Old/New Testament
Yeremyaah Oo Beer Iibsaday
32 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid sannaddii tobnaad ee Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo kaasu wuxuu ahaa sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Nebukadresar. 2 Markaasaa ciidankii boqorka Baabuloon Yeruusaalem hareereeyeen. Oo Nebi Yeremyaahna wuxuu ku xidhnaa barxaddii xabsigii ku dhex yiil gurigii boqorka dalka Yahuudah. 3 Waayo, Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa isaga xidhay, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad wax u sii sheegtaa, adigoo leh, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa, 4 oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah gacanta reer Kaldayiin kama uu baxsan doono, laakiinse hubaal waxaa la gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo indhahana way isku arki doonaan, 5 oo isna Sidqiyaah ayuu u kaxaysan doonaa Baabuloon oo halkaasuu joogi doonaa ilaa aan isaga soo booqdo, ayaa Rabbigu leeyahay; oo in kastoo aad reer Kaldayiin la dirirtaan innaba ma liibaani doontaan?
6 Oo Yeremyaahna wuxuu yidhi, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, oo wuxuu igu yidhi, 7 Bal eeg, waxaa kuu iman doona ina-adeerkaa Xanameel ina Shalluum, oo wuxuu kugu odhan doonaa, Beertayda Canaatood ku taal iga iibso, waayo, adigaa furashada xaq u leh inaad iga iibsatid. 8 Markaasaa ina-adeerkay Xanameel iigu yimid barxaddii xabsiga sidii erayga Rabbigu ahaa, oo wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye beertayda ku taal Canaatood oo dalka reer Benyaamiin ku dhex taal iga iibso, waayo, inaad dhaxasho adigaa xaq u leh, oo furashadeedana adigaa leh, haddaba soo iibso, oo markaasaan ogaaday in kaasu Eraygii Rabbiga yahay. 9 Markaasaan iibsaday ina-adeerkay Xanameel beertiisii Canaatood ku tiil, oo isagaan lacagtii u miisaamay taasoo ahayd toddoba iyo toban sheqel oo lacag ah. 10 Oo intaan warqaddii heshiiska qoray ayaan shaabadeeyey, oo markaasaan markhaatiyaal u yeedhay oo isagaan lacagtii kafado ugu miisaamay. 11 Kolkaasaan qaatay warqadihii heshiiska waxiibsashada, tii shaabadaysnayd iyo tii furnaydba, si waafaqsan sharciga iyo caadada. 12 Oo markaasaan warqaddii heshiiska waxiibsashada u dhiibay Baaruug ina Neeriiyaah oo ka sii ahaa ina Maseeyaah, iyadoo uu u jeedo ina-adeerkay Xanameel, oo waxaan ugu hor dhiibay markhaatiyaashii warqadda heshiiska saxeexay, iyo Yuhuuddii xabsiga barxaddiisa fadhiday oo dhan. 13 Oo waxaan Baaruug ku amray hortooda, oo ku idhi, 14 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Qaad warqadahan heshiiska waxiibsashada, midda shaabadaysan, iyo tan furanba, oo waxaad ku dhex riddaa jalxad dhooba ah, si ay wakhti dheer u sii raagaan. 15 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weliba mar dambe dalkan waxaa laga iibsan doonaa guryo iyo beero canab ah.
16 Oo markaan warqaddii heshiiska waxiibsashada Baaruug ina Neeriiyaah u dhiibay dabadeed ayaan Ilaah baryay oo waxaan ku idhi, 17 Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, samada iyo dhulkaba xooggaaga badan iyo gacantaada fidsan ayaad ku samaysay, oo wax kugu adagna ma jiro. 18 Kumanyaal baad u naxariisataa, oo xumaantii aabbayaashu sameeyaanna waxaad abaalmarin ugu soo celisaa laabta carruurtooda iyaga ka dambaysa. Magacaagu waa Ilaaha xoogga badan ee weyn, iyo Rabbiga ciidammada. 19 Xagga talada waad ku weyn tahay, oo xagga shuqulkana waad ku xoog badan tahay. Indhahaagu way u furan yihiin jidadka binu-aadmiga oo dhan, si aad mid kasta ugu abaalmarisid sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ay ahaayeen. 20 Waxaad ilaa maantadan calaamooyin iyo yaababba ku dhex samaysay dalkii Masar, iyo reer binu Israa'iil dhexdooda, iyo dadka kale dhexdoodaba, oo magac baad samaysatay siday maantadan tahay. 21 Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn. 22 Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, 23 oo iyana intay soo galeen ayay hantiyeen, laakiinse codkaagii ma ay addeecin, oo sharcigaagiina kuma ay socon, oo waxyaalihii aad ku amartay inay sameeyaanna waxba kama ay samayn, oo sidaas daraaddeed ayaad ka dhigtay in masiibadan oo dhammu ay ku dhacdo. 24 Bal eeg tuulmooyinka! Magaalada waa loo yimid in la qabsado, oo waxaa magaaladii la geliyey gacantii reer Kaldayiinkii iyada la diriray, waana seefta iyo abaarta iyo belaayada aawadood. Wixii aad ku hadashay way ahaadeen, oo bal eeg, adiguba waad u jeeddaa. 25 Sayidow, Rabbiyow, waxaad igu tidhi, Beerta lacag ku iibso, oo markhaatiyaal u yeedh, waayo, magaalada waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin.
26 Markaasaa Yeremyaah waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh, 27 Bal eeg, anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan, haddaba ma wax igu adag baa jira?
28 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa. 29 Oo reer Kaldayiinka magaaladan la dirirayaana way iman doonaan, oo dab bay magaaladan qabadsiin doonaan, oo way gubi doonaan iyada iyo guryaheedii ay saqafkooda Bacal foox ugu shidi jireen, oo ay qurbaanno cabniin ah ilaahyada kale ugu shubi jireen, oo sidaasay iiga cadhaysiiyeen. 30 Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waxay tan iyo yaraantoodii hortayda ku sameeyeen shar keliya, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil waxaa keliya oo ay sameeyeen inay shuqulka gacmahooda igaga cadhaysiiyaan. 31 Waayo, magaaladanu waxay ii ahayd wax iga dhirfiya oo iga cadhaysiiya tan iyo maalintii ay dhiseen iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigayga uga hor fogayn doonaa, 32 waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan. 33 Oo iyagu dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, oo in kastoo aan iyaga wax baray, anigoo goor wanaagsan wax baraya, inay tacliin qaataan innaba ma ay dhegaysan. 34 Laakiinse karaahiyooyinkoodii ayay dhex qotomiyeen gurigii laygu magacaabay gudihiisa oo sidaasay u nijaaseeyeen. 35 Oo weliba waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal oo ku dhex yaal dhooxada ina Xinnom si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab u dhex marsiiyaan Moleg aawadiis, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin, inay karaahiyadan sameeyaan oo ay dadka Yahuudah dembaajiyaan.
36 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo, 37 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan. 38 Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa. 39 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi qudha iyo jid qudha, si ay weligoodba iiga cabsadaan, waana inay iyaga iyo carruurtooda ka dambaysaba wanaag helaan. 40 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed. 41 Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa. 42 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaan dadkan ugu soo dejiyey masiibadan weyn oo dhan ayaan wanaaggii aan u ballanqaaday oo dhan ugu soo dejin doonaa. 43 Oo beeraa laga iibsan doonaa dalkan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn oo waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin. 44 Dad baa beero lacag kaga iibsan doona dalka reer Benyaamiin iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo magaalooyinka buuraha ku yaal, iyo magaalooyinka dooxada ku yaal, iyo magaalooyinka koonfureedba, oo warqadda heshiiskana way qori doonaan oo shaabadayn doonaan, oo markhaatiyaalna way u yeedhi doonaan, waayo, anigu maxaabiistooda waan soo celin doonaa ayaa Rabbigu leeyahay.
Ballankii Dib U Soo Celinta
33 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi, 2 Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay, 3 I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon. 4 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta, 5 Iyagu waxay u imanayaan inay reer Kaldayiin la diriraan, laakiinse waxay meeshan ka buuxin doonaan dad dhintay meydadkood, kuwaasoo aan cadhadayda iyo xanaaqayga ku laayay, oo aan dhammaantood xumaantooda aawadeed magaaladan wejigayga uga qariyey. 6 Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan. 7 Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale. 8 Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa. 9 Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan. 10 Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa 11 codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay. 12 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya. 13 Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay. 15 Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo. 16 Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii. 17 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista. 18 Oo wadaaddada reer Laawina marnaba ma waayi doonaan nin hortayda jooga inuu qurbaanno la gubo bixiyo, iyo inuu qurbaanno hadhuudh ah gubo, iyo inuu had iyo goorba allabaryo. 19 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi, 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin, 21 markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah. 22 Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba. 23 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi, 24 Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan. 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba, 26 markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
WARQADDII LOO QORAY DADKII
CIBRAANIYADA
Bilowga Kitaabkan
1 Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii, 2 laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey. 3 Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa, 4 isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.
Wiilka Ilaah Waa Ka Sarreeyaa Malaa'igaha
5 Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi,
Adigu waxaad tahay Wiilkayga,
Maantaan ku dhalay?
Oo weliba,
Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe,
Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?
6 Oo weliba, markuu curadka dunida dhex keenayay, wuxuu yidhi, Malaa'igaha Ilaah oo dhammu isaga ha caabudeen. 7 Oo xagga malaa'igahana wuxuu ka yidhi,
Wuxuu malaa'igihiisa ka dhigaa dabaylo,
Kuwa u adeegana dab ololkiis.
8 Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi,
Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis;
Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada.
9 Adigu xaqnimada waad jeclayd, dembigana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
10 Oo,
Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay,
Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,
11 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa;
Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan,
12 Oo sida go' baad u laallaabi doontaa,
Sida dhar bayna u beddelmi doonaan;
Adiguse sidaadii uun baad tahay
Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.
13 Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi,
Midigtayda fadhiiso
Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo?
14 Miyaanay kulligood ahayn ruuxyo kaalmeeya oo loo soo diray inay shuqul u qabtaan kuwa badbaadada dhaxli doona?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya