Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 110

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

110 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,
Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.
Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga,
Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.
Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga,
Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga,
Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay,
Sidii derejadii Malkisadaq.
Sayidka midigtaada joogaa
Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.
Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa,
Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad,
Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.
Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa,
Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.

Maahmaahyadii 3:1-12

Faa'iidada Kale Ee Xigmadda

Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin,
Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,
Waayo, iyagu waxay kuu kordhin doonaan
Maalmo badan iyo cimri dheer iyo nabad.
Naxariista iyo runtu yaanay kaa tegin,
Iyaga qoorta ku xidh,
Oo looxa qalbigaaga ku qor,
Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda
Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.
Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin,
Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.
Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro,
Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
Ha isla weynaan;
Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.
Taasu waxay xundhurtaada u noqon doontaa caafimaad,
Oo lafahaagana waxay u noqon doontaa dhuux.
Rabbiga ku murwee maalkaaga
Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan;
10 Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan,
Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.
11 Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan,
Oo canaantiisana ha ka daalin,
12 Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa
Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.

Yacquub 4:11-17

11 Xumaan ha iskaga hadlina, walaalayaalow. Kii xumaan walaalkiis kaga hadlaa ama walaalkiis xukumaa, sharciga ayuu xumaan kaga hadlaa, sharcigana wuu xukumaa. Haddaad sharciga xukuntid, adigu ma ihid mid sharciga yeela, laakiin waxaad tahay mid isaga xukuma. 12 Waa mid keliya kan sharciga bixiyaa oo wax xukumaa, oo waa kan kara inuu wax badbaadiyo oo uu wax dumiyo. Laakiin adigu yaad tahay, kan deriskiisa xukumow?

Kadigidda Faanka Taajiriinta

13 Bal kaalaya hadda, kuwiinnan yidhaahda, Maanta ama berri waxaannu tegi doonaa magaalo, oo halkaasaannu sannad joogi doonnaa, waannu baayacmushtari doonnaa oo faa'iidaysan doonnaa, 14 kuwiinnan aan garanaynin waxa berri dhici doona. Noloshiinnu waa maxay? Waayo, idinku waxaad tihiin ceeryaamo, tan wakhti yar muuqata dabadeedna libidha. 15 Waa inaad tidhaahdaan, Haddii Rabbigu doonayo, waannu noolaan doonnaa oo waxaannu samayn doonnaa tan ama taas. 16 Laakiin idinku haatan waxaad ku faanaysaan isla weynaantiinna. Faanka caynkaas ah oo dhammu waa shar. 17 Haddaba kii garanaya inuu wax wanaagsan sameeyo laakiin aan samayn, dembi bay u tahay isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya