Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
61 Ilaahow, qayladayda maqal,
Oo baryadaydana dhegta u dhig.
2 Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya,
Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
3 Waayo, waxaad ii ahayd magangal,
Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
4 Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga,
Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
5 Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay,
Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
6 Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa,
Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
7 Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa,
Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.
8 Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa,
Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
Casaryaah, Boqorkii Yahuudah
15 Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday. 2 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem. 3 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale. 4 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare. 5 Oo boqorkiina Rabbigaa wax ku dhuftay, haddaba tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo guri gaar ah buu degay. Oo Yootam oo ahaa ina boqor ayaa reerka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya. 6 Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? 7 Markaasaa Casaryaah dhintay oo la seexday awowayaashiis; oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yootam.
Rasuulladii Shuqulkoodii(A)
5 Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina, 6 laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah. 7 Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay. 8 Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya. 9 Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina, 10 qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa. 11 Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan. 12 Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya, 13 oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto. 14 Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba. 15 Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya