Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Taariikhdii Kowaad 19-21

La Dagaallankii Reer Cammoon

19 Taas dabadeedna Naaxaash oo boqor u ahaa reer Cammoon ayaa dhintay, meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii. Markaasaa Daa'uud yidhi, Anigu waxaan u roonaan doonaa Xaanuun ina Naaxaash, maxaa yeelay, aabbihiis baa ii roonaaday. Sidaas daraaddeed Daa'uud wuxuu u diray wargeeyayaal inay u tacsiyeeyaan aabbihiis. Markaasaa Daa'uud addoommadiisii waxay dalkii reer Cammoon ugu yimaadeen Xaanuun inay isaga u tacsiyeeyaan. Laakiinse amiirradii reer Cammoon waxay Xaanuun ku yidhaahdeen, Ma waxaad u malaynaysaa in Daa'uud aabbahaa cisaynayo oo uu sidaas daraaddeed kuugu soo diray kuwa tacsiyada wada? Addoommadiisu sow kuuguma iman inay dalka baadhaan oo basaasaan oo afgembiyaan? Sidaas daraaddeed Xaanuun wuxuu qabsaday Daa'uud addoommadiisii, oo intuu iyagii u xiiray ayuu dharkoodiina dhexda ka kala gooyay xataa ilaa dabada, markaasuu iska eryay. Markaasaa la tegey oo Daa'uud loo soo sheegay sidii nimankii loo galay. Oo isna wuxuu iyagii u diray dad ka hor taga, waayo, nimankii aad bay u ceeboobeen. Boqorkiina wuxuu iyagii ku yidhi, Yerixoo iska jooga ilaa gadhku idiin soo baxo, dabadeedna soo noqda. Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayaa Xaanuun iyo reer Cammoon sii dhiibeen kun talanti oo lacag ah inay gaadhifardood iyo rag fardooley ah kaga soo kiraystaan Mesobotamiya, iyo Aram Macakaah, iyo Soobaah. Sidaasay u soo kiraysteen laba iyo soddon kun oo gaadhifaras, iyo boqorkii Macakaah iyo dadkiisii, kuwaasoo yimid oo Meedebaa horteeda degay. Oo reer Cammoonna waxay iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii, oo dagaal bay u soo baxeen. Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan. Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen magaalada iriddeeda, oo boqorradii yimidna duurkay keli ahaantood joogeen. 10 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba, ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan. 11 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo iyana waxay isu soo diyaariyeen inay reer Cammoon la dagaallamaan. 12 Oo wuxuu walaalkiis ku yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan ku soo caawin doonaa. 13 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood, oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan. 14 Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen. 15 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid. 16 Oo reer Suuriya markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay wargeeyayaal u direen oo soo kaxeeyeen reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey, iyagoo uu madax u yahay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser. 17 Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu Webi Urdun ka soo gudbay ayuu reer Suuriya u yimid, oo ciidankiisii ayuu weerar ugu soo diyaariyey, haddaba Daa'uud markuu raggiisii u diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan ayay iyana la dirireen. 18 Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil hortooda. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba kun oo gaadhifaras raggoodii, iyo afartan kun oo nin oo lug ah, oo wuxuu dilay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka. 19 Oo markii Hadarceser addoommadiisii arkeen in reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen Daa'uud, wayna u adeegeen, oo reer Suuriyana way diideen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.

Qabsashadii Rabbaah

20 Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Yoo'aab kaxaystay xooggii ciidanka oo dhan oo baabbi'iyey dalkii reer Cammoon, oo haddana intuu soo kacay ayuu Rabbaah hareereeyey. Yoo'aab wuxuu dagaal ku dhiftay Rabbaah, wuuna afgembiyey, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay. Markaasaa Daa'uud boqorkoodii madaxiisii taajkii ka qaaday, oo wuxuu ogaaday in miisaankiisu yahay talanti dahab ah, dhagxan qaali ahna wuu lahaa, markaasaa Daa'uud madaxa loo saaray. Oo wuxuu dibadda u soo bixiyey dhacii magaalada oo aad iyo aad u badnaa. Dibadduu u soo bixiyey dadkii magaalada ku jiray, oo wuxuu hoos dhigay miinshaaro iyo biro wax lagu qodo, iyo faasas. Oo magaalooyinkii reer Cammoon oo dhan Daa'uud saasuu u wada galay. Markaasaa Daa'uud iyo dadkii oo dhammu ku noqdeen Yeruusaalem.

La Dagaallankii Reer Falastiin

Oo taas dabadeed waxay noqotay in reer Falastiin haddana Geser lagula diriray, oo Sibbekay oo reer Xushaad ahaa wuxuu dilay Sifay, oo ahaa mid ka mid ah wiilashii Rafaa, oo iyagiina waa la jebiyey. Oo haddana reer Falastiin waa lala diriray, oo Elxaanaan ina Yaaciir wuxuu dilay Laxmii oo ahaa Goli'ad kii reer Gad walaalkiis, oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa. Oo haddana waxaa dagaal ka dhacay Gad, halkaasna waxaa joogay nin aad u dheer, oo farihiisa gacmeed iyo farihiisa lugeedna waxay ahaayeen afar iyo labaatan, oo gacan kasta wuxuu ku lahaa lix, cag kastana wuxuu ku lahaa lix, oo isna wuxuu u dhashay Rafaa. Oo isna markuu reer binu Israa'iil caayay waxaa isagii dilay Yoonaataan oo uu Daa'uud walaalkiisii Shimcaa ahaa dhalay. Kuwanu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad, oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii iyo gacantii addoommadiisa.

Daa'uud Oo Tiriyey Raggiisii Dagaalyahanka Ahaa

21 Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa'iil oo wuxuu Daa'uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa'iil tiriyo. Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa. Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa? Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalkii Yoo'aab. Haddaba sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu tegey, oo wuxuu dhex maray reer binu Israa'iil oo dhan, dabadeedna Yeruusaalem buu yimid. Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah. Laakiinse isagu sooma uu tirin reer Laawi iyo reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Yoo'aab waa karaahiyeystay boqorka hadalkiisii. Haddaba taas ayaa Ilaah ugu cadhooday, markaasuu laayay reer binu Israa'iil. Markaasaa Daa'uud Ilaah ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay, haddaba waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. Markaasaa Rabbigu la hadlay Gaad oo ahaa Daa'uud waxarkihiisa, oo wuxuu yidhi, 10 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 11 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkaad doonaysid dooro, 12 saddex sannadood oo abaar ah, ama saddex bilood oo aad ku baabba'did cadaawayaashaada hortooda iyadoo seefta cadaawayaashaadu ay ku gaadhayso, amase haddii kale saddex maalmood oo seefta Rabbigu iyadoo belaayo ah ay dalka dhex marayso, oo ay malaa'igtii Rabbiga dadka baabbi'inayso kulli dalka reer binu Israa'iil oo dhan. Haddaba bal ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa, Rabbiga gacantiisa aan ku dhaco, waayo, naxariistiisu waa badan tahay, laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 14 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, oo waxaa reer binu Israa'iil ka dhintay toddobaatan kun oo nin. 15 Oo haddana Rabbigu wuxuu Yeruusaalem u soo diray malag wax baabbi'iya, oo markuu u dhowaaday inuu baabbi'iyo ayaa Rabbigu fiiriyey, oo belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu malaggii wax baabbi'inayay ku yidhi, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbigu wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa. 16 Markaasaa Daa'uud indhihii kor u taagay oo wuxuu arkay malaggii Rabbiga oo taagan dhulka iyo samada dhexdooda oo gacanta ku haysta seef gal la' oo Yeruusaalem ku kor fidsan. Markaasay Daa'uud iyo odayaashiiba, iyagoo dhar joonyad ah qaba, wejiga dhulka saareen. 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin. 18 Markaasaa malaggii Rabbigu Gaad ku amray inuu Daa'uud ku yidhaahdo, Tag oo Rabbiga meel allabari ugu dhis meeshii wax lagu tumi jiray ee Aarnaankii reer Yebuus leeyahay. 19 Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad yidhi, oo uu ku hadlay magicii Rabbiga. 20 Markaasaa Aarnaan soo jeestay oo arkay malaggii, oo afartiisii wiil oo isaga la joogayna way dhuunteen. Haddaba Aarnaan wuxuu tumayay sarreen. 21 Oo markii Daa'uud u yimid Aarnaan ayaa Aarnaan arkay Daa'uud, oo intuu meeshii ka baxay ayuu u sujuuday Daa'uud, wejigana dhulkuu saaray. 22 Markaasaa Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Meeshan wax lagu tumo i sii, aan meel allabari Rabbiga uga dhisee. Waxaad igu siinaysaa qiima buuxa in belaayadu ay dadka ka joogsato. 23 Markaasaa Aarnaan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow sayidkaygiiyow, qaado oo samee wixii kula wanaagsan, bal eeg, dibida waxaan kuu siinayaa qurbaanno la gubo aawadiis, oo alaabta wax lagu tumona qoryo aawadood, sarreenkana qurbaan aawadiis, anigu kulli waan ku wada siinayaa. 24 Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu Aarnaan ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiima buuxa ayaan kaaga iibsanayaa, waayo, Rabbiga u qaadi maayo wax aad adigu leedahay, oo qurbaan la gubo oo aanan waxba ka bixin anigu Ilaah ugu bixin maayo. 25 Haddaba Daa'uud wuxuu Aarnaan meeshii ka siiyey dahab miisaankiisu yahay lix boqol oo sheqel. 26 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo Rabbiguu baryay, oo isna wuxuu isagii samada ugaga jawaabay dab ku soo kor dhacay meeshii qurbaanka la gubo. 27 Markaasaa Rabbigu amray malaggii, isna seeftiisuu ku celiyey galkeedii.

28 Oo isla markaasba Daa'uud markuu arkay in Rabbigu isaga uga jawaabay meeshii wax lagu tumi jiray oo uu lahaa Aarnaan oo ahaa reer Yebuus ayuu halkaas ku allabaryay. 29 Waayo, taambuuggii Rabbiga ee Muuse cidlada ku dhex sameeyey iyo meeshii qurbaanka la guboba markaas waxay dhex yiilleen meesha sare ee Gibecoon ku taal. 30 Laakiinse Daa'uud meeshaas ma uu hor tegi karin inuu Ilaah wax soo weyddiisto, maxaa yeelay, wuxuu ka baqayay seeftii malagga Rabbiga.

Yooxanaa 8:1-27

Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun. Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray. Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen, oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino. Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada? Waxay waxaas u yidhaahdeen, iyagoo jirrabaya, si ay u helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Laakiin Ciise waa foororsaday, oo farta ayuu dhulka wax ku qoray. Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro. Mar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray. Iyagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay. 10 Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin? 11 Waxay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin.

Nuurka Dunida

12 Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha. 13 Sidaa aawadeed Farrisiintu waxay ku yidhaahdeen, Marag baad isu furaysaa, maraggaagguna run ma aha. 14 Ciise baa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, In kastoo aan marag isu furo, maraggaygu waa run, waayo, waxaan garanayaa meeshaan ka imid iyo meeshaan tegayo, idinkuse garan maysaan meeshaan ka imid ama meeshaan tegayo. 15 Idinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo. 16 Haddaan xukumo, xukunkaygu waa run, waayo, anigu keligay ma ihi, laakiin waa aniga iyo Aabbahaygii i soo diray. 17 Sharcigiinna waxaa ku qoran, Laba nin maraggoodu waa run. 18 Anigu waxaan ahay kii isu marag fura, oo Aabbahaygii i soo dirayna ayaa ii marag fura. 19 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen. 20 Hadalladaas ayuu kaga hadlay meeshii khasnaddu tiil intuu macbudka wax ku barayay. Oo ninna ma uu qaban isaga, waayo, saacaddiisii weli ma iman.

Digidda Ku Saabsan Xukunka Imanaya

21 Sidaas aawadeed wuxuu haddana ku yidhi iyaga, Waan tegayaa, waadna i doondooni doontaan, waadna ku dhiman doontaan dembigiinna. Meeshaan tegayo iman kari maysaan. 22 Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay yidhaahdeen, Miyuu isdilayaa? Waayo, isagaa yidhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan. 23 Wuxuu ku yidhi iyaga, Idinku waxaad tihiin kuwa hoosta, aniguse waxaan ka mid ahay kuwa sare. Idinku waxaad tihiin kuwa dunidan, aniguse mid kama ihi kuwa dunidan. 24 Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan. 25 Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Yaad tahay? Ciise wuxuu ku yidhi, Kii aan tan iyo bilowgii idinkala hadlay. 26 Waxaan hayaa wax badan oo aan idinkala hadlo oo aan idinku xukumo, laakiin kii i soo diray waa run, aniguna waxaan ka maqlay isaga, waxaas ayaan dunida kula hadlayaa. 27 Ma ayna garan inuu iyaga kala hadlay Aabbaha.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya