda cashuurqaadayaasha, oo hodan buuna ahaa. 3 Wuxuuna doonayay inuu Ciise arko cid uu yahay, wuuna kari waayay dadkii badnaa aawadood, waayo, wuu gaabnaa. 4 Hore buu u orday, oo wuxuu fuulay geed sukomoor inuu isaga arko, waayo, goor dhow jidkaas ayuu soo mari lahaa. 5 Ciise goortuu meeshii yimid, ayuu kor u eegay, oo wuxuu ku yidhi, Sakhayosow, dhaqso u soo deg, waayo, maanta waa inaan gurigaaga joogo. 6 Dhaqso ayuu u soo degay, oo farxad ayuu ku soo dhoweeyey. 7 Dadkii goortay arkeen, kulligood way wada gunuunaceen, iyagoo leh, Nin dembi leh ayuu u marti galay. 8 Sakhayos waa istaagay oo Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, Sayidow, maalkayga badhkiisa ayaan masaakiinta siinayaa, oo haddii aan nin wax ka dulmay, waxaan u celinayaa afar laab. 9 Ciise wuxuu ku yidhi, Maanta badbaadinta ayaa gurigan timid, waayo, isaguna waa ina Ibraahim. 10 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu kii hallaabay doondoono oo badbaadiyo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya