Revised Common Lectionary (Complementary)
26 Oo Uuriyaah bilcaantiisiina markay maqashay in ninkeedii Uuriyaah dhintay, way u barooratay ninkeedii. 27 Oo markii baroortii dhammaatay ayaa Daa'uud u soo cid diray iyadii oo gurigiisii soo gashaday, oo iyana waxay noqotay naagtiisii, wiilna way u dhashay. Laakiinse wixii Daa'uud sameeyey ayaa Rabbigu ka xumaaday.
Naataan Oo Canaantay Daa'uud
12 Dabadeedna Rabbigu wuxuu Daa'uud u soo diray Naataan. Isna waa u yimid oo ku yidhi, Waxaa jiray laba nin oo isku magaalo degganaa; midkood wuxuu ahaa taajir, midka kalena miskiin. 2 Ninkii taajirka ahaa wuxuu lahaa ido iyo lo' aad u badan, 3 laakiinse ninkii miskiinka ahaa waxba ma lahayn, nayl yar mooyaane, taasoo uu mar hore soo iibsaday oo uu korsaday; waxayna la kortay isagii iyo carruurtiisii, oo wax bay ka cuntay cuntadiisii, oo koobkiisay wax kula cabtay, oo laabtiisay ku jiifsatay, waxayna u ahayd sidii gabadhiisii oo kale. 4 Waxaa ninkii taajirka ahaa u yimid nin socoto ah, markaasuu ka lexejeclaystay idihiisii iyo lo'diisii inuu uga loogo ninkii socotada ahaa ee u yimid, laakiinse wuxuu soo qabtay nayshii ninka miskiinka ahaa, wuuna u qalay ninkii u yimid. 5 Markaasaa Daa'uud aad ugu cadhooday ninkii; oo wuxuu Naataan ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartay, ninkii waxakan sameeyey wuxuu istaahilaa dhimasho, 6 oo nayshiina waa inuu afar jibbaar u gudaa, maxaa yeelay, waxan buu sameeyey wuuna naxariisan waayay.
7 Kolkaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya, gacantii Saa'uulna waan kaa samatabbixiyey, 8 gurigii sayidkaagana waan ku siiyey, naagihii sayidkaagana laabtaadaan ku jiifiyey; dalkii Israa'iil iyo dalkii Yahuudahna waan ku siiyey; oo haddii intaasu kugu yaraydna waxaan kuugu dari lahaa waxyaalo kaloo ka sii badan. 9 Haddaba erayga Rabbiga maxaad u quudhsatay, oo aad u samaysay waxa hortiisa ku xun? Seef baad ku dishay Uuriyaah kii reer Xeed, oo naagtiisiina waad u kaxaysatay inay naag kuu noqoto, oo isagiina waxaad ku dishay seeftii reer Cammoon. 10 Sidaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto.
13 Markaasaa Daa'uud wuxuu Naataan ku yidhi, Anigu Rabbiga waan ku dembaabay. Oo Naataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbigu dembigaagii wuu kaa fogeeyey; dhimanna maysid. 14 Habase yeeshee waxaas aad samaysay aawadiis ayaad meel siisay cadaawayaashii Rabbiga inay caytamaan, taas aawadeed wiilka kuu dhashay hubaal wuu dhiman doonaa. 15 Markaasaa Naataan gurigiisii tegey.
Markaasaa Rabbigu wax ku riday wiilkii naagta Uuriyaah Daa'uud u dhashay, aad buuna u bukay.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. Maskiil.
32 Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
2 Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin,
Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen,
Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd,
Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5 Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin,
Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga,
Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
6 Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo,
Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
7 Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa,
Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd,
Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
9 Ha noqonina sida faraska ama baqalka aan garaadka lahayn,
Kuwaasoo hoggaankoodu yahay xakame iyo birtiisa in lagu hayo,
Haddii kalese innaba kuu soo dhowaan maayaan.
10 Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh,
Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.
11 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya,
Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.
Shuqullada Sharciga Xaq Laguma Noqdo
15 Innagoo jinsigeennu Yuhuud yahay, oo aan ahayn dembilayaal aan Yuhuud ahayn, 16 ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono. 17 Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo! 18 Waayo, haddaan mar kale dhiso waxyaalihii aan dumiyey, waxaan isku caddaynayaa inaan ahay mid xad gudbay. 19 Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado. 20 Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday. 21 Nimcada Ilaah burin maayo, waayo, haddii xaqnimo sharciga laga helo, Masiix micnela'aan buu u dhintay.
Cagasubkintii Ciise Iyo Masaalka Ku Saabsan Labadii Nin Oo Daynka Qabtay
36 Farrisiinta midkood ayaa weyddiistay inuu wax la cuno, wuuna galay gurigii Farrisiga oo cunto u fadhiistay. 37 Bal eeg, naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo, waxay soo qaadatay weel [a]alabastar ah oo cadar ku jiro. 38 Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay. 39 Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile. 40 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow. 41 Waxaa jiray amaahiye laba nin amaah ku lahaa, mid wuxuu ku lahaa shan boqol oo dinaar, midka kalena konton. 42 Goortii ay waayeen waxay bixiyaan, ayuu labadoodiiba u dhaafay. Haddaba iyamaa ahaan doona kan jacayl badan? 43 Simoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan u malaynayaa, kan uu wax badan u dhaafay. Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan baad u qiyaastay. 44 Kolkaasuu naagtii u jeestay, oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma aragtaa? Anigu gurigaagaan galay; biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay. 45 Dhunkasho ima aad dhunkan, iyaduse tan iyo wakhtigaan soo galay kama dayn inay cagahayga dhunkato. 46 Madaxaygana saliid ma aad marin, iyaduse cagahayga ayay cadar marisay. 47 Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel. 48 Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin. 49 Kuwii cunto ula fadhiyey waxay bilaabeen inay isku yidhaahdaan, Yuu yahay kan dembiyo cafiya haddana? 50 Wuxuu naagtii ku yidhi, Rumaysadkaaga ayaa ku badbaadiyey ee nabad ku tag.
Dumarkii Ciise U Adeegay
8 Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii, 2 iyo naago laga bogsiiyey jinniyo shar leh iyo cudurro. Waxay ahaayeen Maryantii la odhan jiray tii reer Magdala, ee toddoba jinni ka baxeen, 3 iyo Yo'anna afadii Khusas ee wakiilkii Herodos ahaa, iyo Susanna, iyo qaar badan oo kale oo waxooda ugu adeegi jiray.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya