Revised Common Lectionary (Complementary)
2 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.
Xigmaddu Waa Wax Aan Micne Lahayn
12 Anigan wacdiyaha ahu boqor baan reer binu Israa'iil ugu ahaa Yeruusaalem. 13 Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan. 14 Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
18 Wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan waan nacay, maxaa yeelay, waa inaan uga tago ninka iga dambeeya. 19 Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn. 20 Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan. 21 Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro. 22 Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba? 23 Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
49 Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla,
Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
2 Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare,
Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
3 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad,
Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
4 Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal,
Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
5 Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro,
Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
6 Kuwa maalkooda isku halleeya,
Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo,
Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
8 (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad,
Kumana filna weligeedba,)
9 Inuu isagu weligiis sii noolaado,
Oo aanu halligaad arkin weligiis.
10 Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan,
Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan,
Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
11 Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan,
Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan,
Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
12 Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro,
Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
3 Haddaba haddii laydinla soo sara kiciyey Masiix, doondoona waxyaalaha korka yaal, meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah. 2 Ka fikira waxyaalaha korka yaal, hana ka fikirina waxyaalaha dhulka yaal. 3 Waayo, idinku waad dhimateen, oo noloshiinnuna Masiixay kula qarsoon tahay Ilaah. 4 Masiixa oo ah nolosheenna, markuu soo muuqdo, kolkaasaad idinkuna ammaan kula soo muuqan doontaan.
5 Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid, 6 waxyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada. 7 Kuwaas ayaad waagii hore ku socon jirteen markii aad waxyaalahaas ku noolaan jirteen. 8 Laakiinse haatan iska fogeeya waxyaalahan oo dhan, kuwaas oo ah xanaaq, iyo cadho, iyo xumaan, iyo cay, iyo hadalka ceebta ah oo afkiinna ka baxa. 9 Been ha isu sheegina, waayo, idinku waad iska xoorteen dabiicaddii hore iyo falimaheediiba, 10 oo waxaad huwateen dabiicadii cusbayd taas oo loo cusboonaysiinayo aqoon sida ay tahay u-ekaanta kan iyada abuuray. 11 Halkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.
Damac Badnaanta Iyo Masaalka Ku Saabsan Taajirkii Nacaska Ahaa
13 Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado. 14 Laakiin wuxuu ku yidhi, Ninkow, yaa iiga kiin dhigay xukume ama qaybiye? 15 Wuxuu iyaga ku yidhi, Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado, noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay. 16 Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey. 17 Kolkaasuu isla tashaday isagoo leh, Maxaan sameeyaa, waayo, ma haysto meel aan ku ururiyo wixii ii baxay? 18 Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan, 19 oo waxaan naftayda ku odhan doonaa, Nafay, waxaad leedahay alaab badan oo sannado badan loo dhigay. Naso oo wax cun oo cab oo farax. 20 Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa? 21 Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya