Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 57

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuuna tiriyey markii uu Saa'uul ka cararay, oo uu godka galay.

57 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso,
Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa,
Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada,
Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
Waxaan u qayshanayaa Ilaaha ugu sarreeya,
Oo ah Ilaaha wax kasta ii sameeya.
Isagu samaduu caawimaad ka soo diri doonaa, wuuna i badbaadin doonaa,
Markuu kan i liqi lahaa i caayo, (Selaah)
Ilaah wuxuu soo diri doonaa naxariistiisa iyo runtiisa.
Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo,
Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday,
Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho,
Oo carrabkooduna yahay seef af badan.
Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.
Dabin bay cagahayga u diyaariyeen,
Oo naftaydii baa foororsatay,
Oo waxay hortayda ka qodeen god,
Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
Qalbigaa ii fadhiya, Ilaahow, qalbigaa ii fadhiya,
Haddaba waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan ku gabyi doonaa.
Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa,
Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.
Sayidow, dadyowga dhexdooda ayaan kaaga mahadnaqi doonaa,
Oo quruumaha dhexdooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa.
10 Waayo, naxariistaadu waa weyn tahay oo waxay gaadhaa samooyinka,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa daruuraha.
11 Ilaahow, samooyinka ka sara mar,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

Samuu'eel Kowaad 25:2-22

Oo waxaa jiray nin reer Maacoon ahaa oo ay xoolihiisu Karmel joogeen, oo ninkaasuna aad buu u weynaa, oo wuxuu lahaa saddex kun oo ido ah iyo kun riyo ah, oo isna idihiisii ayuu Karmel ku xiirayay. Haddaba ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Naabaal, naagtiisa magaceeduna Abiigayil, oo naagtuna waxay ahayd mid caqli wanaagsan, aadna u suurad qurxoon, laakiinse ninku wuxuu ahaa nin qallafsan oo shar sameeya; oo wuxuuna ahaa reer Kaaleeb. Oo Daa'uud oo cidlada joogay ayaa maqlay in Naabaal idihiisii xiirayo. Daa'uudna toban nin oo dhallinyaro ah ayuu diray, oo Daa'uud wuxuu raggii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Orda oo Naabaal ugu taga Karmel, oo magacayga ku salaama; oo waxaad kaas barwaaqaysan ku tidhaahdaan, Nabadu ha kuu ahaato, reerkaagana nabadu ha u ahaato, oo waxaad haysatid oo dhanna nabadu ha u ahaato. Oo haatan waxaan maqlay inaad haysatid kuwo ido xiira; adhijirradaadiina way nala joogayeen, oo annana waxba ma aannu yeelin, oo innaba wax kama dhinnayn intii ay Karmel joogeen oo dhan. Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud. Oo markay Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa yimaadeen ayay erayadan oo dhan Naabaal kula hadleen iyagoo magaca Daa'uud ku hadlaya, dabadeedna way aamuseen. 10 Markaasaa Naabaal ugu jawaabay Daa'uud addoommadiisii, Waa ayo Daa'uud? Wiilka Yesayse waa kuma? Maalmahan waxaa jira addoommo badan oo nin kastaa ku caasiyooba sayidkiisa. 11 Haddaba miyaan qaadaa kibistayda, iyo biyahayga, iyo hilibkayga aan u qalay kuwa idaha ii xiiraya, oo miyaan siiyaa niman aanan aqoon meel ay ka yimaadeen? 12 Sidaas daraaddeed Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa way jeesteen oo dib bay u noqdeen, oo intay Daa'uud u yimaadeen ayay erayadan oo dhan u sheegeen. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu raggiisii ku yidhi, Nin walowba seeftaada xidho. Oo nin waluba seeftiisii buu xidhay, oo Daa'uudna seeftiisii buu xidhay. Kolkaasaa waxaa Daa'uud raacay in ku dhow afar boqol oo nin; oo laba boqolna alaabtii bay la joogeen. 14 Laakiinse raggii dhallinyarada ahaa midkood ayaa u warramay Naabaal naagtiisii Abiigayil ahayd oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, Daa'uud ayaa wargeeys ka soo diray cidlada inay soo salaamaan sayidkayaga, laakiinse wuu caayay. 15 Laakiinse nimankaasu way noo wanaagsanaayeen aad iyo aad, oo waxba nalama yeelin, oo innaba wax nagama dhinnayn intii aannu la soconnay oo dhan markii aannu duurka joognay. 16 Iyagu habeen iyo maalinba derbi bay noo ahaayeen intaannu iyaga la joognay oo idaha haynay oo dhan. 17 Haddaba bal garo oo ka fiirso wixii aad samayn doonto, waayo, sayidkayaga iyo reerkiisa oo dhanba belaayaa lala damacsan yahay, waayo, isagu waa waxmatare, oo ninnaba lama hadli karo. 18 Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo waxay soo qaadatay laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo laba sibraar oo khamri ah, iyo shan neef oo ido ah oo la qalay, iyo shan koombo oo hadhuudh la dubay ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo laba boqol oo fud oo berde ah, oo waxay ku raratay dameerro. 19 Markaasay waxay raggeedii dhallinyarada ahaa ku tidhi, Taga oo iga hor mara, oo anna waan idinka daba imanayaa. Laakiinse waxba uma ay sheegin ninkeedii Naabaal. 20 Oo siday dameerkeedii u soo fuushanayd ayay soo dhaadacday oo ag martay buurta meesheedii qarsoonayd, oo waxaa ka hor yimid Daa'uud iyo raggiisii, markaasay la kulantay. 21 Haddaba Daa'uud wuxuu markaa ka hor yidhi, Hubaal waxtarla'aan baan u dhawrayay waxa ninkanu cidlada ku haysto oo dhan, si aan waxba uga maqnaan waxa uu leeyahay oo dhan, oo wanaaggii aan u falay shar buu iigu beddelay. 22 Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha ku sameeyo cadaawayaashayda, haddii waxa uu leeyahay oo dhan xataa wiil yarna ha noqotee aan ka tago tan iyo waaberiga.

1 Korintos 6:1-11

Dacwado Ay Masiixiyiintu Isdacweeyaan

Midkiin haddii uu xaal ku haysto kan kale, miyuu ku dhacaa inuu ku dacweeyo kuwa aan xaqa ahayn hortooda, oo aanu ku dacwayn quduusiinta hortooda? Mise waydnaan garanaynin in quduusiintu ay dunida xukumi doonaan? Oo haddaad dunida xukuntaan, ma waxaad tihiin kuwa aan istaahilin inay waxyaalaha yaryar xukumaan? Miyeydnaan ogayn inaynu malaa'igaha xukumi doonno? Intee ka badan baa waxyaalaha noloshan ku saabsan aynu xukumaynaa? Haddaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan? Waxaan taas u leeyahay inaan idin ceebeeyo. Ma sidaas baa inaan dhexdiinna laga helaynin mid xigmad leh oo karaya inuu u gar qaybiyo walaalihiis, laakiin in walaal walaalkii dacweeyo oo uu weliba ku dacweeyo kuwa aan rumaysnayn hortooda? Haddaba waa idiin wada daran tahay in midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan, ha laydin dulmee? Laakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan, oo xataa walaalihiin. Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta, 10 ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah. 11 Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya