Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 104

104 Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay,
Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
Waxaad sida maro u huwataa nuur,
Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda,
Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras,
Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada,
Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
Adigaa dhigay aasaaska dhulka,
Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale,
Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
Canaantaadii ayay ku carareen,
Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka,
Ilaa meeshii aad u samaysay.
Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin,
Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10 Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo,
Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11 Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan,
Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12 Haadda samadu iyagay ag degganaadaan,
Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
13 Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa,
Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
14 Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo,
Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo,
Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
15 Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa,
Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado,
Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
16 Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay,
Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
17 Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan,
Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
18 Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda,
Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
19 Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo,
Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
20 Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada,
Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
21 Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda,
Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
22 Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan,
Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
23 Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa
Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa!
Kulligoodna xigmad baad ku samaysay,
Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25 Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan,
Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin,
Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26 Halkaas waxaa ku socda doonniyo,
Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan,
Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28 Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan,
Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29 Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan,
Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan,
Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30 Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan,
Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31 Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba,
Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32 Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa,
Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33 Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa,
Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34 Fikirkaygu isaga ha u macaanaado,
Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een,
Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiga ammaana.

Sharciga Kunoqoshadiisa 32:1-14

32 Samooyinkow, dhegaysta waan hadlayaaye,
Oo dhulkuna ha maqlo erayada afkayga.
Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka,
Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa,
Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,
Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga.
Idinku weyneeya Ilaaheenna.
Isagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa kaamil,
Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad,
Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn,
Isagu waa xaq, waana caaddil.
Way iskharribeen, oo carruurtiisii iyagu ma aha, waa ceebtooda,
Iyagu waa qarni qalloocan oo maroorsan.
Dadyahow nacaska ah oo aan xigmadda lahaynu
Ma saasaad Rabbiga ugu abaalguddaan?
War isagu sow ma aha Aabbihiinnii idin soo iibsaday?
Isagaa idin uumay oo idin xoogeeyey.
Bal xusuuso waagii hore,
Oo soo garwaaqso qarniyo badan sannadahood,
Aabbahaa weyddii oo wuu ku ogeysiin doonaa,
Odayaashaadana weyddii oo way kuu sheegi doonaan.
Markii Ilaaha ugu wada sarreeyaa uu quruumaha dhaxalkooda siiyey,
Oo uu kala soocay binu-aadmiga,
Intii tirada reer binu Israa'iil ahayd
Ayuu dadka soohdimaha u dhigay,
Waayo, Rabbiga qaybtiisu waa dadkiisa,
Reer Yacquubna waa saamigii dhaxalkiisa.
10 Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah,
Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan.
Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey,
Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,
11 Sida gorgorku buulkiisii u lulo,
Oo dhashiisa ugu kor ruxmo,
Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado,
Oo garbihiisa ugu xambaaro,
12 Ayaa Rabbiga oo keliya isaga hoggaamiyey,
Oo ilaah qalaadna lama joogin.
13 Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka,
Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay,
Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay,
Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.
14 Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad,
Iyo baraarro baruurtood,
Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha,
Iyo sarreenka ugu wanaagsan.
Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.

Cibraaniyada 10:32-39

Waano

32 Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh. 33 Mar waxaa laydinku bandhigay cay iyo dhibaatooyin, marna waxaad wax la wadaagteen kuwa sidaas oo kale loo galay. 34 Waayo, waad u naxariisateen kuwii xidhnaa, farxad baadna ku aqbasheen dhicitinka maalkiinna la dhacay, idinkoo og inaad idinka qudhiinnu maal ka wanaagsan oo raagaya haysataan. 35 Sidaas daraaddeed ha iska tuurina dhiirranaantiinna abaalgudka weyn leh. 36 Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.

37 Wakhti yar dabadeed

Kii iman lahaa wuu iman doonaa, mana raagi doono.

38 Laakiin kayga xaqa ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa;

Oo hadduu dib u noqdo, naftaydu kuma farxi doonto isaga. 39 Innagu ma ihin kuwa halaagga dib ugu noqda, laakiin waxaynu nahay kuwa rumaysad leh si naftu u badbaaddo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya