Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Proverbs Monthly

Read through the book of Proverbs every month of the year.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Maahmaahyadii 26-27

26 Sida wakhtiga kulul aan baraf cad ugu habboonayn, oo wakhtiga beergooyska aan roob ugu habboonayn,
Ayaan sharaf nacas ugu habboonayn.
Sida shimbir iska wareegaysa iyo sida dabafallaadh iska duulaysa,
Ayaan habaarkii sababla'aan ahu cidna ugu dhacayn.
Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer,
Ulina dhabarka nacaska.
Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay,
Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.
Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay,
Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.
Kii nacas gacantiis farriin u sii dhiibaa
Cagahuu iska gooyaa oo khasaaruu cabbaa.
Sida lugaha curyaanku u laalaadaan
Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.
Kii nacas sharaf siiyaa
Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.
Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis,
Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.
10 Kii nacaska ama kuwa jidka maraya kiraystaa
Waa sida qaansoole dadka oo dhan dhaawaca oo kale.
11 Nacas nacasnimadiisa ku noqnoqdaa
Waa sida eey mantaggiisa ku noqnoqda oo kale.
12 Nin isla caqli weyn ma aragtay?
Waxaa isaga ka rajo roon nacas.
13 Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga;
Libaax baa jidka taagan.
14 Sida albaabku birihiisa ugu noqnoqdo,
Ayaa kii caajis ahuna sariirtiisa isugu rogrogaa.
15 Kii caajis ahu wuxuu gacantiisa geliyaa xeedhadiisa,
Oo inuu afkiisa ku soo celiyona waa ku dhib isaga.
16 Kii caajis ahu waa iskala caqli badan yahay
Toddoba nin oo xigmad ku jawaabi karta.
17 Kii isagoo jidka iska maraya isku dhex dara dirir aanu waxba ku lahayn,
Wuxuu la mid yahay mid eey dhegaha qabta oo kale.
18 Sida nin waalan oo rida dab,
Iyo fallaadho, iyo dhimasho,
19 Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo,
Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?
20 Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa,
Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa.
21 Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan,
Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.
22 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan,
Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
23 Bushimihii macaan iyo qalbigii shar lehba
Waxay la mid yihiin weel dhoobo ah oo lagu dahaadhay lacag wasakhdeed.
24 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa,
Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.
25 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan,
Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.
26 In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo,
Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
27 Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona,
Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.
28 Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay,
Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

27 Berrito ha ku faanin,
Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin,
Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay,
Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad,
Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
Canaantii bayaan ahu
Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo,
Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa,
Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
Ninkii hoygiisa ka warwareegaa
Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan,
Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
10 Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona,
Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin,
Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
11 Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi,
Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
12 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa,
Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
13 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad,
Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
14 Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya,
Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
15 Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in
Iyo naag muran badanu waa isku mid.
16 Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa.
Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
17 Bir baa bir afaysa,
Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
18 Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa.
Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.
19 Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo,
Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.
20 She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan,
Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.
21 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh,
Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
22 In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid,
Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
23 Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga,
Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
24 Waayo, maalku weligiis siima raago,
Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
25 Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda,
Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
26 Baraarku waa kuu dhar,
Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.
27 Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba,
Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya