Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 8-10

Bildad

Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa?
Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?
War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?
Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen,
Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.
Haddaad aad u barido Ilaah,
Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,
Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd,
Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa,
Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.
Oo in kastoo bilowgaagii yaraa,
Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.
Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii,
Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,
(Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno,
Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)
10 War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan,
Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?
11 War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn?
Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?
12 Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn,
Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.
13 Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale,
Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.
14 Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa,
Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.
15 Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono.
Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.
16 Isagu waa ku cagaar qorraxda,
Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.
17 Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah,
Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.
18 Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo,
Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.
19 Farxadda jidkiisu waa sidaas,
Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.
20 Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman,
Kuwa sharka falase tiirin maayo.
21 Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol,
Bushimahaagana qaylo farxad leh,
22 Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb,
Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.

Ayuub

Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Sida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay,
Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa?
Oo hadduu doonayo inuu la doodo isaga,
Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo.
Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay;
Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?
Isagu wuxuu rujiyaa buuraha, oo iyana ma ay yaqaaniin,
Markuu cadhadiisa ku afgembiyo.
Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa,
Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.
Wuxuu amraa qorraxda, oo iyana sooma ay baxdo,
Xiddigahana wuu xidhaa.
Isagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya,
Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda.
Oo wuxuu sameeyey ururrada xiddigaha oo la yidhaahdo Orsada iyo Oriyon iyo Toddobaadyada,
Iyo xiddigaha koonfureed.
10 Wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin,
Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin.
11 Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga,
Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.
12 Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara?
Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?
13 Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo;
Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.
14 Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa,
Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?
15 In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga,
Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.
16 Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa,
Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.
17 Waayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan,
Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa.
18 Isagu iima oggola inaan neefsado,
Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.
19 Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan,
Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?
20 In kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona,
In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan.
21 Anigu waan qummanahay, oo nafsaddayda kama fikiro,
Noloshaydana waan quudhsadaa.
22 Kulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa,
Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba.
23 Haddii belaayadu haddiiba wax disho,
Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin.
24 Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah;
Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka.
Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?
25 Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda,
Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.
26 Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya,
Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.
27 Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa,
Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,
28 Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan,
Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.
29 Kolleyba waa lay xukumayaaye,
Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?
30 Haddaan biyo baraf ah ku maydho,
Oo aan gacmahayga aad iyo aad u nadiifiyo,
31 Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol,
Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.
32 Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo,
Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.
33 Ma jiro nin noo dhexeeya,
Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.
34 Isagu ushiisa ha iga fogeeyo,
Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.
35 Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen;
Waayo, anigu sidaas ma ahi.

10 Naftaydu noloshadayday la daallan tahay,
Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa,
Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.
Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine.
Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid
Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada,
Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?
Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi,
Mase sida dadkaad wax u aragtaa?
Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa?
Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?
Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa,
Oo aad dembigayga u baadhaysaa,
In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn,
Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?
Gacmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay,
Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.
Bal xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey,
Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?
10 War sow sidii caano iima aadan daadin,
Oo sidii gadhoodh oo kale sow iigama aadan dhigin?
11 Waxaad i huwisay harag iyo hilib,
Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.
12 Waxaad i siisay nolol iyo raallinimo,
Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.
13 Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay;
Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.
14 Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa,
Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.
15 Haddaan sharrow ahay, anaa iska hoogay,
Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo
Anigoo ceeb ka buuxa
Oo dhibaatadayda fiirinaya.
16 Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale,
Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.
17 Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub,
Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa,
Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.
18 Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday?
Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!
19 Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin,
Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.
20 War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa
Oo i dhaaf, aan in yar nastee,
21 Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn,
Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,
22 Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah,
Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn,
Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.

Falimaha Rasuullada 8:26-40

Filibos Iyo Bohonkii Xabashiga Ahaa

26 Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah. 27 Wuuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo. 28 Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos. 29 Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac. 30 Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid? 31 Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto. 32 Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan,

Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey;
Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa,
Isagu afkiisa ma uu furo;
33 Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday;
Farcankiisii yaa sheegi doona?
Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.

34 Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale? 35 Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise. 36 Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso? 37 Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah. 38 Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga. 39 Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan. 40 Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya