Old/New Testament
Soofar
20 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,
2 Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda,
Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.
3 Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa,
Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.
4 Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo
Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray
5 Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay,
Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?
6 In kastoo sarrayntiisu ay samada korto,
Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,
7 Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale.
Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan,
War meeh isagii?
8 Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono,
Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.
9 Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto,
Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.
10 Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta,
Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.
11 Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada,
Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.
12 In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay,
In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,
13 In kastoo uu kaydsado, oo uusan iska sii dayn,
Laakiinse uu afkiisa ku sii haysto,
14 Kolleyba cuntadiisu mindhicirkiisay ku beddelantaa,
Oo waxay uurkiisa ku noqataa waabayo jilbis.
15 Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa,
Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.
16 Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada,
Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.
17 Oo ma uu fiirin doono webiyada,
Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.
18 Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono,
Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.
19 Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta,
Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.
20 Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn,
Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.
21 Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin,
Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.
22 Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa,
Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.
23 Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado,
Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis,
Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.
24 Wuu ka carari doonaa hubka birta ah,
Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.
25 Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa,
Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda,
Oo cabsi baa isaga ku dhacda.
26 Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa;
Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona,
Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.
27 Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa,
Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.
28 Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa,
Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.
29 Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo,
Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.
Ayuub
21 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2 Maqla oo warkayga aad u dhegaysta,
Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan.
3 Bal mar ii oggolaada aan hadlee,
Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
4 Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa?
Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?
5 Bal i eega, oo yaaba,
Oo afkiinna gacanta saara.
6 Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa,
Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.
7 Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan?
Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?
8 Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa,
Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.
9 Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen,
Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.
10 Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan,
Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.
11 Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale,
Oo carruurtooduna way cayaaraan.
12 Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad,
Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.
13 Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo,
Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan.
14 Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag,
Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga.
15 Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno?
Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
16 Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto,
Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.
17 Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa?
Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa?
Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?
18 Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya,
Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?
19 Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa.
Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.
20 Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa,
Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.
21 Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo,
Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?
22 Bal ma Ilaah baa wax la baraa?
Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare.
23 Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay,
Oo istareexsan oo xasilloon,
24 Oo aad u buuran,
Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.
25 Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh,
Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.
26 Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan,
Oo dirxi baa korkooda daboola.
27 Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna,
Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.
28 Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku?
Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?
29 Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara?
Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?
30 Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada?
Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?
31 Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona?
Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?
32 Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha,
Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.
33 Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada,
Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan,
Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.
34 Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan,
Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?
24 Maalintii dambe waxay soo galeen Kaysariya. Korneeliyosna iyaguu sugayay isagoo isugu yeedhay xigtadiisii iyo saaxiibbadiisii u dhowaa. 25 Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday. 26 Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay. 27 Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid; 28 markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn; 29 sidaas aawadeed, markii la ii yeedhay, waxaan imid diididla'aan. Saas darteed waxaan idin weyddiinayaa sababtii aad iigu soo yeedheen. 30 Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya, 31 oo wuxuu yidhi, Korneeliyosow, baryadaadii waa la maqlay, sadaqooyinkaagiina Ilaah hortiisa waa laga xusuustay. 32 Sidaas darteed Yaafaa cid u dir oo u yeedho Simoon, kan Butros la yidhaahdo. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoon megdeeye oo badda dhinaceeda yaal. 33 Sidaas darteed markiiba cid baan kuu soo diray; oo si wanaagsan baadna u samaysay inaad timid. Haddaba sidaa darteed dhammaantayo halkan waa wada joognaa Ilaah hortiisa, inaannu maqalno waxyaalihii Rabbigu kugu amray oo dhan.
Butros Wacdigiisii
34 Markaasaa Butros afkiisa kala qaaday oo wuxuu yidhi, Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan: 35 laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa. 36 Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood. 37 Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed, 38 iyo siduu Ilaah Ciisaha reer Naasared ku subkay Ruuxa Quduuska ah iyo xoogga. Isagu waa wareegi jiray, wanaagna wuu fali jiray, oo wuxuu bogsiin jiray kuwii Ibliisku caddibay oo dhan; maxaa yeelay, Ilaah baa la jiray isagii. 39 Annagu markhaatiyaal baannu ka nahay waxyaalihii oo dhan oo uu ku sameeyey waddanka Yuhuudda iyo Yeruusaalem labadaba. Isaguna waa kii ay dileen markay geedkii ka soo deldeleen. 40 Isaga Ilaah baa maalintii saddexaad sara kiciyey, oo bayaan u muujiyey, 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed. 42 Wuxuu nagu amray inaannu dadka wacdinno, aannuna markhaati u furno inuu kanu yahay kii Ilaah ka dhigay xaakinka kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 43 Isaga nebiyada oo dhan ayaa u markhaati fura in mid kastoo isaga rumaystaa uu magiciisa ku helo dembidhaafka.
Dadka Aan Yuhuudda Ahayn Waxay Heleen Ruuxa Quduuska Ah, Waana La Baabtiisay
44 Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan. 45 Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah. 46 Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya. 47 Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay? 48 Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya