Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 110

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

110 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,
Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.
Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga,
Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.
Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga,
Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga,
Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay,
Sidii derejadii Malkisadaq.
Sayidka midigtaada joogaa
Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.
Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa,
Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad,
Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.
Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa,
Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.

Maahmaahyadii 22:1-9

22 Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan,
Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.
Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan,
Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.
Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa,
Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.
Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu
Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.
Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan,
Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.
Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa,
Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
Taajirku masaakiintuu u taliyaa
Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.
Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo,
Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.
Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa,
Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.

Luukos 6:27-31

Cadowyadiinna Jeclaada(A)

27 Laakiin waxaan idinku leeyahay kuwiinna maqlaya, Cadowyadiinna jeclaada, kuwa idin necebna wax wanaagsan u sameeya. 28 Kuwa idin habaara u duceeya, kuwa idin caayana Ilaah u barya. 29 Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin. 30 Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin. 31 Oo sidaad doonaysaan in dadku idiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya iyaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya