Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 94

94 Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow,
Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.
Xaakinka dunidow, sara joogso,
Oo kuwa kibray abaalkooda mari.
Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay,
Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?
Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan,
Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
Rabbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga,
Oo dhaxalkaagay silciyaan.
Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan,
Oo agoontay nafta ka qaadaan.
Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono,
Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.
Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada,
Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?
Kii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo?
Kii isha sameeyeyna, sow wax arki maayo?
10 Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo?
Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
11 Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu
Inay micnela'aan yihiin.
12 Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso,
Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
13 Si aad uga nasiso maalmaha belaayada
Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo,
Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.
15 Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada,
Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
16 Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya?
Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?
17 Rabbigu haddaanu i caawin,
Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.
18 Markaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa,
Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.
19 Kolkay fikirro badan igu dhex jiraan
Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.
20 Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa,
Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?
21 Waxay dhammaantood isu soo wada urursadaan kan xaqa ah naftiisa,
Oo waxay xukumaan dhiig aan eed lahayn.
22 Laakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda,
Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.
23 Oo wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii,
Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda,
Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.

Ruud 1

RUUD

Nimco Iyo Ruud

Waagii xaakinnadu wax xukumi jireen abaar baa dalkii ka dhacday. Markaasaa nin Beytlaxam Yahuudah ka tegey, oo wuxuu qariib ahaan u degay waddankii Moo'aab, isagii iyo naagtiisii, iyo labadiisii wiilba. Oo ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Eliimeleg, naagtiisana waxaa la odhan jiray Nimco, labadiisa wiil magacyadooduna waxay ahaayeen Maxloon iyo Kilyoon, oo qoladooduna waxay ahayd reer Efraad oo Beytlaxam Yahuudah ka yimid. Oo waxay soo galeen waddankii Moo'aab, oo halkaasay iska degeen. Markaasaa waxaa dhintay Eliimeleg oo ahaa Nimco ninkeedii, oo waxaa hadhay iyadii iyo labadeedii wiil. Oo iyana waxay naago ka guursadeen dumarkii reer Moo'aab; oo naagahoodii mid magaceedii waxaa la odhan jiray Corfah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Ruud; oo waxay halkaas degganaayeen intii toban sannadood ku dhow. Oo haddana Maxloon iyo Kilyoon labadiiba way dhinteen; oo naagtii waxaa ka dhintay labadeedii carruur ahayd iyo ninkeedii.

Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey. Oo markaasay meeshii ay joogtay ka tagtay, oo labadii gabdhood oo ay soddohda u ahaydna way la socdeen; oo jidkay qaadeen inay ku noqdaan dalkii reer Yahuudah. Markaasaa Nimco waxay ku tidhi labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd, Taga oo middiin kastaaba ha ku noqoto gurigii hooyadeed; oo Rabbigu si raxmad leh ha idiin yeelo taasoo ah sidii aad ula macaamilooteen kuwii dhintay iyo anigaba. Rabbigu middiin kastaba nasasho ha ku siiyo guriga ninkeeda. Oo markaasay iyagii dhunkatay; oo iyana codkoodii bay kor u qaadeen oo ooyeen. 10 Oo waxay iyadii ku yidhaahdeen, Maya, laakiinse adigaannu kula noqonaynaa xaggii dadkaaga. 11 Markaasay Nimco waxay tidhi, Iska noqda, gabdhahaygiiyow, bal maxaad ii raacaysaan? Ma wiilal kalaa uurkayga ku hadhay oo niman idiin noqonaya? 12 Iska noqda, gabdhahaygiiyow, oo iska taga, waayo, waan ka gaboobay inaan nin guursado. Haddii aan odhan lahaa, Weli rajaan qabaa, iyo haddii xataa aan caawa nin guursado, ee haddana wiilal dhalo, 13 haddaba ma waxaad sugaysaan ilaa ay ka koraan? Oo ma sidaas baad isaga daynaysaan inaad niman guursataan? Gabdhahaygiiyow, maya, waayo, taasaan aad uga xumaanayaa idinka aawadiin, waayo, waxaa igu soo baxday gacanta Rabbiga. 14 Markaasay codkoodii kor u qaadeen oo haddana way ooyeen; Corfahna soddohdeed bay dhunkatay; Ruudse way ku soo dhegtay. 15 Oo Nimco waxay ku tidhi, Bal eeg, dumaashidaa waxay ku noqotay dadkeedii iyo ilaaheedii; haddaba adna dumaashidaa daba gal. 16 Kolkaasaa Ruud waxay ku tidhi, Ha iga baryin inaan kaa tago, oo aan kaa noqdo, oo aanan ku raacin; maxaa yeelay, meeshii aad tagtid waan tegi doonaa; meeshaad degtidna waan degi doonaa, dadkaaguna wuxuu noqon doonaa dadkayga, Ilaahaaguna wuxuu noqon doonaa Ilaahayga. 17 Meeshaad ku dhimatid ayaan ku dhiman doonaa, oo halkaasaa laygu aasi doonaa. Rabbigu sidaas ha igu sameeyo iyo ka sii badanba, haddii aniga iyo adiga, dhimasho mooyaane, wax kaleto ina kala kexeeyaan. 18 Oo Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay. 19 Sidaas daraaddeed labadoodiiba way israaceen ilaa ay yimaadeen Beytlaxam. Oo markay Beytlaxam yimaadeen, magaaladii oo dhammu waa ku soo ururtay, oo dumarkiina waxay yidhaahdeen, Tanu ma Nimco baa? 20 Oo iyana waxay iyagii ku tidhi, Ha iigu yeedhina Nimco, laakiinse waxaad iigu yeedhaan [a]Maara; waayo, Qaadirku wuxuu iila macaamilooday si qadhaadh. 21 Anigoo buuxaan tegey, oo Rabbigu wuxuu i soo celiyey anigoo madhan. Haddaba maxaad iigu yeedhaysaan Nimco? Maxaa yeelay, Rabbigu waa igu marag furay, oo Qaadirku waa i dhibay. 22 Sidaasay Nimco iyo Ruud tii reer Moo'aab ee ay soddohda u ahaydba u noqdeen, oo waxay ka soo laabteen waddankii Moo'aab oo Beytlaxam yimaadeen markay goosashada shaciirku bilaabatay.

1 Timoteyos 5:1-8

Nin waayeel ah ha canaanan, laakiin u waani sida aabbe oo kale; dhallinyaradana u waani sida walaalo oo kale; habrahana sida hooyooyin oo kale u waani, naagaha dhallintayarna sida walaalo oo kale, adigoo daahir ah.

Carmallada Kiniisadda

Maamuus carmallada runta ah oo nimankoodii ka dhinteen, laakiin haddii naag carmal ahu carruur leedahay ama carruurteedu ay carruur leedahay, iyagu marka hore ha barteen inay dadkooda si cibaado leh kula macaamiloodaan, waalidkoodna u cawilceliyaan, waayo taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaah aqbali karo. Waayo, tii carmal run ah oo cidlootay, waxay rajo ku leedahay Ilaah, habeen iyo maalinna baryada iyo tukashada way sii waddaa. Laakiin tii raaxaysi u noolaataa waa meyd intay nooshahay. Waxyaalahan ku amar inay ceeb la'aadaan. Laakiin qof hadduusan dadkiisa dhaqaalayn, khusuusan kuwa gurigiisa jooga, kaasu iimaankuu ka hor yimid, wuuna ka sii liitaa mid aan rumaysanayn.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya