Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey in la gabyo markii Gurigii loo furay Ilaah.
30 Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay,
Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
2 Rabbiyow, Ilaahayow,
Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
3 Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool,
Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.
4 Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya,
Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
5 Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya,
Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga,
Habeenka waxaa jirta oohin,
Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
6 Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi,
Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
7 Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato,
Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
8 Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday,
Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
9 Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta?
Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
10 Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso,
Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar,
Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
12 Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin.
Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.
Qaynuunnadii Baraska
13 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi, 2 Haddii qof jidhkiisa lagu arko barar, ama qolof, ama bar dhalaalaysa, oo ay jidhkiisa ku noqoto cudurkii baraska, markaas waa in loo keenaa wadaadka Haaruun ah, amase wiilashiisa wadaaddada ah midkood, 3 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa cudurka jidhka ku yaal, oo haddii meesha cudurka leh timaheedu ay caddaadeen, oo cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, markaas waa cudurkii baraska, oo wadaadku waa inuu fiiriyaa oo yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay. 4 Laakiinse haddii barta dhalaalaysaa ay jidhka sare ka cad dahay, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo meeshaas timaheeduna ayan caddaan, markaas waa in wadaadku qofkaas cudurka qaba karantiilaa intii toddoba maalmood ah. 5 Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood oo kale. 6 Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado. 7 Laakiinse qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa. 8 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras.
9 Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo keenaa, 10 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii dubka sare barar cadu ku yaal, oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, oo bararkana haddii boog xun ku dhex taal, 11 kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas. 12 Oo haddii barasku dubka ku faafo, oo uu barasku kan cudurka qaba dubkiisa oo dhan qariyo tan iyo madaxiisa iyo ilaa cagihiisa, in alla intii wadaadka u muuqata, 13 markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir. 14 Laakiinse mar alla markii boog xumu isaga ka muuqdo, waa inuu nijaas ahaadaa. 15 Oo wadaadku waa inuu boogtii xumayd fiiriyaa oo waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, boogta xumu waa nijaas oo waa baras. 16 Oo boogta xumu hadday mar kale beddelanto oo caddaato, markaas isagu waa inuu wadaadka u yimaadaa, 17 oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir, isagu waa daahir.
7 U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin? 8 Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin. 9 Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyaynan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn? 10 Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno quduusnimadiisa. 11 Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah.
12 Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar. 13 Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya