Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Boqorradii Kowaad 8-9

Sanduuqii Axdiga Oo Macbudka La Keenay

Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd. Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen Boqor Sulaymaan wakhtigii iidda ah bisha toddobaad ee Eetaaniim la yidhaahdo. Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay wadaaddadii sanduuqii soo qaadeen. Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan. Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin. Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda. Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba. Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arkay meesha quduuska ah oo ka horraysa meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasay yaallaan ilaa maantadan. Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday, markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dalkii Masar ka soo baxeen mooyaane. 10 Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga, 11 oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed; waayo, Rabbiga ammaantiisii ayaa ka buuxsantay gurigii Rabbiga.

12 Markaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso. 13 Hubaal waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah, oo ah meel aad weligaa degganaanayso. 14 Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen. 15 Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud, oo gacantiisa ku oofiyey isagoo leh, 16 Tan iyo maalintii aan dadkayga reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, laakiinse Daa'uud baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo. 17 Haddaba aabbahay waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 18 Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd. 19 Habase yeeshee adigu guri ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona. 20 Oo Rabbigu wuu adkeeyey eraygiisii uu ku hadlay; waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday; oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa. 21 Oo halkaasna meel baan uga sameeyey sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu awowayaasheen la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar.

Ducadii Sulaymaan

22 Markaasaa Sulaymaan hor istaagay meeshii allabariga ee Rabbiga iyadoo ay wada joogaan shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu, oo intuu gacmihiisii xagga samada u kala bixiyey, 23 ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Ilaah kula mid ahu kuma jiro samada sare ama dhulka hoose toona, adoo axdiga xajiyaa oo u naxariistaa addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan. 24 Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay. 25 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale. 26 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye eraygaagii aad kula hadashay aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa ha rumoobo. 27 Haddaba ma dhab baa in Ilaah dhulka degganaan doono? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa! 28 Oo weliba Rabbiyow, Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan maanta hortaada ku tukanayo, 29 in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacaygu halkaasuu ku jiri doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo. 30 Bal maqal baryootankayga anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno, kaas ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, oo markaad maqashid na cafi. 31 Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal, 32 de markaa samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay. 33 Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan, oo magacaaga qirtaan, oo tukadaan, oo gurigan kugu baryaan, 34 de markaas samada ka maqal oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad awowayaashood siisay. 35 Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas aawadeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qirtaan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid, 36 de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay. 37 Oo hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadowgoodu ku hareereeyo dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee, 38 kolkaas haddii nin kastaaba amase dadka reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan oo nin kastaaba ogaado belaayada qalbigiisa ku jirta, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa, 39 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo yeel, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira;) 40 inay kaa cabsadaan cimrigooda oo dhan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay. 41 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, 42 (waayo, waxay maqli doonaan magacaaga weyn, iyo gacantaada xoogga badan, iyo cududdaada fidsan) markuu yimaado oo uu u soo tukado gurigan xaggiisa, 43 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho. 44 Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadowgooda, oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladii aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 45 de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel. 46 Haddii ay kugu dembaabaan, waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, oo aad u cadhootid, oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan cadowga dalkiisii, ama ha dhowaado ama ha dheeraadee; 47 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay, 48 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka cadaawayaashoodii maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 49 markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel; 50 oo cafi dadkaaga kugu dembaabay, oo ka saamax xadgudubyadooda ay kugu xadgudbeen oo dhan; oo kuwii maxaabiis ahaanta u kaxaystay raxmad geli si ay ugu naxariistaan, 51 maxaa yeelay, iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad ka soo bixisay dalkii Masar iyo foornadii birta dhexdeeda; 52 oo dhegahaagu ha maqleen baryootanka addoonkaaga iyo baryootanka dadkaaga reer binu Israa'iil si aad u maqashid mar alla markay kuu qayshadaanba, 53 waayo, Sayidow, Rabbiyow, iyagaad uga soocatay dadkii dunida oo dhan inay ahaadaan dhaxalkaagii, siduu ahaa eraygaagii aad u soo dhiibtay addoonkaagii Muuse, markaad awowayaashayo ka soo bixisay dalkii Masar.

54 Oo markii Sulaymaan dhammeeyey tukashadan iyo baryootankan uu Rabbiga baryay oo dhan ayuu ka kacay meeshii Rabbiga allabariga loogu bixin jiray horteeda iyo jilbajooggii uu jilbo joogay isagoo gacmaha xagga samada u fidinaya. 55 Markaasuu istaagay oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan cod weyn ugu duceeyey, oo yidhi, 56 Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse. 57 Rabbiga Ilaaheenna ahu ha inoola jiro, siduu ula jiray awowayaasheen oo kale; oo yuusan inaga tegin, oo ina dayrin; 58 si uu qalbiyadeenna xaggiisa ugu jeediyo inaynu ku soconno jidadkiisa oo dhan, oo aynu xajinno amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa uu awowayaasheen ku amray. 59 Oo erayadaydan aan Rabbiga hortiisa ku baryay, habeen iyo maalinba ha gaadheen Rabbiga Ilaaheenna ah, si uu u yeelo dacwaddayda anoo addoonkiisa ah iyo dacwadda dadkiisa reer binu Israa'iil, sida maalin walba laga doonayo, 60 si ay dadka dunida jooga oo dhammu u ogaadaan in Rabbigu Ilaah yahay oo aan mid kale jirin. 61 Sidaas daraaddeed qalbigiinnu ha u qummanaado Rabbiga Ilaaheenna ah, inaad qaynuunnadiisa ku socotaan oo aad amarradiisa xajisaan sida maanta oo kale.

Macbudkii Oo Gooni Laga Dhigay

62 Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey. 63 Oo Sulaymaan qurbaannada nabaadiinada ee uu Rabbiga u bixiyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun oo dibi, iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Oo sidaasay boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Rabbiga. 64 Oo isla maalintaasuu boqorku quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada; maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee Rabbiga hor tiil way ku yarayd oo ma wada qaadin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada. 65 Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri. 66 Oo maalintii siddeedaad ayuu dadkii diray, oo iyana intay boqorkii u duceeyeen ayay teendhooyinkoodii tageen iyagoo faraxsan oo qalbigoodu kaga rayraynaya wanaaggii oo dhan oo uu Rabbigu u sameeyey addoonkiisii Daa'uud iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.

Rabbiga Oo U Muuqday Sulaymaan

Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan, ayaa Rabbigu Sulaymaan mar labaad u muuqday, siduu markii hore Gibecoon ugu muuqday oo kale. Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba. Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid qalbi daacad ah iyo qummanaan, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda, de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo. Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan, de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi. Oo in kastoo guriganu dheer yahay, haddana mid walba oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuu ku foodhyi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan? Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii Ilaahood ahaa oo awowayaashood ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.

Waxyaabihii Kale Ee Sulaymaan Sameeyey

10 Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, 11 ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.) 12 Oo Xiiraamna wuxuu Turos uga soo kacay inuu arko magaalooyinkii Sulaymaan siiyey, kumana uu farxin. 13 Markaasuu yidhi, Walaalkayow, magaalooyinkan aad i siisay waa maxay? Kolkaasuu magaalooyinkii u bixiyey dalkii Kabuul oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa. 14 Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

15 Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser. 16 Waayo, Fircoon oo ahaa boqorkii Masar mar horuu tegey oo Geser qabsaday oo gubay, oo wuxuu laayay dadkii reer Kancaan oo magaalada degganaa, oo qayb ahaan ayuu u siiyey gabadhiisii Sulaymaan u dhaxday. 17 Markaasaa Sulaymaan dhisay Geser, iyo Beytxooroontii hoose, 18 iyo Bacalad, iyo Taamaar oo ku dhex tiil cidladii dalka, 19 iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray ee uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan. 20 Oo weliba dadkii ka hadhay reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo aan reer binu Israa'iil ahayn, 21 kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay oo anay reer binu Israa'iil karin inay wada baabbi'iyaan, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo. 22 Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan addoommo kama dhigan, waxayse ahaayeen raggii dagaalyahannada ahaa, iyo midiidinnadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisii, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisaba. 23 Kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Sulaymaan hawshiisa u talin jiray oo ahaa shan boqol iyo konton nin oo u taliya dadka hawsha qabta. 24 Laakiinse gabadhii Fircoon waxay ka soo baxday magaaladii Daa'uud, oo gashay gurigeedii uu Sulaymaan iyada u dhisay; markaasuu haddana wuxuu dhisay Millo. 25 Oo sannaddiiba saddex jeer ayuu Sulaymaan meeshii allabariga oo uu Rabbiga u dhisay ku bixin jiray qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, oo girgirihii Rabbiga hor yiilna wuxuu ku gubi jiray foox, oo saasuu gurigii ku dhammeeyey.

26 Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom. 27 Oo Xiiraamna wuxuu doonniyihii raaciyey addoommadiisii baxriyiinta ahaa oo badda aqoonta u lahaa, oo waxaa wada jiray iyaga iyo addoommadii Sulaymaan. 28 Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

Luukos 21:1-19

Sadaqada Carmalku Macbudka Ku Bixisay(A)

21 Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya. Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa. Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen. Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.

Ciise Wuxuu Sii Sheegay Dumidda Macbudka(B)

Oo qaar kolkay macbudka ka hadlayeen in dhagaxyo wanaagsan iyo hadiyado lagu qurxiyey, wuxuu yidhi, Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doonin.

Belaayooyinka Imanaya(C)

Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamadu maxay ahaan doontaa goortii waxyaalahanu ay dhowaan doonaan? Markaasuu yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn, waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga; iyo, Wakhtigu waa soo dhowaaday. Ha raacina. Oo markaad dagaallo iyo rabshooyin maqashaan ha baqanina, waayo, kolka hore waxyaalahanu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku kolkiiba ma aha. 10 Markaasuu ku yidhi, Quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo. 11 Waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro iyo cudurro, samadana waxaa laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamooyin waaweyn. 12 Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal. 13 Waxayna idinku noqon doontaa marag. 14 Sidaa darteed qalbiyadiinna geliya inaydnaan hore ugu fikirin waxaad ku jawaabi doontaan. 15 Waayo, waxaan idin siin doonaa af iyo xigmad aanay cadaawayaashiinna oo dhammu ka adkaan karin oo aanay ka gees hadli karin. 16 Laakiin idinka waxaa idin gacangelin doona waalidkiinna, iyo walaalahiinna, iyo xigaalkiinna, iyo saaxiibbadiinna, qaarkiinnana waa la dili doonaa. 17 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona. 18 Tinna madaxiinna kama lumi doono. 19 Waa inaad naftiinna ku haysataan dulqaadashadiinna.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya