Old/New Testament
Cabbidda Dhiigga Oo La Mamnuucay
17 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi, 3 Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi, 4 isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa, 5 oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay keenaan allabaryadooda ay berrinka bannaan ku bixiyaan, oo iyagu waa inay Rabbiga ugu keenaan iridda teendhada shirka, waana inay wadaadka guddoonsiiyaan, oo ay Rabbiga ugu bixiyaan allabaryo qurbaanno nabaadiino ah. 6 Oo wadaadkuna waa inuu dhiigga ku saydhsaydhaa meesha allabariga ee Rabbiga oo ag yaal iridda teendhada shirka, oo xaydhana waa inuu gubaa si ay Rabbiga u ahaato caraf udgoon. 7 Oo iyagu waa inayan mar dambe allabaryadooda u bixin orgiyada ay caabudaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo. Kaasu qaynuun weligiis ah buu ab ka ab u ahaan doonaa iyaga.
8 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari, 9 isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
10 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa. 11 Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed. 12 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin.
13 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa. 14 Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, Waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kastoo uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la gooyn doonaa. 15 Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa. 16 Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.
Galmada Aan Sharciga Ahayn
18 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. 3 Falimaha dalka Masar ee aad degganaan jirteen waa inaydaan samayn, oo falimaha dalka Kancaan oo aan idiin geeynayana waa inaydaan samayn, oo qaynuunnadoodana waa inaydaan ku socon. 4 Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 5 Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
6 Waa inaan midkiinna u dhowaan qof ka mid ah xigaalkiisa u dhow inuu cawradiisa qaawiyo, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 7 Cawrada aabbahaa taasoo ah cawrada hooyadaa waa inaadan qaawin, iyadu waa hooyadaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 8 Oo waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa, ee waa cawradii aabbahaa. 9 Waa inaadan qaawin cawrada walaashaa oo ah aabbahaa gabadhiisa ama hooyadaa gabadheeda, hadday guriga ku dhalatay iyo hadday meel kale ku dhalatayba. 10 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha wiilkaaga, ama cawrada gabadha gabadhaada, waayo, toodu waa cawradaadii. 11 Waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa gabadheeda ay aabbahaa u dhashay, waayo, iyadu waa walaashaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 12 Waa inaadan qaawin cawrada eeddadaa, waayo, iyadu waa aabbahaa qaraabadiis u dhow. 13 Waa inaadan qaawin cawrada habaryartaa, waayo, iyadu waa hooyadaa qaraabadeed u dhow. 14 Waa inaadan adeerkaa cawradiisa qaawin. Waa inaadan naagtiisa u dhowaan, waayo, iyadu waa aayadaa. 15 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 16 Waa inaadan qaawin cawrada naagta walaalkaa, waayo, taasu waa cawradii walaalkaa. 17 Waa inaadan naag iyo gabadheedaba cawradooda wada qaawin, oo waa inaadan kaxaysan gabadha wiilkeeda ama gabadha gabadheeda si aad cawradeeda u qaawisid; waayo, iyagu waa naago qaraabo kuu dhow ah, oo taasu waa shar. 18 Waa inaadan naagtaada walaasheed la guursan oo aadan cawradeeda qaawin intay naagtaadu nooshahay. 19 Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay. 20 Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin. 21 Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 22 Waa inaadan ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo. 23 Waa inaadan neef xayawaan ah kudin si aadan ugu nijaasoobin, oo naaguna waa inayan neef xayawaan ah is-hor taagin si ay isaga ugu jiifsato, waayo, taasu waa qasnaan.
24 Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen, 25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan. 26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) 28 si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale. 29 Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa. 30 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
Ciise Waa Lagu Qodbay Iskutallaabta(A)
27 Markaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha, oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan. 28 Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan. 29 Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow. 30 Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen. 31 Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
32 Goortay soo baxeen, waxay arkeen nin reer Kuranaya ah oo Simoon la odhan jiray, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado. 33 Oo goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii dhakada, 34 waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, goortuu dhadhamiyeyse wuu diiday inuu cabbo. 35 Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen. 36 Meeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen. 37 Waxay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA. 38 Markaasaa waxaa iskutallaabo lagu la qodbay laba tuug, mid midigta, midna bidixda. 39 Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, 40 waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, isbadbaadi, haddii aad tahay Wiilka Ilaah, oo iskutallaabta ka soo deg. 41 Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen, 42 Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye. 43 Ilaah buu isku halleeyey, haddeer ha bixiyo hadduu isaga ku faraxsan yahay, waayo, wuxuu yidhi, Waxaan ahay Wiilka Ilaah. 44 Tuugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen.
Ciise Waa Dhintay(B)
45 Hadda saacaddii lixaad ilaa saacaddii sagaalaad dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa. 46 Abbaaraha saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani, waxaa weeye, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? 47 Kuwa halkaas taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen, yidhi, Kanu wuxuu u yeedhayaa Eliyaas. 48 Kolkiiba midkood baa orday oo qaaday geed isbonji la yidhaahdo, oo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo. 49 Kuwa kale ayaa yidhi, Daaya aynu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo badbaadiyo. 50 Markaasaa Ciise goortuu mar kale cod weyn ku dhawaaqay, ruuxii bixiyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya