Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Yexesqeel 1-2

KITAABKII
YEXESQEEL

Xayawaanka Nool Iyo Ammaanta Rabbiga

Haddaba sannaddii soddonaad, bisheedii afraad, maalinteedii shanaad, anigoo maxaabiistii Webi Kebaar ag joogtay ku dhex jira ayaa samooyinkii furmeen, oo waxaan arkay wax layga tusay xagga Ilaah. Boqor Yehooyaakiin maxaabiis ahaantiisii sannaddeedii shanaad bisha maalinteedii shanaad ayaa eraygii Rabbigu dalkii reer Kaldayiin ugu yimid wadaadkii Yexesqeel ina Buusii, isagoo Webi Kebaar ag jooga, oo halkaasay gacantii Rabbigu isagii ku kor saarnayd.

Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday dabayl duufaan ah oo xagga woqooyi ka timid, iyo daruur weyn, iyo dab iyada ku dhex jira, iyo iftiin hareereheeda ka widhwidhaya, oo dhexdeedana waxaa ku jiray wax la moodo sidii dhuxul cadaatay oo dab ka dhex dhalaalaysa. Oo waxaa dhexdeedii ka soo baxay wax u eg afar xayawaan. Oo muuqashadooduna sidanay ahayd: waxay lahaayeen nin ekaantiis. Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal. Oo cagahooduna waxay ahaayeen cago toosan, oo baabacada cagahooduna waxay u ekayd weyl baabaceeda, oo waxay u dhalaalayeen sidii naxaas la safeeyey. Oo baalashooda hoostoodana waxay ku lahaayeen nin gacmihiis oo kale oo afarta dhinacba uga yaal, oo afartooduba saasay u lahaayeen wejiyadooda iyo baalashoodaba. Oo baalashooduna midba midka kaluu ku dhegganaa, oo markay socdeenna ma ay leexleexan ee midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay. 10 Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor. 11 Wejiyadoodu saasay ahaayeen, oo baalashooduna kor bay u kala fidsanaayeen, oo midkood kastaaba laba baal ayuu midka kan kale kula dhegganaa, oo labana waxay ku daboolnaayeen jidhkooda. 12 Oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay, oo waxay tageen meel alla meeshuu ruuxu tegayoba, oo markay socdeenna ma ay leexleexan. 13 Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac. 14 Oo xayawaankuna sidii hillaaca biriqdiisa oo kale ayay u ordeen oo u soo noqdeen. 15 Haddaba intii aan xayawaanka fiirinayay waxaan arkay giraangir dhulka korkiisa iyo xayawaanka dhinacooda taal, oo mid kastaaba wuxuu u yiil afarta weji. 16 Oo giraangiraha waxay u ekaayeen midabka berullos oo kale, oo afartoodiiba way isu ekaayeen, oo muuqashadoodii iyo farsamadii loo sameeyeyna waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta. 17 Oo markay tageenna waxay ku socdeen afartooda dhinac, oo mana ay leexleexan markay socdeen. 18 Oo wareegyadooduna aad bay u dheeraayeen, waxayna ahaayeen wax aad iyo aad looga cabsado, oo afartoodaba wareegyadooda waxaa ka buuxay indho miidhan. 19 Oo markay xayawaanku socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo xayawaankii markii dhulka kor looga qaadayba giraangirihiina kor baa loo qaaday. 20 Oo meel alla meeshii ruuxu tegeyba iyaguna way tageen, oo giraangirihiina iyagay la sara keceen, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii. 21 Markii kuwaasu tageen, kuwanuna way tageen, oo markii kuwaasu istaageenna, kuwanuna way istaageen, oo markii kuwaas dhulka kor looga qaadayna giraangirihiina dhinacoodaa kor loola qaaday, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii. 22 Xayawaanka madaxoodana waxaa ka korreeyey cir ekaantiisa la moodo baraf aad looga cabsado oo ku dul fidsan. 23 Oo cirka hoostiisa ayaa baalashoodu ku toosnaayeen, oo midba kan kale xaggiisuu u sii jeeday. Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa laba baal oo dhinacan uga daboolan iyo laba baal oo jidhkiisa dhinacaas ugu daboolan. 24 Oo markay socdeenba waxaan maqlay sanqadhii baalashooda oo la moodo sida biyo badan guuxood, iyo sida Ilaaha Qaadirka ah codkiisii, iyo buuq sanqadhiis la moodo sidii ciidan hugunkiis oo kale. Oo markay istaageenna baalashoodii bay dejiyeen. 25 Oo cod baa ka yeedhay cirkii madaxooda ka korreeyey, oo markay istaageen baalashooda bay dejiyeen. 26 Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg. 27 Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya. 28 Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.

U Yeeriddii Yexesqeel

Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye. Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay. Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaan kuu dirayaa reer binu Israa'iil oo ah dad caasiyiin ah oo iga caasiyoobay. Ilaa maantadan iyaga iyo awowayaashoodba way igu xadgudbayeen. Iyagu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. Iyagaan kuu dirayaa, waxaanad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay. Oo iyagu hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, weli way ogaan doonaan in nebi iyaga dhex joogay (waayo, iyagu waxa weeye reer caasiyoobay). Wiilka Aadamow, iyaga ha ka baqin, erayadoodana ha ka baqin, in kastoo yamaarug iyo qodxan ay kugu wareegsan yihiin oo aad hangarallayaal dhex deggan tahay, erayadooda ha ka cabsan oo aragtidooda ha ka baqin, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay. Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay. Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun. Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban. 10 Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.

Cibraaniyada 11:1-19

Rumaysad

11 Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin. Waayo, saasaa loogu markhaati furay waayeelladii. Rumaysad ayaynu ku garanaynaa in duniyooyinka lagu abuuray erayga Ilaah, sidaas daraaddeed waxa la arko lagama samayn waxa muuqda. Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii. Saas daraaddeed isagoo dhintay ayuu weli hadlaa. Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey. Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona. Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada. Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo. Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan. 10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay. 11 Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday. 12 Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin.

13 Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah. 14 Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah. 15 Oo hadday xusuusnaayeen waddankii ay ka baxeen way heli lahaayeen wakhti ay ku noqdaan. 16 Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo.

17 Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha, 18 in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 19 Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya