Revised Common Lectionary (Complementary)
TET.
65 Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay
Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
66 Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon,
Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
67 Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday,
Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
68 Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
69 Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen,
Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
70 Qalbigoodu wuu qallafsanaaday,
Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
71 Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo,
Si aan qaynuunnadaada u barto.
72 Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay
Kumanyaal dahab iyo lacag ah.
Shiishaq Oo Weeraray Yeruusaalem
12 Markii boqortooyadii Rexabcaam ay dhisantay oo uu xoogaystay ayuu ka tegey sharcigii Rabbiga, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammuba la jiraan. 2 Oo sannaddii shanaad oo Boqor Rexabcaam ayaa Shiishaq oo boqorkii Masar ahaa Yeruusaalem ku kacay, maxaa yeelay, iyagu waxay ku xadgudbeen Rabbiga, 3 oo wuxuu kaxaystay kun iyo laba boqol oo gaadhifaras iyo lixdan kun oo fardooley ah, oo dadkii isaga Masar kala soo baxayna tiro ma ay lahayn, waxayna ahaayeen reer Luubiim iyo reer Sukiyiim iyo reer Itoobiya. 4 Oo isagu wuxuu qabsaday magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalka Yahuudah, oo haddana wuxuu yimid Yeruusaalem. 5 Haddaba Nebi Shemacyaah ayaa u yimid Rexabcaam iyo amiirradii dalka Yahuudah oo Yeruusaalem ugu urursanaa Shiishaq daraaddiis, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waad i dayriseen oo sidaas daraaddeed ayaan gacanta Shiishaq idinkaga tegey. 6 Markaasaa amiirradii dadka Israa'iil iyo boqorkiiba is-hoosaysiiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa xaq. 7 Oo Rabbiguna markuu arkay inay is-hoosaysiiyeen ayaa eraygii Rabbigu u yimid Shemacyaah, wuxuuna ku yidhi, Iyagu way is-hoosaysiiyeen oo taas aawadeed anigu baabbi'in maayo, laakiinse waan samatabbixin doonaa, oo cadhadayduna Yeruusaalem kuma degi doonto iyadoo gacanta Shiishaq ku timid. 8 Habase ahaatee waxay ahaan doonaan addoommadiisa, si ay u ogaadaan adeegiddayda iyo adeegidda boqortooyooyinka waddammadaba. 9 Haddaba sidaas daraaddeed Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar wuxuu ku kacay Yeruusaalem oo wuxuu qaatay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorkaba, oo dhammaantood wuu wada qaatay, oo wuxuu kaloo wada qaatay gaashaammadii dahabka ahaa oo Sulaymaan sameeyey. 10 Oo Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabka guriga boqorka dhawri jiray. 11 Oo mar alla markuu boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu iman jireen oo ay gaashaammada soo qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha. 12 Oo markuu isagu is-hoosaysiiyey ayaa cadhadii Rabbigu ka noqotay si aan Rabbigu isaga dhammaantiisba u baabbi'in, oo weliba dalka Yahuudah waxyaalo wanwanaagsan baa laga heli jiray.
Waa In Hoggaamiyayaasha Daacad Loo Ahaado
7 Xusuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda. 8 Ciise Masiix waa isku mid shalay iyo maanta iyo weligiiba. 9 Waxbaridda kala duwan oo qalaadu yay idinla tegin, waayo, waa wanaagsan tahay in qalbigu nimco ku taagnaado ee uusan ku taagnaan cunto, tan kuwa ku macaamilooday aanay ku faa'iidin. 10 Waxaynu leennahay meel allabari, oo kuwa taambuugga ka adeega aanay amar u lahayn inay wax ka cunaan. 11 Waayo, neefafka dhiiggooda wadaadka sare keeno meesha quduuska ah dembiga aawadiis jidhadhkooda waxaa lagu gubaa xerada dibaddeeda. 12 Sidaas daraaddeed Ciisena si uu dadka quduus ugaga dhigo dhiiggiisa wuxuu ku xanuunsaday iridda dibaddeeda. 13 Haddaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga. 14 Waayo, innagu halkan kuma lihin magaalo sii raagaysa, laakiin waxaynu doondoonaynaa tan iman doonta. 15 Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda. 16 Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.
17 Hoggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso.
Farriin Iyo Duco
18 Noo soo duceeya; waayo, waxaannu hubnaa inaannu leennahay niyo wanaagsan annagoo doonayna inaannu wax kasta si qumman ugu soconno. 19 Oo aad baan idiinka baryayaa inaad tan samaysaan, in dhaqso laygu soo kiin celiyo.
20 Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah, 21 kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya