Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 146

146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.

Maahmaahyadii 22:2-16

Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan,
Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.
Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa,
Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.
Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu
Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.
Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan,
Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.
Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa,
Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
Taajirku masaakiintuu u taliyaa
Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.
Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo,
Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.
Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa,
Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.
10 Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa,
Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan.
11 Kii daahirsanaanta qalbiga jecel,
Oo bushimihiisu nimco leeyihiin, xataa boqorka ayaa saaxiibkiis ahaan doona.
12 Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh,
Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka.
13 Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga,
Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa.
14 Naago qalaad afkoodu waa god dheer,
Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.
15 Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha.
Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.
16 Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado,
Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

2 Korintos 8:8-15

Ciise Waa Masaal

U hadli maayo amar ahaan, laakiin inaan dadaalka kuwa kale ku caddeeyo lillaahinimada jacaylkiinna. Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan. 10 Oo sidan ayaan idinkula talinayaa, waayo, tanu way idiin dhaantaa idinkoo ah kuwii sannaddii hore ugu hor bilaabay inay sameeyaan, mana aha inaad samaysaan oo keliya, laakiin waanad doonaysaan. 11 Laakiin hadda shaqaddii dhammeeya, in sidaad diyaar u ahaydeen, aad haddana ugu dhammaysaan waxaad awooddaan. 12 Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan. 13 Waayo, tan u odhan maayo in kuwa kale la daayo oo idinka laydin dhibo, 14 laakiin sida ay sinnaantu tahay, wax ka siiya waxa badan ee aad wakhtigan la joogo haysataan, waayo, way baahan yihiin, inay waxooda badan wax idinka siiyaan markaad baahataan, si ay sinnaani u dhacdo, 15 sida qoran, Kii wax badan soo gurtay, waxba uma hadhin, kii wax yar soo gurtayna, waxba kama dhinmin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya