Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah, oo Shemiiniid lagu luuqeeyo.
6 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay,
Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
3 Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay,
Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
4 Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
5 Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto,
Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?
6 Waxaan la daalay jibaadkayga,
Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa.
Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
7 Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo,
Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
8 Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow,
Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
9 Rabbigu waa maqlay baryootankaygii,
Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
10 Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan,
Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.
16 Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
17 Habeenkii lafahaygaa i muda,
Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.
18 Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday,
Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.
19 Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda,
Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.
20 Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid,
Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.
21 Calooladeeg baad igula soo jeesatay,
Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.
22 Kor baad iigu qaaddaa dabaysha,
Oo waxaad i fuushisaa dusheeda,
Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.
23 Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho,
Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.
24 Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo?
Markuu halligmayose sow ma qayshado?
25 Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin?
Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
26 Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta,
Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.
27 Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto,
Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.
28 Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa,
Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.
29 Waxaan noqday walaalka dawacooyinka,
Iyo saaxiibka gorayada.
30 Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa,
Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
31 Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho,
Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.
46 Haddaba mar kale ayuu yimid Kaana tii Galili oo ahayd meeshuu biyihii khamriga kaga dhigay. Meeshaasna waxaa joogay sirkaal wiilkiisii ku bukay Kafarna'um. 47 Isagu markuu maqlay inuu Ciise Yahuudiya ka yimid oo Galili gaadhay, ayuu u tegey oo ka baryay inuu u yimaado oo wiilkiisa bogsiiyo, waayo, dhimashuu u dhowaa. 48 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaanad calaamooyin iyo yaabab arkin, marnaba ma rumaysan doontaan. 49 Sirkaalkii wuxuu ku yidhi, Sayidow, kaalay intaan wiilkaygu dhiman. 50 Ciise wuxuu ku yidhi, Soco, wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa ninkii rumaystay hadalkii Ciise ku yidhi, wuuna socday. 51 Intuu socday ayaa addoommadiisii ka hor yimaadeen, iyagoo leh, Wiilkaagii waa nool yahay. 52 Markaasuu wuxuu iyagii weyddiiyey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay. 53 Markaasaa aabbuhu gartay inay saacaddaas ahayd saacaddii Ciise ku yidhi, Wiilkaagii waa nool yahay. Markaasaa isagii qudhiisu rumaystay iyo kuwii gurigiisii joogay oo dhan. 54 Haddaba tanu waa calaamadii labaad oo Ciise sameeyey markuu Yahuudiya ka tegey oo Galili yimid.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya