Old/New Testament
10 Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay?
Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?
2 Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada,
Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
3 Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay,
Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
4 Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa,
Isagu waxba i weyddiisan maayo.
Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
5 Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba,
Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin,
Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
6 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo,
Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
7 Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi,
Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
8 Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto,
Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon,
Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
9 Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira,
Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado,
Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
10 Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa,
Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay,
Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
12 Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad,
Oo masaakiinta ha illoobin.
13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa?
Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed,
Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa,
Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
15 Kii shar leh gacantiisa jebi,
Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
16 Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba,
Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
17 Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan,
Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
18 Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay,
Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
11 Anigu Rabbigaan isku halleeyaa,
Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan,
Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
2 Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada,
Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga,
Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
3 Haddii aasaaska la dumiyo,
Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
4 Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah,
Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada,
Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
5 Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah,
Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
6 Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno,
Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
7 Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay,
Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid.
12 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa,
Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been,
Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
3 Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan,
Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
4 Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga,
Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa
Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood,
Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
6 Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah,
Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray,
Oo toddoba jeer la safeeyey.
7 Rabbiyow, waad dhawri doontaa,
Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay,
Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
Yooxanaa Baabtiisaha Xertiisii Oo Efesos Joogta
19 Haddaba waxaa dhacay, markii Abolloos Korintos joogay, in Bawlos oo soo dhex maray waddanka sare yimid Efesos, oo halkaas wuxuu kula kulmay kuwo xer ah. 2 Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale. 3 Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa. 4 Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise. 5 Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa. 6 Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen; 7 nimankii oo dhanna waxay ahaayeen abbaaraha laba iyo toban.
Bawlos Oo Efesos Jooga
8 Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah. 9 Laakiin qaarkood markay madax adkaadeen oo caasiyoobeen, iyagoo xumaan kaga hadlaya Jidka dadkii badnaa hortooda, ayuu iyagii ka tegey oo xertii ka soo soocay, oo maalin walba ayuu dad kula doodi jiray iskoolka Turannos. 10 Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.
11 Ilaahna wuxuu gacmaha Bawlos ku sameeyey cajaa'ibyo khaas ah, 12 sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen. 13 Laakiin kuwo Yuhuudda wareegi jirtay ka mid ah oo jinniyosaarayaal ah baa waxay ku talo jireen inay kuwii jinniyada qabay ka dul yidhaahdaan magaca Rabbi Ciise, iyagoo leh, Waxaan idinku dhaarinayaa Ciisaha Bawlos dadka ku wacdiyo. 14 Waxaa jiray oo sidaas sameeyey toddoba wiil oo Iskeba dhalay, kaasoo ahaa wadaad sare oo Yuhuudi ah. 15 Markaasaa jinnigii u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Ciise ayaan garanayaa, Bawlosna waan aqaan, idinkuse yaad tihiin? 16 Haddaba ninkii jinniga qabay baa ku booday iyagii, wuuna ka xoog badiyey kulligood, oo ka adkaaday, sidaas darteed ayay gurigaas ka carareen, iyagoo qaawan oo dhaawacan. 17 Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey. 18 Markaasaa qaar badan oo rumaystay yimaadeen iyagoo qiranaya oo caddaysanaya falimahooda. 19 Kuwii sixir fali jirayna qaarkood intay kitaabbadoodii ururiyeen ayay dadka hortooda ku wada gubeen; wayna tiriyeen qiimadooda, oo waxay arkeen inay ahayd konton kun oo gogo' oo lacag ah. 20 Sidaasaa ereygii Rabbigu xoog ugu batay oo u adkaaday.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya