Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey inuu wax ku xusuusto.
38 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan,
Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
2 Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen,
Oo gacantaaduna way igu soo degtay.
3 Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis,
Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis.
4 Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga,
Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.
5 Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin,
Waana nacasnimadayda daraaddeed.
6 Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay,
Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
7 Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol,
Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh.
8 Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay,
Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
9 Sayidow, waxaan jeclahay oo dhammu waxay yaalliin hortaada,
Oo taahiddayduna kaama qarsoona.
10 Wadnahaa i fig leh, oo xooggaygiina waa i gabay,
Oo weliba iftiinkii indhahayguna waa iga tegey.
11 Kuwa i jecel iyo saaxiibbadayba belaayadayda way ka durkaan,
Oo xigaaladaydiina meel fog bay istaagaan.
12 Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan,
Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun,
Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.
13 Laakiinse anigu waxba kama maqlo sida nin dhega la',
Oo waxaan la mid ahay nin carrab la' oo aan afkiisa kala qaadin.
14 Haah, oo waxaan la mid ahay nin aan waxba maqlin,
Oo aan afkiisa murammo ku jirin.
15 Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa,
Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.
16 Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn,
Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.
17 Waayo, waxaan ku dhowahay inaan dhaco,
Oo tiiraanyadayduna had iyo goorba way i hor taalaa.
18 Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa,
Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.
19 Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin,
Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
20 Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana
Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.
21 Rabbiyow, ha i dayrin,
Ilaahayow, ha iga fogaan.
22 Soo dhaqso oo i caawi,
Sayidow, badbaadadaydow.
5 Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay.
Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.
2 Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal.
Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.
3 Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin,
Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen
4 Biyahayagii lacag baannu ku cabnay,
Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.
5 Kuwii na eryanayayna way na gaadheen,
Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.
6 Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta
Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.
7 Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan,
Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.
8 Addoommaa noo taliya,
Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
9 Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno,
Waana seefta cidlada aawadeed.
10 Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale,
Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.
11 Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday,
Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.
12 Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay,
Oo odayaashiina lama sharfin.
13 Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen,
Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.
14 Odayaashii iridday ka joogsadeen,
Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen.
15 Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay,
Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.
16 Taajkii madaxayaguu ka dhacay.
Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!
17 Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday.
Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
18 Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday,
Oo dawacooyin baa ku dul socda.
19 Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa,
Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.
20 Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa,
Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?
21 Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa.
Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.
22 Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday.
Oo aad baad noogu cadhootay.
Ciise Wuxuu Caddeeyey Inuu Aabbihiis Isku Halleeyo
19 Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa. 20 Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan. 21 Sida Aabbuhu kuwa dhintay u kiciyo oo u nooleeyo ayuu Wiilkuna sidaas oo kale u nooleeyaa kuwuu doonayo. 22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka, 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
24 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay. 25 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan. 26 Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado. 27 Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha. 28 Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan, 29 wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya