Old/New Testament
Ergooyin Ka Yimid Baabuloon
39 Waagaas Merodag Baladaan oo ahaa ina Baladaan, oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay inuu bukay oo haddana bogsaday. 2 Oo Xisqiyaahna aad buu iyagii ugu farxay, oo wuxuu tusay gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii, iyo dahabkii, iyo uunsigii, iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka oo dhan, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan. 3 Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay iiga yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon. 4 Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan, oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin. 5 Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada. 6 Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan. 7 Wiilashaada kaa soo bixi doona, oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa, oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon. 8 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Waayo, waxaa jiri doona nabad iyo run intaan noolahay.
Dadkii Ilaah Oo La Qalbi Qaboojiyey
40 Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya! 2 Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
3 Waxaa yeedhaya mid qaylinaya codkiis oo leh, Jidkii Rabbiga cidlada dhexdiisa ka hagaajiya, oo lamadegaanka dhexdiisa jid weyn Ilaahayaga aawadiis uga toosiya. 4 Dooxo walba kor baa loo qaadi doonaa, oo qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, waxa qalloocanna waa la toosin doonaa, oo meelaha xunxunna waxaa laga dhigi doonaa bannaan siman, 5 oo waxaa la muujin doonaa ammaanta Rabbiga, uunka oo dhammuna way wada arki doonaan, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay. 6 Waxaa yeedhaya codka kan leh, Qayli. Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku qayliyaa? Wax kasta oo jiidh lahu waa caws, oo wanaagsanaantiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale. 7 Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, maxaa yeelay, neefta Rabbigu way afuuftaa, sida xaqiiqada ah dadku waa caws oo kale. 8 Cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa, laakiinse erayga Ilaaheennu weligiisba wuu waari doonaa.
9 Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta dheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaa, War bal Ilaahiinna eega! 10 Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu la iman doonaa xoog weyn, oo gacantiisaa wax isaga ugu talin doonta! Bal eega, abaalgudkiisii wuu wadaa oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa. 11 Isagu adhigiisuu u daajin doonaa sida adhijir oo kale, naylahana gacantiisuu ku ururin doonaa, oo wuxuu ku qaadi doonaa laabtiisa, oo kuwa la nuugana qunyar buu u hor kici doonaa.
12 Bal yaa biyaha sacabkiisa godan ku qiyaasay, oo samada taako ku qiyaasay, oo ciidda dhulka miisaan ku qiyaasay, oo buuraha miisaammo saaray, oo kurahana kafado ku miisaamay? 13 Bal yaa Ruuxa Rabbiga la taliyey? Bal yaase intuu lataliyihiisii noqday isaga wax baray? 14 Bal yuu isagu la tashaday? Oo bal yaa tacliimiyey, oo dhabbaha caddaaladda baray? Oo yaa aqoon baray, oo jidka waxgarashada tusay? 15 Bal eega, quruumuhu waxay isaga la yihiin sida dhibic biyeed oo baaldi ku jirta oo kale, oo wuxuu ku xisaabaa sida boodh kafado dul saaran oo kale, oo bal eega, gasiiradahana wuxuu kor ugu qaadaa sida habaas fudud oo kale. 16 Oo Lubnaan in la gubo kuma filla, oo xayawaankeedana qurbaan la gubo uguma filla. 17 Quruumaha oo dhammu waxay hortiisa ku yihiin sida wax aan jirin oo kale, oo waxay isaga la xisaabsan yihiin wax ka sii yar baabba' iyo waxaan waxba ahayn. 18 Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan? 19 Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah. 20 Kii miskiin ah oo aan qurbaan awoodi karinuse wuxuu doortaa geed aan bololi karin, oo wuxuu doondoontaa nin saanac ah oo hagaajiya sanam xardhan oo aan dhaqaaqi karin. 21 Miyeydaan ogayn? Miyeydaan maqlin? Miyaan bilowgii laydiin sheegin? Oo miyeydaan garan tan iyo aasaaskii dhulka? 22 Waa isaga kan wareegga dhulka dul fadhiya, oo dadka kor degganuna waa sida kabajaan oo kale, oo waa isaga kan samooyinka sida daah u kala fidiya, oo wuxuu u kala bixiyaa sida teendho lagu hoydo oo kale. 23 Isagu amiirrada wuxuu ka dhigaa sida wax aan jirin oo kale, oo xaakinnada dhulkana wuxuu ka dhigaa sida wax aan waxba ahayn oo kale. 24 Hubaal iyaga lama beerin, lamana abuurin, jirriddooduna dhulka xidid kuma yeelan, weliba wuu afuufaa, oo iyana way engegaan, oo dabaysha cirwareenta ah ayaa iyaga sida xaab oo kale u qaada. 25 Haddaba kan Quduuska ahu wuxuu leeyahay, Bal yaad ii ekaysiinaysaan si aan ula mid noqdo? 26 Bal indhihiinna kor u qaada oo eega. Yaa waxyaalahaas uumay? Waa kan ciidankooda tirada ku soo bixiya, oo kulligoodba magacyo ugu yeedha. Itaalkiisu wuu weyn yahay oo isagu wuu xoog badan yahay, oo sidaas daraaddeed midkoodna ma dhinna.
27 Reer Yacquubow, bal maxaad u leedahay, Reer binu Israa'iilow, bal maxaad ugu hadlaysaa, Jidkaygu Rabbiga wuu ka qarsoon yahay, oo Ilaahayna gartayda dan kama galo? 28 War miyaadan ogayn? Oo miyaadan maqlin in Ilaaha daa'imka ah oo ah Rabbiga ah Uumaha dhulka darafyadiisa uusan itaal darnaan ama uusan daalin? Waxgarashadiisana lama baadhi karo. 29 Isagu kuwa itaalka daran xoog buu siiyaa, oo kuwa aan tabarta lahaynna tabar buu u kordhiyaa. 30 Xataa dhallinyaradu way itaal darnaan doonaan, oo daali doonaan, oo barbaarraduna aad bay u dhici doonaan. 31 Laakiinse kuwa Rabbiga isku halleeyaa xoog cusub bay heli doonaan. Way ordi doonaan, mana ay daali doonaan, oo way socon doonaan, mana ay itaal darnaan doonaan.
4 Sayidyadow, addoommadiinna siiya waxa xaqa ah oo u qalma, idinkoo garanaya inaad jannada Sayid ku leedihiin.
Baryo Ku Saabsan Faafinta Injiilka
2 Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya. 3 Oo weliba annagana noo soo duceeya in Ilaah noo furo albaabka hadalka, si aannu uga hadalno qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan u xidhnahay; 4 inaan u muujiyo, sida igu waajibka ah inaan uga hadlo. 5 Kuwa dibadda jooga xaggooda xigmad ku socda, oo wakhtiga ku faa'iidaysta. 6 Mar kasta hadalkiinnu nimco ha lahaado isagoo cusbo lagu daray, inaad ogaataan sida idinku waajibka ah inaad mid kasta ugu jawaabtaan.
Salaanta Iyo Dhammaadka(A)
7 Axwaalkayga oo dhan waxaa idiin sheegi doona walaalkeen Tukhikos oo ah gacaliye iyo midiidin aamin ah oo addoon ila ah xagga Rabbiga. 8 Isagaan idiinku soo diray sababtan daraaddeed, inaad ogaataan axwaalkayaga iyo inuu qalbiyadiinna dhiirrigeliyo, 9 oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.
10 Waxaa idin soo salaamaya Aristarkhos oo ila xidhan, iyo Markos oo Barnabas abti u yahay, kaas oo wax isaga ku saabsan laydinku amray; hadduu idiin yimaado aqbala. 11 Weliba waxaa idin soo salaamaya Ciise oo la yidhaahdo Yuustos. Kuwaas oo ka mid ah kuwa gudan ayaa ah kuwa keliya oo iila shaqeeya boqortooyada Ilaah, iyagoo ii noqday kuwo i dhiirrigeliyey. 12 Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan. 13 Waxaan ugu markhaati furayaa inuu u hawshoodo idinka aawadiin iyo kuwa La'odikiya jooga iyo kuwa Hi'erabolis jooga aawadood. 14 Waxaa idin soo salaamaya Luukos oo ah gacaliyaha dakhtarkaa iyo Deemaas. 15 Walaalaha La'odikiya jooga iyo Numfas, iyo kiniisadda gurigiisa ku jirta nagu salaama. 16 Warqaddan markii laydinka dhex akhriyo, haddana ha laga dhex akhriyo kiniisadda reer La'odikiya, oo idinkuna akhrista warqadda aad La'odikiya ka heli doontaan. 17 Oo Arkhibbos waxaad ku tidhaahdaan, Adeegiddii xagga Rabbiga oo aad heshay, ku dadaal inaad dhammaysid.
18 Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya