Revised Common Lectionary (Complementary)
96 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
2 Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana,
Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
3 Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega,
Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
4 Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano.
Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
5 Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo,
Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
6 Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin,
Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
7 Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana,
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
8 Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay,
Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
9 Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,
Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
23 Oo meeshii ugu quduusnaydna wuxuu u yeelay laba keruub oo qoryo saytuun ah, oo mid walbana dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun. 24 Oo keruubka baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, baalkiisa kalena shan dhudhun; oo baal caaraddiis iyo kan kale caaraddiisu waxay isu jireen toban dhudhun. 25 Oo keruubka kalena wuxuu ahaa toban dhudhun, oo labada keruubna waxay ahaayeen isku qiyaas iyo isku qaab. 26 Oo keruubiimta midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kan kalena saasoo kaluu ahaa. 27 Oo keruubiimtiina wuxuu dhigay gurigii dhexe gudihiisa, oo keruubiimta baalashooduna way kala baxsanaayeen oo mid baalkiisu wuxuu taabtay derbiga, oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu taabtay derbiga kale; oo baalashooduna waxay isku taabteen guriga dhexbadhtankiisa. 28 Oo keruubiimtana wuxuu ku dahaadhay dahab. 29 Oo gurigii derbiyadiisii oo dhan, gudaha iyo dibaddaba wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo wada furan. 30 Oo guriga dhulkiisana ayuu dahab ku dahaadhay gudaha iyo dibaddaba. 31 Oo meesha ugu quduusan iriddeedana wuxuu u yeelay albaabbo ah qoryo saytuun; fayaaraddu labadeeda dhinac iyo meesheeda sare waxay ahaayeen derbiga meeshiisii shanaad. 32 Sidaasuu u sameeyey laba albaab oo qoryo saytuun ah, oo wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan, oo wuxuu ku dahaadhay dahab, oo dahabkiina wuxuu mariyey keruubiimtii iyo geedihii timirta ahaa. 33 Oo sidaas oo kaluu albaabkii macbudkana ugu yeelay fayaarad qoryo saytuun ah, kaasoo ku yiil derbiga meeshiisa afraad; 34 iyo laba albaab oo qoryo beroosh ah; oo albaabbada midkood wuxuu lahaa laba qaybood oo laabma, kan kalena wuxuu lahaa laba qaybood oo laabma. 35 Oo wuxuu ku xardhay keruubiim iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan; oo wuxuu ku dahaadhay dahab la mariyey xaradhkii. 36 Oo barxaddii dhexena wuxuu u yeelay saddex saf oo dhagax la qoray ah iyo saf alwaax kedar ah. 37 Oo gurigii Rabbiga aasaaskiisii waxaa la dhigay bishii Sif oo sannaddii afraad. 38 Oo gurigii waxaa dhammaantiis la dhammeeyey isagoo wax waluba u dhan yahay sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii siddeedaad, taasoo ah bisha Bul, oo wuxuu dhisayay toddoba sannadood.
Jacaylka Masiixa Ayaa Na qasba
11 Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno. 12 Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin. 13 Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin. 14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen. 15 Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay.
Nolosha Cusub
16 Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno. 17 Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya