Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur uu Aasaaf tiriyey.
82 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah,
Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda,
2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan?
Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah)
3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya,
Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan,
Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan,
Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan,
Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
6 Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo,
Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii.
7 Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale,
Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood.
8 Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun,
Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.
Sanduuqii Axdiga Oo Yaal Ashdood Iyo Ceqroon
5 Haddaba reer Falastiin way qaateen sanduuqii Ilaah, oo waxay ka keeneen Ebenceser, oo geeyeen Ashdood. 2 Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon. 3 Oo maalintii dambe markii kuwii reer Ashdood aroor hore kaceen waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa. Markaasay Daagoon qaadeen oo meeshiisii qotomiyeen. 4 Oo haddana markay subaxdii dambe aroor hore kaceen, waxay arkeen Daagoon oo wejiga ugu dhacay sanduuqii Rabbiga hortiisa; oo Daagoon madaxiisii iyo labadiisii gacmoodba way ka go'naayeen oo waxay ku dhaceen marinka, oo Daagoon waxaa u hadhay gumudkii oo keliya. 5 Taas aawadeed Daagoon wadaaddadiisii, ama dad kaleto oo Daagoon gurigiisa soo galaba, midna kuma joogsado marinkii guriga Daagoon oo Ashdood ku yiil ilaa maantadan la joogo.
6 Laakiinse gacantii Rabbigu way ku cuslayd reer Ashdood, wuuna baabbi'iyey iyagii, oo wuxuu kasoobaxyo ku soo daayay Ashdood iyo xuduudkeeda oo dhanba. 7 Oo dadkii reer Ashdood markay arkeen inay saas tahay ayay yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waa inaanu ina dhex oollin; waayo, gacantiisii aad bay inoogu adag tahay, innaga iyo ilaaheenna Daagoonba. 8 Sidaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen. 9 Oo sidaasay ahaatay markii ay qaadeen dabadeed inay gacantii Rabbigu gees ka ahayd magaaladii, oo wuxuu ku riday naxdin weyn; oo dadkii magaaladana wax buu ku dhuftay yar iyo weynba, oo kulligoodna kasoobaxyo ayaa ka soo wada baxay. 10 Sidaas daraaddeed waxay sanduuqii Ilaah u direen xagga Ceqroon. Oo markii sanduuqii Ilaah Ceqroon yimid ayay reer Ceqroon wada qayliyeen, oo yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waxay inoogu keeneen inay ina laayaan innaga iyo dadkeennaba. 11 Sidaas daraaddeed way u cid dirteen oo soo wada urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil inaga fogeeya, oo iska daaya, meeshiisii haddana ha tagee, oo innaga iyo dadkeennaba yuu ina layne; waayo, magaalada waxaa kulligeed ku dhex jiray naxdinta dhimashada, oo halkaasna gacanta Ilaah waa ku cuslayd. 12 Oo dadkii aan dhimanna waxaa lagu dhuftay kasoobaxyo, oo magaalada qayladeediina waxay u baxday xagga samada.
Waano
32 Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh. 33 Mar waxaa laydinku bandhigay cay iyo dhibaatooyin, marna waxaad wax la wadaagteen kuwa sidaas oo kale loo galay. 34 Waayo, waad u naxariisateen kuwii xidhnaa, farxad baadna ku aqbasheen dhicitinka maalkiinna la dhacay, idinkoo og inaad idinka qudhiinnu maal ka wanaagsan oo raagaya haysataan. 35 Sidaas daraaddeed ha iska tuurina dhiirranaantiinna abaalgudka weyn leh. 36 Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.
37 Wakhti yar dabadeed
Kii iman lahaa wuu iman doonaa, mana raagi doono.
38 Laakiin kayga xaqa ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa;
Oo hadduu dib u noqdo, naftaydu kuma farxi doonto isaga. 39 Innagu ma ihin kuwa halaagga dib ugu noqda, laakiin waxaynu nahay kuwa rumaysad leh si naftu u badbaaddo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya