Old/New Testament
22 Markaasaa Daa'uud yidhi, Kanu waa gurigii Rabbiga Ilaaha ah, oo tanuna waa meeshii qurbaanka la gubo oo reer binu Israa'iil.
Diyaarintii Macbudka
2 Markaasaa Daa'uud amray in la soo wada ururiyo shisheeyayaashii dalka reer binu Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu kaloo amray in wastaadyo dhagxan soo qoraan in la dhiso gurigii Ilaah aawadeed. 3 Oo Daa'uud wuxuu diyaariyey bir faro badan in musmaarro looga dhigo albaabbada irdaha iyo qabsatooyinka, oo wuxuu kaloo diyaariyey naxaas tiro badan oo aan miisaan lahayn, 4 iyo geedo kedar ah oo aan tiro lahayn, waayo, reer Siidoon iyo reer Turos waxay Daa'uud u keeneen geedo kedar ah oo tiro badan. 5 Markaasaa Daa'uud yidhi, Wiilkayga Sulaymaan waa yar yahay, waana tabar daranyahay, oo guriga Rabbiga loo dhisayaana waa inuu ahaado mid aad iyo aad u weyn, oo magac iyo ammaan ku leh kulli waddammada oo dhan, haddaba wax baan u sii diyaarin doonaa. Sidaas daraaddeed Daa'uud waxyaalo faro badan ayuu diyaariyey intuusan dhiman ka hor.
6 Markaasuu wiilkiisii Sulaymaan u yeedhay oo wuxuu ku amray inuu guri u dhiso Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 7 Oo haddana Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Waxaa qalbigayga ku jiray inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah. 8 Laakiinse waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh, Adigu waxaad daadisay dhiig badan, oo aad baad u dagaallantay. Waa inaadan guri u dhisin magacayga, maxaa yeelay, dhiig badan ayaad dhulka ku daadisay anigoo u jeeda. 9 Oo bal eeg, waxaa kuu dhalan doona wiil, kaasoo ahaan doona nin nasasho, oo waxaan ka nasin doonaa cadaawayaashiisa ku wareegsan oo dhan, oo isaga magiciisu wuxuu ahaan doonaa Sulaymaan, oo wakhtigiisa waxaan reer binu Israa'iil siin doonaa nabad iyo xasilloonaan. 10 Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil. 11 Haddaba wiilkaygiiyow, Rabbigu ha kula jiro, oo u barwaaqow, oo gurigii Rabbiga Ilaahaaga ah u dhis siduu kaaga hadlay. 12 Oo Rabbigu ha ku siiyo xigmad iyo waxgarasho, oo amarka reer binu Israa'iilna ha kuu dhiibo si aad u dhawrtid sharciga Rabbiga Ilaahaaga ah. 13 Markaas waad barwaaqoobi doontaa haddaad dhawrto oo yeesho qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbigu Muuse ku amray oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay; xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, ha cabsan, hana qalbi jabin. 14 Haddaba bal eeg, anoo dhibaataysan waxaan guriga Rabbiga u diyaarshay boqol kun oo talanti oo dahab ah, iyo kun kun oo talanti oo lacag ah, iyo naxaas iyo bir aan miisaan lahayn, waayo, aad bay u badan yihiin, oo weliba waxaan kaloo diyaariyey alwaax iyo dhagxan, oo adiguna intaas wax baad ku sii dari karaysaa. 15 Oo weliba waxaa kula jira rag shaqaale ah oo faro badan, kuwaasoo ah kuwa qora oo ka shaqeeya dhagxanta iyo alwaaxdaba, iyo rag kasta oo yaqaan sanco kasta, 16 oo ah tan dahabka, iyo tan lacagta, iyo tan naxaasta, iyo tan birta, iyagu tiro ma leh, haddaba kac oo shaqee, oo Rabbiguna ha kula jiro. 17 Oo haddana Daa'uud wuxuu amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan ku amray inay caawiyaan wiilkiisa Sulaymaan. 18 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War sow Rabbiga Ilaahiinna ahu idinlama jiro? Oo sow dhan kastaba nasasho idinkama siin? Waayo, dadyowgii dalka degganaa oo dhan ayuu soo geliyey gacantayda, oo dalkiina waxaa lagu jebshay Rabbiga iyo dadkiisa hortooda. 19 Haddaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.
Reer Laawi
23 Haddaba Daa'uud wuu gaboobay, wuuna da' weynaa, markaasuu reer binu Israa'iil boqor uga dhigay wiilkiisii Sulaymaan. 2 Oo wuxuu soo wada ururiyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba. 3 Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin. 4 Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno, 5 oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi. 6 Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
Reer Gershoon
7 Reer Gershoon waxaa ahaa Lacdaan iyo Shimcii. 8 Wiilashii Lacdaan waxay ahaayeen saddex, waana Yexii'eel oo madax ahaa, iyo Seetaam, iyo Yoo'eel. 9 Wiilashii Shimciina waxay ahaayeen saddex, waana Shelomood, iyo Xasii'eel, iyo Xaaraan, kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinkii reer Lacdaan. 10 Oo waxaa wiilashii Shimcii ahaa Yaaxad, iyo Siinaa, iyo Yecuush, iyo Beriicaah. Afartaasuba waxay ahaayeen wiilashii Shimcii. 11 Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.
Reer Qohaad
12 Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen afar, waana Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon iyo Cusii'eel. 13 Wiilashii Camraamna waxay ahaayeen Haaruun iyo Muuse, oo Haaruun waxaa gooni looga dhigay inay isagii iyo wiilashiisuba weligood quduus ka dhigaan waxyaalaha ugu wada quduusan iyo inay Rabbiga hortiisa foox ku shidaan, oo ay u adeegaan oo ay weligoodba magiciisa ku duceeyaan. 14 Laakiinse Muuse oo ahaa nin Ilaah wiilashiisii waxaa lagu tiriyey qabiilka reer Laawi. 15 Wiilashii Muusena waxay ahaayeen Gershoom iyo Eliiceser. 16 Ina Gershoomna wuxuu ahaa Shebuu'eel oo madax ahaa. 17 Ina Eliiceserna wuxuu ahaa Rexabyaah oo madax ahaa. Oo Eliiceser innaba wiilal kale ma lahayn, laakiinse Rexabyaah wiilashiisu aad bay u badnaayeen. 18 Ina Isehaarna wuxuu ahaa Shelomiid oo madax ahaa. 19 Wiilashii Xebroonna waxay ahaayeen Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad. 20 Wiilashii Cusii'eelna waxay ahaayeen Miikaah oo madax ahaa, iyo Yishiyaah oo ahaa kii labaad.
Reer Meraarii
21 Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Wiilashii Maxliina waxay ahaayeen Elecaasaar iyo Qiish. 22 Oo Elecaasaarna wuxuu dhintay isagoo gabdho keliya mooyaane aan wiilal lahayn, oo waxaa gabdhihiisii guursaday reer Qiish oo ahaa ilma-adeerradood. 23 Wiilashii Mushiina waxay ahaayeen saddex, waana Maxlii iyo Ceeder iyo Yereemood. 24 Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd. 25 Waayo, Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil dadkiisuu nasiyey, oo weligiis wuxuu deggan yahay Yeruusaalem. 26 Weliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan. 27 Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd. 28 Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga. 29 Oo weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan, 30 iyo inay subax kasta u istaagaan inay Rabbiga ku mahadnaqaan oo ammaanaan, oo haddana habeenkiina saasoo kalay yeeli jireen. 31 Oo haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd, 32 wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.
Qaybihii Wadaaddada
24 Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. 2 Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar. 3 Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd. 4 Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen. 5 Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba. 6 Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar. 7 Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah, 8 kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim, 9 kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin, 10 kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah, 11 kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah, 12 kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim, 13 kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab, 14 kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer, 15 kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees, 16 kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel, 17 kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul, 18 kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah. 19 Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.
Intii Ka Hadhay Reer Laawi
20 Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah. 21 Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa. 22 Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad. 23 Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad. 24 Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir. 25 Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah. 26 Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo. 27 Wiilashii Meraariina, waxaa reer Yacasiyaah ka joogay Benoo, iyo Shoham, iyo Sakuur, iyo Cibrii. 28 Reer Maxliina waxaa ka joogay Elecaasaar, oo aan waxba wiilal lahayn. 29 Reer Qiishna waxaa ka joogay ina Qiish, oo ahaa Yeraxme'eel. 30 Reer Mushii waxaa ka joogay Maxlii, iyo Ceeder, iyo Yeriimood. Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi siday qolooyinkoodu kala ahaayeen. 31 Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.
28 Sidaas aawadeed Ciise ayaa ku yidhi, Markaad Wiilka Aadanaha kor u qaaddaan, markaasaad garan doontaan inaan isagii ahay iyo inaanan keligay waxba samaynaynin, laakiin sida Aabbuhu ii baray ayaan waxyaalahaas ugu hadlaa. 29 Oo kii i soo diray ayaa ila jira, keligay igama uu tegin, waayo, mar kasta waxaan sameeyaa waxa ka farxiya isaga. 30 Intuu waxyaalahaas ku hadlayay, dad badan ayaa rumaystay isaga.
Ciise Wuxuu La Dooday Yuhuuddii
31 Sidaas aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi Yuhuuddii isaga rumaysatay, Haddaad ereygayga ku sii socotaan, runtii waxaad tihiin xertayda. 32 Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa. 33 Waxay ugu jawaabeen, Farcankii Ibraahim baannu nahay, oo weligayo addoommo ninna uma ahayn. Maxaad u leedahay, Waa laydin xorayn doonaa? 34 Ciise ayaa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii kasta oo dembi sameeyaa waa addoonkii dembiga. 35 Oo addoonkuna guriga kuma sii jiro, wiilkuse waa ku sii jiraa weligiis. 36 Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan. 37 Waan garanayaa inaad farcankii Ibraahim tihiin, laakiin waxaad doonaysaan inaad i dishaan, waayo, hadalkaygu meel idinkuma haysto. 38 Waxaan xaggii Aabbahay ku soo arkay ayaan ka hadlaa, idinkuna waxaad samaysaan wixii aydin aabbihiin ka maqasheen. 39 Markaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahayo waa Ibraahim. Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad carruurtii Ibraahim tihiin, shuqullada Ibraahim waad samayn lahaydeen. 40 Laakiin hadda waxaad doonaysaan inaad i dishaan, anoo ah ninkii idiin sheegay runtii aan xaggii Ilaah ka maqlay. Waxaas Ibraahim ma uu samayn jirin. 41 Waxaad samaysaan shuqullada aabbihiin. Markaasay ku yidhaahdeen, Annagu kuma aannu dhalan sino. Aabbe keliya ayaannu leennahay oo waa Ilaah. 42 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray. 43 Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane. 44 Idinku waxaad tihiin kuwo aabbahood Ibliiska yahay, oo waxaad doonaysaan inaad samaysaan damacyada aabbihiin. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa mid dhiig qaba, runtana kuma uu joogsan, waayo, runtu kuma jirto isaga. Markuu been ku hadlo, tiisuu ku hadlaa, waayo, waa beenaaleh, waana beenta aabbaheed. 45 Laakiin runta aan ku hadlo aawadeed waad i rumaysan weydeen. 46 Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya? Haddaan runta sheego, maxaad ii rumaysan weydaan? 47 Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.
48 Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Miyaannan run ku hadlin markaannu nidhi, Reer Samaariya baad tahay, oo jinni baad qabtaa? 49 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan. 50 Anigu ammaantayda ma doono, waxaase jira mid doona oo xukuma. 51 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun ereygayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono. 52 Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono. 53 Miyaad ka sii weyn tahay aabbaheen Ibraahim oo dhintay, iyo nebiyadii dhintay? Yaad iska dhigaysaa? 54 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaan is-ammaano, ammaantaydu waxba ma aha. Waa Aabbahay kan i ammaanaa, kaad ku sheegtaan Ilaahiinna. 55 Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa. 56 Aabbihiin Ibraahim waa ku reyreeyey inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku farxay. 57 Sidaa aawadeed Yuhuuddii waxay ku yidhaahdeen, Weli konton sannadood ma aadan gaadhin, oo Ibraahim ma aragtay? 58 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin anaa ah. 59 Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya