Old/New Testament
Aaxaas, Boqorkii Yahuudah
28 Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman, 2 laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay. 3 Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. 4 Oo haddana wuxuu ku allabaryi jiray oo fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiisaba. 5 Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay. 6 Oo Feqax ina Remalyaah ayaa dalka Yahuudah isku maalin ku laayay boqol iyo labaatan kun oo nin oo dhammaantood wada xoog badan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. 7 Oo Sikrii oo ahaa nin xoog badan oo reer Efrayim ayaa dilay Macaseeyaah oo ahaa boqorka wiilkiisii, iyo Casriiqaam oo reerka u talin jiray, iyo Elqaanaah oo ahaa kii boqorka ku xigay. 8 Oo dadkii Israa'iilna waxay walaalahood maxaabiis ahaan uga soo kaxaysteen laba boqol oo kun oo qof, oo ahaa naago iyo wiilal iyo gabdhoba, oo waxay kaloo ka dhaceen maal badan, oo maalkiina waxay keeneen Samaariya. 9 Laakiinse halkaas waxaa joogay nebi Rabbigu soo dirtay, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Codeed, wuuna u baxay inuu ka hor tago ciidankii Samaariya ku soo socday oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin ayaa u cadhooday dadka Yahuudah, oo sidaas daraaddeed ayuu iyaga gacantiinna u soo geliyey, oo idinna waxaad iyagii ku layseen cadho kulul oo tan iyo samada gaadhay. 10 Oo imminka waxaad ku talo jirtaan inaad hoosaysiisaan dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem si ay idiinku ahaadaan niman addoommo ah iyo naago addoommo ah, laakiinse miyaanay jirin xadgudubyo aad idinkuba ku xadgudubteen Rabbiga Ilaahiinna ah? 11 Haddaba i maqla, oo celiya maxaabiistii aad walaalihiin ka soo kaxaysateen, maxaa yeelay, waxaa idin kor saaran Rabbiga cadhadiisa kulul. 12 Markaasay madaxdii reer Efrayim qaarkood hor istaageen kuwii dagaalka ka soo noqday, oo madaxdaasuna waxay ahaayeen Casaryaah ina Yooxaanaan, iyo Berekyaah ina Meshilleemood, iyo Yexisqiyaah ina Shalluum, iyo Camaasaa ina Xadlay. 13 Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday. 14 Sidaas daraaddeed raggii hubka sitay waxay maxaabiistii iyo boolidiiba kaga tageen amiirrada iyo shirkii oo dhan hortooda. 15 Markaasay nimankii la magacaabay soo kaceen, oo waxay qabteen maxaabiistii, oo kuwii dhexdooda ku jiray oo qaawanaana dhar bay uga xidheen boolidii, wax bay huwiyeen, oo kabana way u geliyeen, oo waxay siiyeen wax ay cunaan iyo wax ay cabbaanba, wayna u subkeen, oo kuwii itaalka yaraa oo dhanna dameeray ku qaadeen, markaasay Yerixoo oo ahayd magaaladii geedatimireedka lahayd walaalahood ugu geeyeen, dabadeedna Samaariya ayay ku noqdeen.
16 Oo wakhtigaas ayaa Boqor Aaxaas u cid dirsaday boqorradii reer Ashuur inay caawiyaan. 17 Waayo, waxaa haddana yimid reer Edom oo intay dalka Yahuudah wax ku dhufteen ayay dadkoodii maxaabiis ahaan u kaxaysteen. 18 Oo weliba reer Falastiinna waxay weerareen magaalooyinkii dooxada iyo kuwii dalka Yahuudah ee Koonfureed, oo waxay qabsadeen Beytshemesh, iyo Ayaaloon, iyo Gedeerood, iyo Sookoo iyo tuulooyinkeedii, iyo Timnaah iyo tuulooyinkeedii, iyo weliba Gimsoo iyo tuulooyinkeedii, oo intaas oo dhanna way iska degeen. 19 Rabbigu wuxuu dadka Yahuudah hoos ugu dejiyey boqorkii dalka Israa'iil oo Aaxaas ahaa daraaddiis, maxaa yeelay, si xun buu dalka Yahuudah ugu dhex macaamilooday, oo Rabbigana aad buu ugu xadgudbay. 20 Markaasaa waxaa isagii u yimid Tilgad Filneser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo isna aad buu u dhibay, mana uu caawin isagii. 21 Markaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin. 22 Oo Boqor Aaxaas kaas qudhiisu intuu dhibaataysnaa ayuu weliba Rabbiga si weyn ugu sii xadgudbay. 23 Waayo, isagu wuxuu allabari u bixiyey ilaahyadii Dimishaq oo isaga wax ku dhuftay, oo wuxuu isyidhi, Ilaahyada boqorrada reer Suuriya way caawiyaan iyaga, sidaas daraaddeed allabari ayaan u bixinayaa si ay anigana ii caawiyaan. Laakiinse waxay isaga iyo reer binu Israa'iil oo dhanba u noqdeen wax ay ku dhacaan. 24 Markaasaa Aaxaas wuxuu soo wada urursaday weelashii guriga Ilaah oo wuu wada burburiyey weelashii guriga Ilaah, oo albaabbadii guriga Rabbigana wuu wada xidhay, oo isna wuxuu meelo allabari ka samaystay gees kasta oo Yeruusaalem. 25 Oo magaaloo kasta oo dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay meelo sarsare in foox loogu shido ilaahyo qalaad, oo wuxuu aad uga xanaajiyey Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashiis. 26 Haddaba falimihiisii kale iyo jidadkiisii oo dhammu intii hore iyo intii dambeba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil. 27 Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.
Xisqiyaah Oo Daahiriyey Macbudkii
29 Xisqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Abiiyaah ina Sekaryaah. 2 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale. 3 Oo sannaddii kowaad oo boqornimadiisa bisheedii kowaad ayuu albaabbadii gurigii Rabbiga furay, wuuna cusboonaysiiyey. 4 Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina wuu soo geliyey, oo wuxuu iyagii ku soo wada ururshay meesha bannaan oo dhinaca bari ku taal. 5 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah. 6 Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda. 7 Oo weliba waxay xidheen albaabbadii balbalada, oo laambadihiina way demiyeen, oo Ilaaha reer binu Israa'iilna meeshii quduuska ahayd foox uguma ay shidin, oo qurbaanno la gubona uguma ay bixin. 8 Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan. 9 Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed. 10 Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto. 11 Wiilashaydiiyow, haddaba adeegiddiinna ha dayacina, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad hortiisa istaagtaan oo aad isaga u adeegtaan, oo aad midiidinno u ahaataan, oo aad foox u shiddaan.
12 Markaasaa kuwii reer Laawi waxaa ka dhex kacay Maxad ina Camaasay, iyo Yoo'eel ina Casaryaah oo ahaa reer Qohaad, oo reer Meraariina waxaa ka kacay Qiish ina Cabdii, iyo Casaryaah ina Yehaleleel, oo reer Gershoonna waxaa ka kacay Yoo'aax ina Simmaah, iyo Ceeden ina Yoo'aax. 13 Oo reer Eliisaafaanna waxaa ka kacay Shimrii iyo Yecuu'eel, oo reer Aasaafna waxaa ka kacay Sekaryaah iyo Matanyaah. 14 Oo reer Heemaanna waxaa ka kacay Yexii'eel iyo Shimcii, oo reer Yeduutuunna waxaa ka kacay Shemacyaah iyo Cusii'eel. 15 Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga. 16 Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon. 17 Haddaba iyagu waxay isdaahirinta bilaabeen bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo isla bishaas maalinteedii siddeedaad ayay yimaadeen balbaladii Rabbiga, oo guriga Rabbigana waxay ku daahiriyeen siddeed maalmood, oo hawshaas waxay dhammeeyeen bishii kowaad maalinteedii lix iyo tobnaad. 18 Markaasay Boqor Xisqiyaah ugu galeen gurigiisii boqornimada oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu wada nadiifinnay gurigii Rabbiga oo dhan, iyo meeshii qurbaanka la gubo, iyo weelasheedii oo dhan, iyo miiskii la saari jiray kibistii tusniinta iyo weelashiisii oo dhanba. 19 Oo weliba Boqor Aaxaas intuu boqor ahaa weelashii uu xoorxooray markuu xadgudbay dhammaantood waannu wada diyaarinnay oo waannu daahirinnay, oo bal eeg, waxay hor yaalliin meesha allabariga ee Rabbiga.
20 Markaasaa Boqor Xisqiyaah wakhti hore kacay oo intuu soo wada urursaday amiirradii magaalada ayuu kor ugu baxay gurigii Rabbiga. 21 Oo waxay keeneen toddoba dibi, iyo toddoba wan, iyo toddoba baraar ah, iyo toddoba orgi, inay qurbaan dembi u ahaadaan boqortooyada aawadeed iyo meesha quduuska ah aawadeed iyo dadka Yahuudah aawadood. Oo wuxuu wadaaddadii reer Haaruun ku amray inay xoolahaas ku bixiyaan meesha Rabbiga lagu baryo. 22 Markaasay dibidii gowraceen oo intay wadaaddadii dhiiggii soo qaadeen ayay meesha allabariga ku rusheeyeen, oo haddana waxay gowraceen wanankii, oo dhiiggoodiina way ku rusheeyeen meesha allabariga, baraarkiina way gowraceen, oo dhiiggoodiina meesha allabariga ayay ku rusheeyeen. 23 Oo orgidii qurbaanka dembiga ahaydna boqorkii iyo shirkii hortooda ayay u soo dhoweeyeen, oo gacmahoodii ayay korka ka saareen, 24 markaasaa wadaaddadii orgidii gowraceen oo waxay dhiiggoodii dembi qurbaankiis kaga dhigeen meesha allabariga korkeeda si ay dadka Israa'iil oo dhan kafaaraggud ugu sameeyaan aawadeed, waayo, boqorka ayaa amray in qurbaanka la gubo iyo qurbaanka dembigaba loo wada sameeyo dadka Israa'iil oo dhan. 25 Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay. 26 Markaasaa reer Laawi waxay istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada oo Daa'uud, oo wadaaddadiina waxay istaageen iyagoo haysta turumbooyin. 27 Xisqiyaahna wuxuu amray in qurbaanka la gubo meesha allabariga lagu dul bixiyo. Oo markii qurbaanka la gubo bixintiisa la bilaabay waxaa kaloo la bilaabay gabaygii ahaa ammaanta Rabbiga, iyo turumbooyinkii, iyo alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil. 28 Oo shirkii oo dhammuna Ilaah bay caabudeen, oo raggii gabayaaga ahaana way gabyeen, oo kuwii turumbada watayna way ka dhawaajiyeen; oo waxaas oo dhammuna way sii socdeen tan iyo ilaa qurbaankii la gubayay ka dhammaaday. 29 Oo markay dhammeeyeen qurbaanka bixintiisii ayaa boqorkii iyo kuwii isaga la joogay oo dhammu wada foororsadeen oo Ilaah caabudeen. 30 Oo weliba Boqor Xisqiyaah iyo amiirradii ayaa reer Laawi ku amreen inay Rabbiga ammaan ugu gabyaan erayadii Daa'uud iyo kuwii Aasaaf kii wax arkaha ahaa. Oo waxay ammaan ku gabyeen iyagoo faraxsan, oo intay madaxa foororiyeen ayay Ilaah caabudeen. 31 Markaasaa Xisqiyaah jawaabay oo yidhi, Hadda idinku waxaad quduus isaga dhigteen Rabbiga, haddaba soo dhowaada oo guriga Rabbiga waxaad soo gelisaan allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah. Kolkaasaa shirkii soo gesheen allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo in alla intii qalbigoodu raalli ahaana waxay keeneen qurbaanno la gubo. 32 Oo qurbaannadii la gubayay oo shirku keenayna tiradoodu waxay ahayd toddobaatan dibi, iyo boqol wan, iyo laba boqol oo baraar ah, oo intaasoo dhanna waxaa Rabbiga loogu keenay qurbaanno la gubo. 33 Oo xoolihii la daahiriyeyna waxay ahaayeen lix boqol oo dibi iyo saddex kun oo ido ah. 34 Laakiinse wadaaddadu aad bay u yaraayeen oo ma ay wada qali karin qurbaannadii la gubayay oo dhan, sidaas daraaddeed waxaa iyagii caawiyey walaalahoodii reer Laawi ilaa uu shuqulkii dhammaaday oo ay wadaaddadiina isdaahiriyeen, waayo, reer Laawi way ka qalbi toosnaayeen wadaaddada inay isdaahiriyaan. 35 Oo weliba qurbaannadii la gubayay iyo baruurtii qurbaannadii nabaadiinada, iyo qurbaannadii cabniinka oo la socday qurbaan kastoo la guboba aad bay u badnaayeen. Sidaasay hawshii guriga Rabbiga loo hagaajiyey. 36 Oo Xisqiyaah iyo dadkii oo dhammuba aad bay ugu reyreeyeen wixii Ilaah dadka u diyaariyey aawadood, waayo, xaalkaas waxaa lagu sameeyey si kedis ah.
Baryadii Ciise
17 Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano, 2 sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan. 3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay. 4 Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo. 5 Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin. 6 Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen. 7 Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen. 8 Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.
9 Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii. 10 Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay. 11 Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale. 12 Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado. 13 Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga. 14 Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn. 15 Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh. 16 Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn. 17 Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune. 18 Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray. 19 Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo.
20 Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis, 21 inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay. 22 Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay. 23 Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay.
24 Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin. 25 Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay. 26 Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya