Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid.
12 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa,
Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been,
Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
3 Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan,
Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
4 Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga,
Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa
Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood,
Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
6 Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah,
Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray,
Oo toddoba jeer la safeeyey.
7 Rabbiyow, waad dhawri doontaa,
Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay,
Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
10 Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa,
Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.
11 Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa,
Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.
12 Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa,
Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.
13 Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin,
Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.
14 Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa,
Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.
15 Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad,
Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.
16 Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa
Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.
Waano Culimmada Ka Gees Ah(A)
45 Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi, 46 Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha, 47 kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.
Sadaqada Carmalku Macbudka Ku Bixisay(B)
21 Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya. 2 Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa. 3 Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen. 4 Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya