Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda.
121 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa,
Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
2 Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa
Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo,
Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
4 Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa
Ma gam'i doono, mana seexan doono.
5 Kan ku dhawraa waa Rabbiga,
Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
6 Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto.
Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta,
Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
11 Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo. 12 Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah. 13 Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn. 14 Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto. 15 Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa. 16 Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed. 17 Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
Wacdigii Bawlos Markuu Are'obagos Dhex Taagnaa
22 Markaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada. 23 Waayo, markaan soo socday oo aan arkay waxyaalaha aad caabuddaan waxaan soo arkay oo kale meel allabari oo lagu qoray, Waxaa leh ilaah aan la oqoon. Haddaba waxaad oqoonla'aanta ku caabuddaan ayaan wax idiinka sheegayaa. 24 Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey, 25 gacmo dadna looguma adeego sidii isagoo wax u baahan, maxaa yeelay, dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba; 26 oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda; 27 inay Ilaah doondoonaan, in hadday suurtowdo ay haabhaabtaan oo ay helaan isaga, in kastoo uusan ka fogayn midkeen kasta; 28 maxaa yeelay, isagaynu ku nool nahay, kuna soconnaa, kuna jirnaa; sidaasoo kuwo ka mid ah gabayayaashiinnu ay yidhaahdeen, Weliba innaguna waxaynu nahay farcankiisa. 29 Haddaba innagoo ah Ilaah farcankiis waa inaynaan ka fikirin in Ilaahnimadu ay la mid tahay dahab ama lacag ama dhagax oo lagu xardhay sancada iyo farsamada dadka. 30 Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan; 31 maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.
32 Haddaba kolkay maqleen wax ku saabsan ka soo sarakicidda kuwii dhintay, qaar waa ku qosleen, laakiin qaar kale waxay yidhaahdeen, Mar kale ayaannu waxan kaa maqli doonnaa. 33 Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii. 34 Laakiin niman baa raacay isagii oo rumaystay; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Diyonusiyos ki Are'obagos, iyo haweenay la odhan jiray Damaris, iyo kuwo kale oo la socdayba.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya