Old/New Testament
Wadaaddadii Iyo Reer Laawi
12 Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa, 2 iyo Amaryaah, iyo Malluug, iyo Xatuush, 3 iyo Shekaanyaah, iyo Rexuum, iyo Mereemood, 4 iyo Iddo, iyo Ginnetoy, iyo Abiiyaah, 5 iyo Miyaamin, iyo Macadyaah, iyo Bilgaah, 6 iyo Shemacyaah, iyo Yooyaariib, iyo Yedacyaah, 7 iyo Sallu, iyo Caamooq, iyo Xilqiyaah, iyo Yedacyaah. Intaasu waxay ahaayeen madaxdii wadaaddada iyo walaalahoodii joogay wakhtigii Yeeshuuca. 8 Oo weliba kuwii reer Laawi waxay ahaayeen Yeeshuuca, iyo Binnuwii, iyo Qadmii'eel, iyo Sheereebyaah, iyo Yahuudah, iyo Matanyaah oo madax u ahaa mahadnaqidda, isaga iyo walaalihiisba. 9 Oo weliba Baqbuqyaah iyo Cunnii oo ahaa walaalahood waxay ku jireen gudaha oo iyagay ka soo hor jeedeen. 10 Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac, 11 Yooyaadaacna wuxuu dhalay Yoonaataan, Yoonaataanna wuxuu dhalay Yadduuca. 12 Oo wakhtigii Yooyaaqiim waxaa jiray wadaaddo qabiilooyin madax u ahaa; waxaa reer Seraayaah u ahaa Meraayaah, reer Yeremyaahna Xananyaah, 13 reer Cesraana Meshullaam, reer Amaryaahna Yehooxaanaan, 14 reer Meliikuuna Yoonaataan, reer Shebanyaahna Yuusuf, 15 reer Haarimna Cadnaa, reer Meraayoodna Xelqay, 16 reer Iddona Sekaryaah, reer Ginnetoonna Meshullaam, 17 reer Abiiyaahna Sikrii, reer Minyaamiinna, reer Moocadyaahna Filtay, 18 reer Bilgaahna Shammuuca, reer Shemacyaahna Yehoonaataan, 19 reer Yooyaariibna Matenay, reer Yedacyaahna Cusii, 20 reer Sallayna Qallay, reer Caamooqna Ceeber, 21 reer Xilqiyaahna Xashabyaah, reer Yedacyaahna Netaneel. 22 Oo kuwii reer Laawi oo joogay wakhtigii Eliyaashiib, iyo Yooyaadaac, iyo Yooxaanaan iyo Yadduuca waxay ahaayeen madaxda qabiilooyinka oo la qoray; waxaa kaloo la qoray wadaaddadii joogay ilaa boqornimadii Daariyus kii reer Faaris ahaa. 23 Kuwii reer Laawi oo ahaa madaxdii qabiilooyinka waxaa lagu qoray kitaabkii taariikhda tan iyo wakhtigii Yooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib. 24 Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda. 25 Oo Matanyaah, iyo Baqbuqyaah, iyo Cobadyaah, iyo Meshullaam, iyo Talmon, iyo Caquub waxay ahaayeen irid-dhawryadii dhawri jiray bakhaarradii u dhowaa irdaha. 26 Kuwaasu waxay joogeen wakhtigii Yooyaaqiim oo ahaa ina Yeeshuuca, ina Yoosaadaaq, iyo wakhtigii taliyihii Nexemyaah ahaa iyo wakhtigii wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa.
Gooni Ka Dhigiddii Derbiga Yeruusaalem
27 Oo markii derbigii Yeruusaalem gaar laga dhigay kuwii reer Laawi mid kasta meeshiisii baa laga doondoonay in iyaga Yeruusaalem la keeno si gaarkadhigidda farxad loogu sameeyo, oo mahadnaqid iyo gabay, iyo suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataaradoba Ilaah loogu ammaano. 28 Oo kuwii gabayaaga ahaana waxay iska soo urursadeen bannaankii Yeruusaalem ku wareegsanaa iyo tuulooyinkii reer Netofaah, 29 iyo weliba Beytgilgaal, iyo beerihii Gebac, iyo Casmawed, waayo, kuwii gabayaaga ahaa tuulooyin ayay ka dhisteen Yeruusaalem hareeraheeda. 30 Markaasaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen, oo waxay kaloo daahiriyeen dadkii iyo irdihii iyo derbigii. 31 Kolkaasaan amiirradii dalka Yahuudah keenay derbiga dushiisa, oo waxaan doortay laba kooxood oo waaweyn oo mahadnaqa, oo kooxba raggeedu isdaba socdo. Midi waxay tagtay xagga midig derbiga dushiisa ee Iridda Digada, 32 oo waxaa iyagii daba galay Hooshacyaah iyo amiirradii dalka Yahuudah badhkood, 33 iyo Casaryaah, iyo Cesraa, iyo Meshullaam, 34 iyo Yahuudah, iyo Benyaamiin, iyo Shemacyaah, iyo Yeremyaah, 35 iyo wiilashii wadaaddada qaarkood oo turumbooyin wata, kuwaasoo ahaa Sekaryaah oo ahaa ina Yoonaataan, ina Shemacyaah, ina Matanyaah, ina Miikaayaah, ina Sakuur, ina Aasaaf, 36 iyo walaalihiis oo ahaa Shemacyaah, iyo Casareel, iyo Milalay, iyo Gilalay, iyo Maacay, iyo Netoneel, iyo Yahuudah, iyo Xanaanii, iyagoo wata alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa ninka Ilaah, oo iyaga waxaa u horreeyey karraanigii Cesraa. 37 Oo xagga Iriddii Isha Biyaha iyo hortoodii ku qummanayd ayay kor u fuuleen jaranjaradii magaalada Daa'uud meesha derbiga laga fuulo oo ka korraysa gurigii Daa'uud, iyo ilaa Iridda Biyaha oo xagga bari ah. 38 Oo kooxdii kale oo kuwa mahadda naqaa waxay u kaceen inay ka hor tagaan, oo anna iyagaan daba socday; aniga iyo dadkii badhkiis waxaannu soconnay derbiga korkiisa, xagga ka sarraysa Munaaradda Foornooyinka iyo xataa tan iyo derbiga ballaadhan, 39 iyo xagga ka sarraysa Iridda Efrayim, iyo Iridda Gabooday agteeda, iyo Iridda Kalluunka, iyo Munaaradda Xananeel, iyo Munaaradda Mee'aah, iyo xataa Iridda Idaha; oo waxay joogsadeen Iriddii Waardiyaha. 40 Oo sidaasay u joogsadeen labadii kooxood oo kuwii mahadda ku naqi jiray gurigii Ilaah, iyo aniga, iyo taliyayaashii badhkood oo ila joogay, 41 iyo wadaaddadii ahaa Elyaaqiim, iyo Macaseeyaah, iyo Minyaamim, iyo Miikaayaah, iyo Eliyooceenay, iyo Sekaryaah, iyo Xananyaah, oo wata turumbooyin; 42 iyo Macaseeyaah, iyo Shemacyaah, iyo Elecaasaar, iyo Cusii, iyo Yehooxaanaan, iyo Malkiiyaah, iyo Ceelaam, iyo Ceser. Oo kuwii gabayaaga ahaana cod dheer bay kula gabyeen Yesraxyaah oo ahaa madaxoodii. 43 Oo maalintaas waxaa la bixiyey allabaryo badan, oo waa la wada farxay, waayo, Ilaah baa farxad weyn kaga farxiyey, oo dumarkii iyo carruurtiina way farxeen, sidaas daraaddeed Yeruusaalem farxaddeedii waxaa laga maqlay meel fog.
44 Oo maalintaas ayaa rag loo doortay inay u taliyaan qolalka khasnadaha, iyo qurbaannada kor loo qaado, iyo midhaha ugu horreeya, iyo meeltobnaadyada, si loogaga soo ururiyo beeraha magaalooyinka oo dhan qaybihii sharcigu u amray wadaaddada iyo kuwii reer Laawi, waayo, dadka dalka Yahuudah way ku faraxsanaayeen wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo adeegayay. 45 Oo waxay dhawreen wixii ku saabsanaa u adeegidda Ilaahood iyo wixii ku saabsanaa isdaahirinta, oo kuwii gabayaaga ahaa iyo irid-dhawryadiina saasoo kalay yeeleen, sidii uu amarkii Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaan ahaa. 46 Waayo, waagii hore oo ahaa wakhtigii Daa'uud iyo Aasaaf waxaa jiri jiray nin madax u ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo waxaa Ilaah loogu gabyi jiray gabayo ammaan iyo mahadnaqid ah. 47 Oo wakhtigii Serubaabel iyo wakhtigii Nexemyaah reer binu Israa'iil oo dhammu way wada bixin jireen qaybihii kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii irid-dhawryadaba intii maalin kasta loo baahnaan jiray; oo in bay gooni uga dhigeen reer Laawi, oo reer Laawina in bay gooni uga dhigeen reer Haaruun.
Hagaajintii Ugu Dambaysay Ee Nexemyaah
13 Oo maalintaas ayay kitaabkii Muuse akhriyeen iyadoo dadkii maqlayo; oo waxaa laga helay oo ku qornaa inayan shirka Ilaah weligood soo gelin mid reer Cammoon ah iyo mid reer Moo'aab ah toona; 2 maxaa yeelay, iyagu reer binu Israa'iil kalama ayan hor iman cunto iyo biyo toona, laakiinse waxay u soo kiraysteen Balcaam inuu habaaro aawadeed, habase ahaatee Ilaaheennu habaarkii wuxuu u beddelay duco. 3 Oo waxay noqotay markay sharcigii maqleen inay reer binu Israa'iil ka sooceen dadkii isku qasnaa oo dhan.
4 Oo waxyaalahaas ka hor wadaadkii Eliyaashiib oo loo doortay inuu madax u ahaado qolalka guriga Ilaaheenna ayaa xidhiidh la yeeshay Toobiyaah, 5 oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada. 6 Laakiinse waagaas oo dhan anigu Yeruusaalem ma aanan joogin, waayo, sannaddii soddon iyo labaad oo boqorkii Baabuloon ee Artaxshasta ahaa ayaan u tegey boqorka, oo maalmo yar dabadood ayaan boqorka fasax weyddiistay. 7 Markaasaan Yeruusaalem imid oo waxaan gartay sharkii uu Eliyaashiib u sameeyey Toobiyaah markuu qowlad uga diyaarshay barxadihii guriga Ilaah. 8 Haddaba taasu aad bay ii murugaysay, sidaas daraaddeed qowladdii dibaddaan uga wada tuuray alaabtii guriga Toobiyaah oo dhan. 9 Markaasaan amar bixiyey oo qolalkii waa la nadiifiyey; oo halkaasaan mar kale ku soo celiyey weelashii gurigii Ilaah, iyo qurbaannadii hadhuudhka, iyo fooxii. 10 Oo haddana waxaan kaloo gartay inaan kuwii reer Laawi qaybahoodii la siin, oo sidaas daraaddeed kuwii reer Laawi iyo kuwii gabayaaga ahaa oo shuqulka samayn jirayba way carareen oo mid waluba beertiisii buu tegey. 11 Markaasaan taliyayaashii la diriray oo waxaan ku idhi, War maxaa guriga Ilaah looga tegey? Kolkaasaan iyagii soo wada ururiyey oo meeshoodii ku celiyey. 12 Markaasaa dadka dalka Yahuudah oo dhammu waxay qolalkii khasnadaha soo geliyeen meeltobnaadyadii hadhuudhka iyo kuwii khamriga iyo kuwii saliiddaba. 13 Oo qolalkii khasnadaha waxaan madax uga dhigay khasnajiyo, oo waxay ahaayeen wadaadkii Shelemyaah ahaa, iyo karraanigii Saadooq ahaa, oo reer Laawina waxaa kaga jiray Fedaayaah, oo waxaa ku xigay Xaanaan ina Sakuur, oo ahaa ina Matanyaah, waayo, waxaa lagu tiriyey inay aamin yihiin, oo shaqadooduna waxay ahayd inay walaalahood wax u qaybiyaan. 14 Ilaahayow, haddaba bal taas daraaddeed ii xusuuso, oo ha tirtirin falimahaygii wanaagsanaa oo aan u qabtay gurigaaga iyo waxyaalihii la dhawri lahaa.
15 Oo waagaas waxaan dalka Yahuudah ku arkay kuwo maalinta Sabtida macsarada canabka ku tumanaya, oo xidhmooyin soo ururinaya, oo dameerro raraya, iyo weliba khamri iyo canab, iyo berde iyo rar cayn kasta ah oo Yeruusaalem la soo gelinaya maalinta sabtida; oo anna iyagii waan uga digay maalintii ay cuntada iibiyeen. 16 Oo halkaas waxaa kaloo degganaa dad reer Turos ah oo keeni jiray kalluun iyo alaab cayn kasta ah, oo maalinta ayay ka iibin jireen dadka dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem gudaheeda. 17 Markaasaan la diriray kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah oo waxaan ku idhi, War waa maxay waxan sharka ah oo aad samaysaan oo aad ku nijaasaysaan maalinta sabtida ah? 18 War sow awowayaashiin saasoo kale ma yeelin, sow Ilaah belaayadan oo dhan taas aawadeed inooguma soo dejin innaga iyo magaaladaba? Oo weliba markaad sabtida nijaasaysaan waxaad reer binu Israa'iil ku soo dejisaan cadho kale oo badan. 19 Oo sabtida ka hor markii irdihii Yeruusaalem soo madoobaanayeen, ayaan amray in albaabbada la xidho, oo waxaan kaloo amray inaan la furin jeeray sabtidu dhammaato; oo qaar midiidinnadaydii ah ayaan irdihii waardiye uga dhigay inaan maalinta sabtida waxba rar la soo gelin. 20 Haddaba baayacmushtariyaashii iyo kuwii alaab cayn kasta iibin jiray mar iyo laba ayay Yeruusaalem dibaddeeda u hoydeen. 21 Markaasaan iyagii u digay oo ku idhi, War maxaad derbiga hareerihiisa ugu hoyataan? Haddaad mar dambe saas yeeshaan gacan baan idin saarayaa. Oo ayaantaas ka dib mar dambe ma ay iman maalin sabti ah. 22 Oo waxaan kuwii reer Laawi ku amray inay isdaahiriyaan iyo inay yimaadaan oo irdaha dhawraan si ay quduus uga dhigaan maalinta sabtida. Ilaahayow, taas aawadeedna ii xusuuso, oo iigu tudh siday weynaanta naxariistaadu tahay.
23 Oo waagaas waxaan kaloo arkay Yuhuuddii oo guursatay naago ah reer Ashdood, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab. 24 Oo carruurtoodii badhkoodna waxay ku hadli jireen afkii reer Ashdood, oo afkii Yuhuuddana kuma ay hadli karin, laakiinse waxay ku hadli jireen sidii afkii dadyow kasta. 25 Oo anna iyagii waan la diriray, waanan caayay, oo qaarkoodna waan dilay, oo timahoodiina waan ka rifay, waanan ku dhaarshay Ilaah, oo ku idhi, Waa inaydnaan gabdhihiinna u guurin wiilashooda, gabdhahoodana ha u guurinina wiilashiinna, idinkuna ha guursanina. 26 War Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil sow isba waxyaalahan kuma dembaabin? In kastoo aan quruumo badan dhexdooda boqor isagoo kala ah laga heli karin, oo uu Ilaahiisuna jeclaa, oo uu Ilaah ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan, haddana xataa isagii waxaa dembaajiyey naago qalaad. 27 Haddaba miyaannu idin dhegaysannaa si aannu sharkan oo dhan u samayno oo intaan naago qalaad guursanno miyaannu Ilaahayaga ku xadgudubnaa? 28 Oo Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare wiilashiisii midkood oo Yooyaadaac ahaa waxaa soddog u ahaa Sanballad oo ahaa reer Xoron; oo sidaas daraaddeed ayaan isaga eryay. 29 Ilaahayow, iyaga xusuuso, maxaa yeelay, waxay nijaaseeyeen wadaadnimadii, iyo axdigii wadaadnimada iyo kii reer Laawi. 30 Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii, 31 iyo amar ku saabsan qurbaankii qoryaha oo wakhtiyada la amray la keeno, iyo midhaha ugu horreeya. Ilaahayow, wanaag igu xusuuso.
Butros Iyo Yooxanaa Waxay Ku Noqdeen Saaxiibbadood
23 Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan. 24 Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan; 25 kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi,
Quruumuhu maxay u cadhoodeen,
Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?
26 Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen.
Taliyayaashuna intay is-urursadeen
Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa;
27 waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen, 28 inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan. 29 Laakiin Rabbiyow, eeg, way na cabsiinayaane; haddaba addoommadaada sii dhiirranaan oo dhan oo ay ereygaaga ku sheegaan, 30 intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise. 31 Oo markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen.
Wax Waluba Xertii Bay Ka Dhexeeyeen
32 Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen. 33 Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay. 34 Mid wax la'aana iyaga kuma jirin, waayo, in alla intii dhul ama guryo lahayd way iibiyeen, oo qiimihii wixii la iibiyey ayay keeneen, 35 oo rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.
36 Markaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay, 37 intuu beer uu lahaa iibshay ayuu lacagtii keenay oo soo hor dhigay rasuullada.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya