Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Cobadyaah

COBADYAAH

Kuwanu waa wixii la tusay Cobadyaah. Sayidka Rabbiga ahu sidan buu dalka Edom ka leeyahay: Annagu Rabbiga xaggiisa ayaannu war ka maqalnay, oo farriinwade ayaa quruumaha dhexdooda loo soo diray, isagoo leh, War kaca, oo kaalaya aan dadka Edom dagaal ugu kacnee. Bal eega, quruumaha dhexdooda waan idinku yareeyey, oo si weyn baa laydiin quudhsaday. Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara? In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay. Haddii tuugag idiin soo dhici lahaayeen ama haddii shufto habeennimo idin miri lahayd, sow wax idinkama xadi lahayn jeeray wax ku filan la tagaan? (Sidee baad u ba'deen!) Haddii kuwa canabka gura idiin iman lahaayeen, sow kama tegi lahayn canab xaaxaab ah? Sidee baa loo dhacay alaabtii reer Ceesaw! Oo khasnadihiisii qarsoonaa sidee baa loo baadhay! Kulli dadkii aad axdiga la lahaan jirteen oo dhammu waxay idinku celiyeen tan iyo soohdinta, oo dadkii nabadda idinla lahaan jiray ayaa idin khiyaanay, wayna idinka adkaadeen, oo kuwii kibistiina cuni jiray ayaa dabin idiin dhigay, oo innaba waxgarasho ma leh. Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ragga xigmadda leh sow kama aan baabbi'in doono reer Edom oo waxgarashadana sow kama baabbi'in doono buurta Ceesaw? Reer Teemaanow, raggiinna xoogga badanu way wada nixi doonaan, oo sidaas daraaddeed mid kasta oo buurta Ceesaw ka yimid ayaa laynta ku go'i doona. 10 Xumaantii aad walaalihiin reer Yacquub ku samayseen aawadeed ayaa ceebu idiinku degi doonta, oo weligiin baad go'naan doontaan. 11 Waayo, wakhtigii aad ag taagnaydeen oo iska fiirinayseen, markay shisheeyayaashu maalkooda qaadanayeen, oo dadka qalaad irdihooda soo gelayeen, oo ay Yeruusaalem saamiga u ridanayeen, xataa idinku iyagoo kalaad ahaydeen. 12 Laakiinse ha fiirina wakhtiga walaalihiin cidhiidhiga ku jiraan, oo ha ku farxina wakhtiga reer Yahuudah baabba'ooda, oo hana u faanina wakhtiga cidhiidhiga. 13 Iridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin. 14 Oo meesha jidadka isku gooyaana ha u istaagina si aad u laysaan kuwooda soo fakaday, oo kuwooda wakhtigii cidhiidhiga ka hadhayna cadowgooda ha u gacangelina. 15 Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa. 16 Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin. 17 Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa. 18 Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay. 19 Oo dadka koonfur degganu waxay hantiyi doonaan buurta Ceesaw, oo kuwa bannaanka degganuna waxay hantiyi doonaan dalka reer Falastiin, oo weliba waxay hantiyi doonaan dalka reer Efrayim, iyo dalka reer Samaariya, oo reer Benyaamiinna waxay hantiyi doonaan dalka Gilecaad. 20 Oo ciidankan dadka Israa'iil ee maxaabiista ahu waxay hantiyi doonaan dalka reer Kancaan tan iyo Sarefta, oo Yeruusaalem maxaabiisteeda Sefaaraad joogtaana waxay hantiyi doonaan magaalooyinka koonfureed. 21 Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

Muujintii 9

Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii shanaad, markaasaan arkay xiddig samada ka timid oo dhulka ku soo dhacday; oo waxaa iyadii la siiyey furihii ceelka yamayska. Markaasay waxay furtay ceelkii yamayska, oo ceelkii waxaa kor uga soo baxay qiiq u eg qiiq foorno weyn; oo qiiqii ceelka aawadiis ayaa qorraxdii iyo hawadiiba gudcur la noqdeen. Markaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin. Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane. Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino. Oo ayaamahaasna dadku waxay doondooni doonaan dhimasho, oo sinaba uma ay heli doonaan, oo waxay jeclaan doonaan inay dhintaan, laakiinse dhimashadu way ka carari doontaa iyaga. Oo ayaxa qaabkiisuna wuxuu u ekaa fardo dagaal loo diyaariyey; oo madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab u eg, oo wejiyadooduna waxay u ekaayeen wejiyo dad. Oo waxay lahaayeen timo u eg timo dumar; ilkahooduna waxay u ekaayeen ilko libaax. Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood. 10 Oo waxay lahaayeen dabo u eg hangarallayaasha dabadooda iyo miciyo; oo dabadoodana waxay ku lahaayeen xoog ay dadka wax ku yeelaan intii shan bilood ah. 11 Oo waxaa iyaga boqor u ah malagga yamayska; oo magiciisana afka Cibraaniga waxaa lagu yidhaahdaa Abaddoon; afka Gariiggana magiciisa waxaa lagu yidhaahdaa Abolyoon.

12 Hooggii kowaad wuu dhammaaday; oo bal eeg, weli waxaa dhiman oo hadda ka dib imanaya laba hoog oo kale.

13 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal, 14 oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad. 15 Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel. 16 Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii. 17 Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud. 18 Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay. 19 Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.

20 Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin; 21 kamana ay toobadkeenin diliddoodii iyo saaxirnimadoodii iyo sinadoodii iyo tuugnimadoodii.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya